Saturday, October 24, 2020

Dib U Eegid: Arsenal Oo Muddo 6 Sano Ah Ku Dhibaatoonaysa Kulamada Martida Ee 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League toodbaadkii 5-aad ee horyaalka.

Gool uu dhaliyay Raheem Sterling ayaa Gunners dusha u saartay guuldaro 1/0 ah xilli ay Si fiican isaga caabisay Man City.

Kadib guuldaradaas Arsenal ayaa wali sii wada rikoodhkeeda xun ee kulamada horyaalka ee ay martida tahay.

Arsenal ayaan wax guul ah gaadhin kulamada martida ee ay la ciyaarto kooxaha waaweyn ee 6-da ah ee premier League tan ilaa Bishii January sanadkii 2015.

Arsenal ayaa tan ilaa bishii January ee sanadkii 2015 ciyaartay 28 kulan oo premier League ah oo ay booqatay 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier League.

Laakiin Arsenal ayaan wax kulan ah badin 28-ka kulan ee ay la ciyaartay kooxaha waaweyn ee premier League bishii January ee 2015.

Gunners ayaa laga badiyay 18 kulan oo ka mid ah kulamadaas iyaga oo bar-bareeyay 10 kulan oo ka mid ah kulamadaas.

Laacib.net

 

 

Related Articles

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Barcelona Vs Real Madrid: Ayaa Ugu Xiddigo Badan Shaxda El Clasico

Mid ka mid ah kulamada sida weyn loo wada sugayo Maanta ayaa ka dhici doona garoonka Camp Nou galabnimada maanta iyadoo Barcelona ay soo...

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles