Monday, November 23, 2020

Dood ka dhalatay hadalkii Trump ee shakaga galiyay xil wareejinta haddii laga guuleysto

16 Daqiiqadood ka hor

Hogaamiyaha sanetka ee xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnell ayaa sheegay in “si nidaam leh ” doorashada ka dib loo maareyn doono xilliga kala guurka ka dib markii uu madaxwayne Trump su’aal galiyay geedi socodka doorashada iyo sida loogu kalsoonaan karo.

Mr McConnell oo ka mid ah sanatarada ugu sarsareeya ayaa xusay in cidda ku guuleysataba doorashada madaxwaynanimada 3 November in caleema saarka uu qabsoomi doono 20 bisha January.

Waxaa uu intaa ku daray in sidii caadada u ahayd Mareykanka afar sano kasta tan iyo sanaddii 1792 ay xil wareejinta dhici doonto haddii Trump doorashada looga guuleysto.”

Sidoo kale Sanatrada kale ee xisbiga Jamhuuriga ayaa iyagu ballanqaaday in si nidaam ah oo amman ah ay doorashada ku dhici doonto.

Sanatar Lindsey Graham,oo ay si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwayne Trump ayaa ka mid sanataradaa balanqaaday in si nabad ah ay wax walba ku dhici doonaan.

Sanatar Mitt Romney ayaa dhankiisa si adag uga hadlay arrintan isaga oo sheegay in haddii ay dhacdo in madaxwaynaha uu dastuurka xushmayn waayo ay arrintaasi tahay mid aan loo dulqaadan doonin.

Maalin ka hora ayay ahayd markii madaxwayne Donald Trump uu diiday in uu ballanqaado xil wareejinta haddii doorashadaa looga guuleysto.

Mr Trump ayaa yiri “waan arki doonaa waxa dhaca”.

Waxaa uu shaki galiyay codeynta ku dhaceysa qaabka Boosatada ah, balse saraakiisha dooarsahad ayaa ku adkeystay in boostado tahay mid la isku haaleyn karo.

Madaxwayne Trump ayaa imika dhanka ra’yi uruurinada ka hooseeya musharaxa xisbiga Dimuqraadiyada Joe Biden, xilli ay doorashada ka hartay 40 maalmood.

Sanadkan tira aad u badan oo codbixiyayaasha Mareykanka ah ayaa codadkooda ku dhiibanaya qaab Boosta ah, taasi oo ka dhalatay feyriska corona, islamarkana waxaa uu Mr Trump uu su’aal galiyay ammaanka nidaamka codeynta ee Boostooyiinka.

Musharax kasta oo doorashada madaxwaynanimo Mareykanka looga adkaado ayaa waxaa caado ahayd in uu aqbalo islamarkana uu qiro in uu guuldareystay.

Maxaa dhici kara haddii uu Trump diido xil-wareejinta?

Haddii uu diido in uub aqbalo natiijada doorashada, waxay dalkaasi arrintaasi u horseedi karta waji cusub oo aan looga baran.

Mr Biden ayaa soo jeediyay haddii ay arrintani dhacdo, in militariga ay xoog uga saaraan Mr Trump aqalka cad.

Barbara McQuade oo horay usoo noqday xeer ilaaliyaha Michigan, haddana ah macallin culluunta sharciga ka bara jaamacadda Michigan ayaa wargeyska The Atlantic ee kasoo baxa dalka Mareykanka u sheegay in haddii madaxweyne Trump uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo marka uu dhammaado muddo xileedkiisa, laamaha ammaanka ay ka shaqeyn doonaan sidii xafiiska looga saari lahaa.

“Madaxweyne Trump waxaa uu markiiba luminayaa awoodda uu siinayo dastuurka dalka Mareykanka maadaam uu dhammaaday muddo xileedkiisa”, ayuu yiri Barbara.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ee Mareykanka ayaa kusoo warramay in haddii madaxweynaha uu dhamaado muddo xileedkiisa ama xilka laga qaado, balse uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo uu weynaya awoodda uu ku amro ilaalada madaxweynaha ama dhammaan ciidamada Mareykanka ee ka amar qaata.

Maadaama madaxweyne Trump uu yahay taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka, waxaa sidoo kale meesha ka baxaya awoodda amar-siinta ciidamada Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo markaas noqon doono muwaadin caadi ah ah ayaa waxaa meesha ka baxaya xasaanadii uu lahaa ee ahayd in aanan wax dacwad ah lagu soo oogi karin inta uu xilka hayo, waxaana dhici karta in la xiro, laguna soo oogo dacwad ah in uu si sharci darro ah ku joogay xafiiska.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54291121original article

Related Articles

Hordhac: Man United Vs Istanbul Basaksehir: Red Devils Maka Aar Gudan Doontaa Kooxda Reer Turkey.

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti galin doonta kooxda istanbul basaksehir kulankii 4-aad ee wareega Group-yada champions League. Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen kooxda istanbul basaksehir kulankii hore. Dhanka kale kooxda istanbul basaksehir oo kaliya hal kulan badisay ayaa doonaysa in ay gaadhaan guul kale oo kor u qaada rajadooda tartanka. Kulanka: Man United Vs Istanbul Basaksehir Tartanka: Champions League Wakhtiga: 11:00 Garoonka: Old Trafford XAQIIQOOYINKA KULANKA: Man United ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Turkey Tartamada yurub iyaga oo waliba labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldaro la kulmay. Istanbul Basaksehir ayaa kaliya hal mar soo booqatay England markaas oo ay marti u noqdeen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Europa League waxana ay la kulmeen guuldro 1/0 ah. Man United ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha reer Turkey ku marti galiyeen Old Trafford tartamada yurub, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro kala kulantay garoonkeeda iyaga oo la ciyaaraya koox reer Turkey ah ayaa ahayd November 2009 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Besiktas champions League. Kooxda Man United ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub ay ku ciyaartay Old Trafford iyaga oo dhaliyyay 20 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool. Let’s block ads! (Why?)

Abiy Ahmed oo la-taliyihiisa Amniga u soo diray Madaxweyne Farmaajo iyo kulan ka dhacay Villa Somalia

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergay gaara u soo diray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo, isla markaana farriin u soo gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Gedu Andargacho ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa. Ad La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wadahadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka, sia uu sheegay safiirka Itoobiya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray. Warar Xul ah

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xog: Deni oo diiday Codsi uga yimid Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho

Madaxweyne Deni, ayaa si cad u diiday codsi uga yimid musharrixiin ku shirsan Muqdisho, kuwaas oo ka dalbaday  in uu beddelo laba xubnood oo ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho, waxay madaxweyne Deni ka dalbadeen, in uu beddelo labada xubnood oo kala ah; Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Cabdulle Tima-cadde iyo Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) oo kamid ah Guddiga sare ee La-Talinta Madaxweynaha. Musharrixiintu waxay Mr. Deni xasuusiyeen, in haddii uu beddelo labadaas xubnood ee ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taasi ay cadaadis ku saari doonto Madaxweyne Farmaajo, in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Balse, Madaxweyne Deni ayaa gebi ahaanba diiday codsiga uga yimid Musharrixiinta Doorashada 2020/2021,  kaas oo ku saabsan in uu beddelo labada xubnood oo kala ah Cabdiweli Tima-cadde iyo Yaasmiin Nayn. PUNTLAND POST Let’s block ads! (Why?)

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54291121original article