Monday, October 19, 2020

Dayuurad Qaad siday oo todoba bilood ka dib ka soo degtay Muqdisho (Mala fasaxay)

– Advertisement –

Dayuurad la sheegay iney Qaad ka keentay Itoobiya ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka COVID-19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin.

Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa la sheegay inuu ogolaaday in qaadka baxa dalkaas ee Hareeriga loo yaqaano la keeno dalka, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya lagu fasaxay Qaadka Itoobiya inuu si sharci ah ku soo galo dalka.

Shirkadda dayuuradaha National Airways ee dalka Itoobiya oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa keligeed loo xiray iney Muqdisho keeni karto Qaadka Itoobiya, iyadoo madaxda shirkadan ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Somalia.

Inkastoo maanta Qaadka Itoobiya ee hareeriga loo yaqaano ay Muqdisho keentay hal dayuurad oo kaliya ayay wararku sheegayaan in maalmaha soo socda ay shirkada oo adeegsaneysa dayuurado badan ay kordhin doonto shixnadaha Qaadka ee ay dalka soo geliso.

Dowlada Somalia ayaa Qaadkii ka iman jiray Kenya joojisay todoba bilood ka hor cudurka COVID-19 awgiis, balse dhowaan markii duulimaadyada Somalia dib loo bilaabay DF ayaa ka gaabsatay iney fasaxdo qaadka Kenya xurquf siyaasadeed ee labada dal ka dhexeysa awgeed sababo la xiriira muranka dhinaca xadka badda ah ee u dhexeeya oo dacwadiisu ay taallo maxkamada caalamiga ah ee ICG.

Golaha wasiirada Somalia ayaa labo bilood ka hor si aan shaac aheyn u fasaxay Qaadka Kenya hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey talaabadaas, iyadoo Kenya ay weli dedaal xoog leh ku bixineysa sidii  mar kale ay qaadka u keeni laheyd Suuqa ugu weyn ee qaadkeeda loo iibgeeyo oo ah Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]
 

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167924original article

Related Articles

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Share on Facebook Tweet on Twitter Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ,Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud (filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Seynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, bahda fanka iyo Ehelada Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan uga tacsiyadeeyay geerida ku timid, waxaana ay Alle uga baryeen in uu janadii fardowza ahayd ka waraabiyo. Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ku guuleysatay bilo dhowr ah oo ay ku muteysatay suugaanta dhiiri gelinta leh iyo kuwa wadaniyadda ka hadlaya oo ay kal hore ku luuqeysay. SHARE Facebook Twitter Previous articleFanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Xog: Muqdisho iyo Jowhar oo lagu diyaariyey xubnaha Xawaadle ee baarlamanka HirShabelle – Yaa sameeyey?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. “Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan. Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin weyn oo muuqata hadda ku leeyihiin abaabulka loogu jiro soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle. Madaxweynaha HirShabaeelle ayaa loo wadaa Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal, taasi oo beesha Xawaadle ay aad uga soo horjeedo ayaga oo ku doodaya in kursigaas ay tahay in loo daayo ayaga kaliya. Siyaasiin badan, odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, ayaga oo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

DEG DEG:Fanaanad caan ah oo goor dhow ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

- Advertisement - Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda. Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan. Saynab waxay fanka ku soo biirtay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, iyadoo riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde. Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aasaasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale. Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Stay Connected

20,876FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Share on Facebook Tweet on Twitter Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ,Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud (filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Seynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, bahda fanka iyo Ehelada Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan uga tacsiyadeeyay geerida ku timid, waxaana ay Alle uga baryeen in uu janadii fardowza ahayd ka waraabiyo. Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ku guuleysatay bilo dhowr ah oo ay ku muteysatay suugaanta dhiiri gelinta leh iyo kuwa wadaniyadda ka hadlaya oo ay kal hore ku luuqeysay. SHARE Facebook Twitter Previous articleFanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Xog: Muqdisho iyo Jowhar oo lagu diyaariyey xubnaha Xawaadle ee baarlamanka HirShabelle – Yaa sameeyey?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. “Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan. Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin weyn oo muuqata hadda ku leeyihiin abaabulka loogu jiro soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle. Madaxweynaha HirShabaeelle ayaa loo wadaa Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal, taasi oo beesha Xawaadle ay aad uga soo horjeedo ayaga oo ku doodaya in kursigaas ay tahay in loo daayo ayaga kaliya. Siyaasiin badan, odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, ayaga oo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

DEG DEG:Fanaanad caan ah oo goor dhow ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

- Advertisement - Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda. Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan. Saynab waxay fanka ku soo biirtay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, iyadoo riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde. Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aasaasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale. Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected]e.com - Advertisement -

Madaxweyne ku xigeen Afrikaan Ah Oo Fasax ku Qaadanaya Hotel Habeenkii Lagu Seexdo 50,000 oo dollar

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea Teodorin Nguema Obiang, ahna wiilka madaxweynaha dalkaas, ayaa fasax ku qaadanaya jasiirad lagu nasto iyagoo muuqaallo iyo sawirro ay iska qaadeen soo dhigay barta Instagram-ka. Muuqaalkii ugu dambeeyay   ayaa waxaa la arki karaa isaga oo ku dhex lugeynaya xeeb cidlo ah. Wuxuu deggan yahay hotel habeenkii lagu seexdo $50,000 (£38,000) kaas oo ku yaalla jasiirad gaar ah, ayuu weriyahaasi ku yiri qoraalkiisa.. Sanadkii 2017 wargeyska The Economist ayaa qoraal uu cinwaan kaga dhigay faataalaha Instagram sidoo kale waa madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea, wuxuu kaga hadlay nolosha Mr Obiang. Waxaa qoraalka lagu xusay sawirro uu madaxweyne ku xigeenku ku soo bandhigayo gawaaridiisa iyo guryihiisa qaaliga ah. Sanadkii 2017, maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah oo dib loo dhigay, isagoo lagu eedeynayo musuqmaasuq. Halkan hoose ka daawo

Fanaanaddii Baxsan oo Baxday

Allah u naxariistee waxaa goor dhow  magaalada Muqdisho ku geeritootay Seynab Xaaji Cali Baxsan oo kamid aheyn fanaaniintii hore ee  Soomaaliyeed. Sanab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeybn maanta u geeriyootay xanuunka ay la dhul jiif dhowaanahaan. Allah u naxariistee fanaanadda ayaa waxaa ay kamid aheyd  kuwii aan ka bixin dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ka tirsaneyd hoboladii qaranka Waabari. Goobjoog News

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167924original article