Sunday, November 29, 2020

Dalladda Waxbarashada SAFE oo markale ka hadashay Natiijada Imtixaanka Dowlada

Hoggaanka sare ee Dalladda Waxbarashada SAFE iyo maamulayaasha iskuulada hoos yimaada Dalladda ayaa maanta kulan balaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa mar kale lagu cadeeyay in Dalladda SAFE iyo Iskuulada hoos yimaada aysan weli ku qanacsaneyn natiijada imtixaanka oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dalladda SAFE iyo maamulayaasha iskuulada ayaa wasaaradda waxbarashada ku dhaliilay in aysan diyaar u ahayn in ay qanciso ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo Dalladdaha Waxbarasho.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in ay muhiim tahay in la cadeeyay sababta 8 kun oo arday ay ku dhaceen iyo sababta ay Wasaaradda Waxbarashada u diiday in dib loo baaro natiijada imtixaanka maadaama aan lagu wada qancin.

Kulanka ayaa lagu cadeeyay in maamulayaasha Iskuulada iyo hogaanka Dalladda SAFE ay go’aansadeen in guddoonka waxbarashada gobolka banaadir iyo wasaaradda in aysan wax xiriir ah la sameyn doonin inta ay taallo cabashada Ardayda.

Agaasimaha fulinta ee Dalladda Waxbarashada SAFE Keysi Mayow Abul Xuseen oo warmurtiyeedka ka soo baxay kulankooda warbaahinta u aqriyay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu noqdo natiijada Imtixaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in arrintaan uu soo fara geliyo kana hadlo dhibaatada lagu hayo Ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa uu madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku shirsan Muqdisho ugu baaqay iney si deg deg ah ugu jawaabaan cabashada ardayda iyo sida loola dhaqmay isla markaana la sameeyo guddi dib u baara natiijada Imtixaanka.

Related Articles

Stay Connected

21,117FansLike
2,458FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

https://www.youtube.com/watch?v=87dhBm3oFIE&feature=youtu.be&fbclid=IwAR1B2KHk4J7ALsK-akh6RHpa_3EI95ft9UT_avyk3CvdX6S6Gqq3WFnYPXw

War cusub oo ka soo kordhay weerar Bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar-weyne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Bambaano oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas. Khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn. Saraakiisha Booliska Somalia ayaa sheegay in ciidamo ku sugnaa agagaarka saldhiga Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen ninkii tuuray bamkaas, xili uu isku dayayey inuu cararo. “Ninkii bamka tuuray gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana lagu hayaa xabsiga, laamaha amniga ayaana su’aalo weydiinaya, bamka uu tuurayna ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dad wax ku noqday” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Xamar-weyne oo la hadlay warbaahinta. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -