Tuesday, November 24, 2020

DEG-DEG: Edouard Mendy Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda Chelea.

Edouard Mendy ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Chelsea ka dib markii kooxda Blues 22 milyan oo euro kala heshiisay kooxda Rennes.

Heshiiska ayaa la filayaa in la dhamaystiro 24-ka saacadood ee soo socda kadib marka uu tijaabada caafimaadka ku maaso sidoo kale la dhamaystiro heshiiska shaqsiga ah.

Frank Lampard ayuu cadaadis xoogan ku saaranyahay in uu Goolhaye cusub keeno kadib markii uu Kepa Arrizabalaga sameeyay khaladaad dilaa ah labadii kulan ee premier League.

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay Rennes tan iyo ka hor bilowgii xilli ciyaareedka iyaga oo doonayay in ay Mendy keenaan Kooxda.

agaasimaha farsamada Chelsea ee Petr Cech ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Rennes waxana uu si weyn ugu lug lahaa wadahadaladii ay ku doonaysay Goolhayaha.

28 jirkaan ayaa shabaqiisa ilaashaday sagaal kulan oo ka mid ah 24 kulan oo uu saftay Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore.

Mendy ayaa noqon doonaa saxiixii 7-aad ee ay samayso kooxda Frank Lampard kadib markii ay kooxda ku soo biireen Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Thiago Silva, Malang Sarr iyo Kai Kavertz.

Laacib.net

Related Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Stay Connected

21,076FansLike
2,450FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Russia fully supports Ethiopia’s efforts to combat TPLF Junta

Addis Ababa, November 23, 2020 –Russia said it stands by the side of Ethiopia in any case, according to the House of People’s Representatives...

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo shirka Musharaxiinta oo waji cusub yeeshay!!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90#new_tab