Wednesday, October 28, 2020

Deg deg: Xildhibaanada BF oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas loo magacaabay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka.

Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajendaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.

Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu weydiistay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahad-celin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaaladda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadibna wuxuu ka codsaday codka.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215-ka xildhibaad ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa loo dhaariyey xil-kiisa, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/deg-deg-xildhibaanada-bf-si-aqlabiyad-leh-ku-ansixiyey-raiisul-wasaaraha-cusub/original article

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha, iyo Amniga ee XF Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA)... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga. Eng. Rooble ayaa ku ammaanay Wasiirradii hore ee xilka wareejiyey howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo wasiirrada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si caddaalad ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada xilka la wareegay in dalkooda ay ugu shaqeeya si daacaad ah, maadaama wasaaradaha ay la wareegeen muhiim u yihiin dowladnimada, gaar ahaan Amniga, Federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Gen. Mukhtaar Xasan Afrax, halka Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Mudane Xasan Xundumeey Jimcaale.

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay falalka maalmahii ugu dambeeyay aadka looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa caruurta la xado. Toddobaadyadii ayaa Muqdisho waxaa aad looga hadal hayay kufsiga iyo caruurta oo la xado, taasoo walaac weyn ku abuurtay waalidiinta, waxaana waddanka uu ku […] The post Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Stay Connected

20,933FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Banaan baxyo looga soo horjeedo Gefka Faransiiska oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

https://www.youtube.com/watch?v=9cYPI58Jjzs&feature=youtu.be&fbclid=IwAR2Que1msNqBvEpHipEFHK8jkBx2r_EsZ21ium3M8oVDNqSV1WxnUUwWLJo