Tuesday, October 20, 2020

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Related Articles

Bililiqada Ceerigaabo ka socota

20th October 2020  admin  Category : Nashqadaynta ay Hartiga Ceerigaabo u baahan yihiin oo Isaaqa reer Ceerigaabo degani ayna u baahnayn waa bililiqo iyo koox isu arkay inay ku guulaysteen dagaalkii beelaha ee gobolka Sanaag. Nimakan Cagfta gelinaya qaar ka mid ah waa ku iibsaday Dhismayaashii iyo iyo dawladdii Kcaanka dhisay oo guryo kaga iibsaday dalka Turkiga [embedded content]

Warqad furan Ku socoda madaxweynaha Somaliland

October 20, 2020 | Published by: yaska Warqad furan Ka timid abdisalaan mohamoud Ku socoda madaxweynaha qaranka Mawduuca Odweyne Mudane madaxweyne kusoo dhawoow caasimada Gobolka Daadmadheedh ee Odweine xarunta shidaalka iyo khayraad ka dalka Tan iyo intii aad xilka madaxweyne aad Talada wadanka qabatay waa markii labaad ee aad soo booqato gobolka waa arin muujinaysa dadaalka iyo juhdiga wadanka ku doonayso Inaad xogogaal noqodo baahiyaha aasaasiga ee gobolka Mudane madaxweyne mudadii aad xilka haysay siyaasadaada waxqabad ee gobolka Daadmadheedh waa kaaga mahad celinaynaa waxqabad ka muuqda ee aad ka hirgalisay odweiwe A.hirgelinta dhameystira Banka dhexe ee masuulka kaaga yahay Gudoomiye Cali Ibrahim Jama Baqdaadi oo ka hirgaliey dhisitaanka banki weyn oo ah rugunada dawladnimada kana soo baxey waajibadka qaran B.maxkamadii gobolka la dhameystiran C. Jeelki weynaa oo la dhisayo Iyo dadaalo badan oo aad muujisay oo iyana socda Mudane madaxweyne Baahiyaha aasaasiga ee u baahan Inaad u guur gasho 1. Odweine waa xuduntii xoolaha shidaalka iyo beeraha waa gobolka ugu balaadhan istaraatiji ahaan iyo baaxad ahaan ba madaxweyne Odweine cashuurteeda burco iyo hargeisa ayay ku dhacaan awood umalaha inay neefka xoolaha cashuurato oo ay u madaxbanaanaato waxaa dabar ku ah xeerka baarlamaanka oo Xanibay cashuurtii gobolka curyaamin weyna ku ah gobolka madaxweyne arinta wax ka qabo 2. Madaxweyne noqo mid hirgeliya balantii aad reer Oodweyne aad kaga farxisay Inaad wadada burco odweyne iyo hargeisa dhagax dhigto dhisi doonto taas oo aan odhan karo waxaad timid wakhtigeedi waa wado wax ku ool ah dhaqaale ahaan iyo dawlad ahaan ba waana halwable uu qarankani tebayo wadadan waxaa filayaa Inaad ka dhabayn doonto madaxweyne 3.madaxweyne waa Inaad daadajisaa nidaamka dawladnimada iyo adeega dawlada sidaad imikaba aad u wado dhaqaale ahaan maamul ahaan iyo dad ahaan waa nidaamka Dawadnima hargeisa la dhaafiyo goob kasta waa Inaad gaadhsiisa adeega dawladeed. 4. Madaxweyne masuuliyiinta gobolka metala kula xisaabtan waxay umada u qabteen uma baahnin masuul kursiga Oodweyne iskaga fadhiya waxii loo igmadeyna aan qaban uu guur galista odweyne masuul kasta a inuu xafiiskiisu ka shaqeeyo waxay ku tusi doontaa cida wax qabatay iyo kuwa aan waxba qaban si fudud baad u ogaan doonta 5. Baahiyaha aasaasiga ee gobolka waa kuwo aad u tiro badan Marka laga tago masuuliyiin faro ku Tiris ah oo shaqadooda kasoo baxay soona gaadhsiiyay adeegii dawladnimada ee aad u igmadey taasna aad ku abaalmariso wax qabad ka bulshada u qabteen kuwa aan wax qabana aad kula xisaabtando waxay wax uga qaban waayeen shaqadii dawlada ay u hayeen bulshada ugu celin waayeen 6. Mudane madaxweyne gobolka doorkii badhasaabnimada ayuu 7. Madaxweyne wasaaradaha gobolka inta badan xafiisyo kuma laha Marka laga tago wasaarada kooban 8.madaxweyne gobolka wuxuu baahanyahay kastamkii in loo sameeyo si gobolka ula jaanqaado gobolada kale dalka taas oo ka qayb qaadanaysa Koboca dhaqaale ee odweyne tabayo iyo dalkaba socdaalkaaga waxay marag madoon u tahay sida aad ugu dafaxeydan tahay dalka Inaad meel fiican gaadhsiiso mudane madaxweyne waxaa filayaa Inaad Baahiyaha a wax ka qaban doonto waxna ka bedel I doonto. Wabilaahi tawfiiq. LA WADAAG ASXAABTAADA

Stay Connected

20,875FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Maxaysatada Siyaasadda Soomaalilaan. Ujeeddo badan.

