Friday, October 23, 2020

Deadlock in Somalia as leaders fail to reach preliminary deal for election dialogue – Garowe Online

Related Articles

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka qeybta 21aad ee Xoogga dalka ayaa saaka weeraray degaanada Labi-dule iyo Sina dhaqo oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb halkaasoo la sheegay iney ku sugnaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab laga sifeeyey labada degaan ka dib dagaal muddo kooban qaatay socday oo ka dhacay. Taliyaha Guutada 15aad oo […] The post Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab appeared first on Allbanaadir.com.

Waa Sidee Xaalada Sergio Ramos Ka Hor Kulanka Kooxdiisa Ee El Clasico?

Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiia Real Madrid ka hor kulanka El Clasico ee horyaalka L La Liga. Sergio Ramos ayaa ku dhaawacmay kulankii Cadiz ee horyaalka La Liga ee sabtidii horee waxana uu ku qasbanaaday in uu ciyaarta ka boxo. Kabtanka Los Blancos ayaa seegay kulankii champions League ee ay Real guuldarada kala kulantay kooxda Shakhtar. Xiddiga ayuu shaki ku jiray in uuna taam u noqon doono kulanka El Clasico laakiin xiddiga ayaa si caadi ah uga qayb qaatay tababarkii kooxdiisa. Wargayska Marca ayaa sheegaya in uu xiddigu si caadi ah u tababartay waliba arintaas calaamad u tahay in uu taam u noqon doono kulanka bari.

Ronald Koeman Oo War Fiican Ka Helay Tababarka Ka Hor Kulanka El Clasico.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronaldo Koeman ayaa war fiican ka helay Tababarka Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Real Madrid ee Sabtida. Kooxda Barcelona ayaa Marti Galin...

Stay Connected

20,896FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Mareykanka oo si buuxdo u ansixiyay dawo Korona lagu dabiibi karo

8 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Reuters Dawadan waxaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay.Hay'adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka waxa ay meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada remdesivir.Hay'adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta."Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA.Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada.WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay - balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay'addu shaacisay.Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka.Waxaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus. Maxay FDA sheegtay?Bayaanka ayey FDA ku sheegtay in dawada Khamiistii la ansixiyay "in la siiyo dadka waa wayn iyo carruurta bukaanka ah ee 12 jirka ah iyo kuwa ka wayn iyo dadka ugu yaraan miisaankoodu uu yahay 40 kiilo-garaam, kuwaas oo isbitaallada looga dabiibayo cudurka Covid-19"."Meelmarinta maanta waxaa lagu saleeyay xog laga helay tijaabooyin caafimaad oo badan oo hay'addu ay si qoto dheer ugu qiimeeysay, tanina waa guul taariikhi ah oo ahmiyad saynis leh oo laga gaaray cudurka safmarka ah ee Covid-19," ayuu yiri Gudoomiyaha FDA Stephen Hahn.Hay'adda ayaa sheegtay in go'aankeeda ay taageereen dad xogta falanqeeyay oo ka kala socday "saddex kooxood oo si kala duwan loo soo xulay, kuwaas oo qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad oo ay ku jiraan kuwo lagu sameeyay bukaanno isbitaalka loo dhigay xanuun daran oo Covid-19 ah".Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujiysa in "xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo Covid-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Veklury, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo".Maxay aheyd daraasadda WHO?Barnaamijkeeda midaynta tijaabada caafimaad, WHO, waxa ay baartay saameynta afar dawo oo ay suuragal tahay in la isticmaalo - Remdesivir ayaa ka mid aheyd - waxaa sidoo kale la eegay dawada malaariyada ee hydroxychloroquine. Dawooyinka loo isticmaalo in lagu xoojiyo difaaca jirka, iyo dawooyinka HIV-ga loo isticmaalo ee lopinavir iyo ritonavir.Dexamethasone, oo haatan aad loo siiyo bukaannada Covid ee xaaladdooda ay culus yihiin ee UK, ayaanan lagu darin daraasadda.Afarta dawo waxaa lagu tijaabiyay 11,266 bukaan oo ku jiray 500 oo isbitaal oo ku yaal in ka badan 30 dal oo kala duwan.Natiijooyinka oo aanan weli dib loo eegin, waxa ay muujinayaan in daweyntaas ay saameyn wanaagsan oo dhinaca niyadda ay horseedeen ama mudada dheer ee isbitaalka lagu jiri lahaa oo soo yaraatay, sida ay sheegtay WHO.

Galmudug oo magacawday Guddiyada Doorashooyinka iyo Hirshabeelle oo weli gudbin (Akhriso)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal. C/casiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, ayuu madaxweyne Qoor Qoor u xushay labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug. Ad Dhinaca kale Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad, ayuu ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya  guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal. Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya. Warar Xul ah