October 20, 2020 | Published by: yaska Madaxdii dowladda waxaa isha ku haya dhalinyaro wax basaasa oo u dhigma xisaabiyaha idman oo aan libiqsanayn, waa sidii xukuumaddii kacaanka, madaxdu way la sii jeestaan marka ay xanjo afka gelinayaan. Inamadu waxba ma maqlaan, kursiga kama kacaan iyaga oo wax qooraansanaya mooyee, waxaa lagu xantaa ‘ yaryarka dalbaha leh.’ Odaygan magiciisu waa jab Libaax, xisbigii uu ka tirsanaa wuxuu kala daatay, markii lagaga adkaaday doorashadii ugu dambeysey ee uu xil qabtay. Meesha wuxuu u joogaa in uu hor fadhiyo xisbiga ay beeshiisa iyo isaga laftiisu taageero ku filan guusha madaxtooyada u waayeen doorashadii u dambeysey. Hore wuxuu u lug gooyey xisbigii uu kula shuraakoobey laandheerenimada iyo danahiisa shakhsi. Inkasta oo ay jiraan faq iyo balan hoose oo uu naftiisa la galay, hadana Odayga wataa, weli ma Indho darayn, wuxuuna si foojigan u il baadinayaa dhaqdhaqaaqiisa iyo dhuumashooyinkiisaba. Is aaminku wuxuu noqday sheeko iyo beri. Waxaa jirta warqad cinwaan looga dhigo “Madaxweynaha oo diyaarinaya isku shaandhayn golaha xukuummadda” waxay soo baxdaa dhowrkii biloodba mar, waxayna soo toosisaa asxaabta godka ee rajo dhigtay, waxayse ku dambaysaa in dhowr ma quuste sawirka lagu buuxsado dabadeedna la fasaxo. Ujeeddada loo kala wado Maxamed iyo Maxamuud, waa sidii loo kala irdhayn lahaa is ogosha labada bahood ee ay wadajirkooda wax ku noqon lahaayeen, mid waxaa loo qoondeeyey sidii loo bari lahaa badhaq nugeyl aan suurto gal ahayn, iyadoo loo soo marayo hogaanka Socdaalka iyo Sirdoonka qaranka, kan kalena waxay bishu hortiisa iman, marka hoggaamiyihiisu cid u codaysaba waayo. Dadweynuhu way ka daaleen maamul aan hal abuur lahayn, oo hoggaan ciidan leh, kolkii horeba waxaa lagu liqay arrin dhaqan iyo balan la fulinayey. Badheedhaha shacabku wuxuu soo afjari doonaa, taariikhda Soomaalilaan shantii sanaddood ee abid Askari xukumo. Ninkan Inanta dhulka ku haysta, ee marka guddi xaqiiqo raadin ah la soo diraba, guriga kale ee waddada soo galay tusaya, waa nin Diinta la isku sawiro iyo khiyaanada ku cirraystay, Shiikh Khaliil baa la dhacay Muslimnimada ka muuqata, kaaga daranne macangegnimo, shan nin waddada ugama kaco, waaba kii oo gardarada garab u helay. Waanu iska aamusi lahayn, haddii uu magaalada noogu samayn lahaa calaamad qudha oo badhtamaha Burco ama waddada Howdka ishaaraysa ama hadduu tobonaanka haldoor ee reer Togdheer uu si uun u weyneyn lahaa, inay halkani tahay magaaladoodii, si ay dhalinyarada hamigooda u koriso. Tolow miyaanay arkayn hebelada iyaga oo aan filayn, diyaarna ahayn, ka hoydey adduunka, iyaga oo aan cidina u sii digin. Gafanuhu himiladiisa ma ku gaadhayaa kala guridda Maxamed iyo Muuse? Ma ku guulaysan karaa isagoo raacaya qaaciidada macalinkiisu u soo dhiibey? Maya. Labadii Xisbi mucaarad oo midba kan kale ka xigsanayo xukuumadda, si murashaxoodu ugu xigo xilka madaxtinimadda ama aan xisbigoodu ugu soo bixi waayin Ururada haddii la furo. Waxba kama ay korodhsan, kal hore iyo farsamooyinkii Kulmiyihii hore. Mucaarad kulul ayaa guuleysta, la isma baryo, axsaanna ma jiro Siyaasadda. Waxaan amaanayaa siyaasiyiinta C Geeljire, Xirsi Cali iyo C Daamur. Waddada Oodweyne waxay ka hir geli weydey koox fahmo yar, munaafaqnimo badan, oo aaminsan, haddii la isku xidho Burco, Oodweyne iyo Hargeysa, in degmada Shiikh iyo inta sii xigta Berbera ay ka lumayso fursado dhaqaale, iyaga oo aqoon gaabni garan la’, in aan Berbera marnaba looga baqayn in ay kobocdo oo barwaaqaysato. Sidee ayay reer Soomaalilaan u aaminayaan wax wada lahaansho? haddii Muwaadinka ka yimaadda Sool ama Sanaag lagu kadeedo safarrada ay ku tegayaan Caasimadda dalka, haddii hay’adaha amnigu ay soo jactediyaan, joogsiga Bari ee magaalada Shiikhna cago jugleyn iyo baadhasho loogu daro, dad wax wada leh tacadigaasi miyuu qabtaa? Hadday wada eexo tahay, hadday dabin aasan tahay, Shil iyo wada eeso tahay, hadday wada aano tahay, Hadday agaraa dam tahay, addoonsigu diin u yahay, Hadday orgobbaysan tahay, iimaanku ka qoomanyahay, Hadday abnawaasad tahay, afduub iyo beeno tahay, Hadday wada aniga tahay, siyaasadi aabe ma leh. Waa mar kale, maansadii Awaal tiris iyo filasoof Hadraawi. . Bashiir Tarabbi Oogle, Caynaba, Soomaalilaan. LA WADAAG ASXAABTAADA

This post first appeared on Radio Moqdisho. Read the https://www.radiomuqdisho.net/dhageyso-warka-subax-ee-radio-muqdisho-1000/original article