Thursday, November 26, 2020

Dacwadda ku saabsan Qadaafi ee loo heysto madaxweynihii hore ee Fransiiska

18 Daqiiqadood ka hor

Maxkamad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid madaxweynihii hore ee waddankaas Nicolas Sarkozy, oo ka dalbaday in la burburiyo baadhitaan ku saabsan eedeymo loogu jeediyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay dalka Liibiya.

Sarkozy ayaa wajahaya dacwad la xidhiidha inuu hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al Qadaafi, ka helay garab caawinaad ah oo uu ku maareynayay ololihii doorashada ee uu galayay sanadkii 2007-dii.

Xukunka kasoo baxay amxkamadda racfaanka ee magaalada Paris ayaa ka dhigan in Mr Sarkozy iyo dad kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ay la kulmi karaan maxkamadeyn.

Hase yeeshee, eedeysaneyaasha ayaa wali heysta fursad ay racfaan uga qaataan maxkamadda ugu sarreysa Faransiiska.

Mr Sarkozy waxaa su'aalo weydiiyay booliska

Mr Sarkozy ayaa markii ugu horreysay ee eedeynta loo jeediyay sheegay inaysan wax sal iyo raad ah lahayn.

“Waxaa la igu eedeeyay arrin aan lahayn caddeyn muuqata,” ayuu yidhi Sarkozy, oo la hadlayay garsooraha maxkamadda, sida uu qoray wargeyska Le Figaro.

Muxuu ku saabsan yahay Kiiska Libya?

Sanadkii 2013-kii, Faransiiska ayaa furay baadhitaan ka dhan ah ololihii doorashada ee Mr Sarkozy, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka faa’iideystay lacago malaayiin euro ah oo si sharci darro ah looga qaatay Qadaafi.

Wuxuu ku hungoobay ujeeddadiisuu ahayd in mar kale xilka madaxweynaha loo doorto sanadkii 2012-kii. Markaas waxaa doorashada uga adkaaday François Hollande.

Mr Sarkozy wuxuu ku guul darreystay in dib loo doorto sanadkii 2012

Eedeymahan markii ugu horreysay waxaa shaaciyay ganacsadaha Faransiiska ah, balse asal ahaan kasoo jeeda Lubnaan ee lagu magacaabo Ziad Takieddine, iyadoo ay u markhaati fureen qaar ka mid ah saraakiishii xukuumaddii Qadaafi.

Bishii November ee sanadkii 2016-kii, Mr Takieddine ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in muddadii u dhaxeysay 2006 ilaa 2007 uu lacago ku wareejiyay Mr Sarkozy iyo Claude Guéant, oo ahaa madixiisii golaha Wasiirrada.

Mr Takieddine wuxuu sheegay in lacagtaas ay ka timid Qadaafi, isku darkeedana uu ahaa €5m (£4.4m; $6.2m).

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa socday baadhitaanka la xidhiidha arrintan.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54285728original article

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Oo Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu...

November 26, 2020 | Published by: yaska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ayaa Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah  Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu Dhammaaday Muddo 72 Sacadood Oo Loo Qabtay. Milatariga Itoobiya ayaa bilaabi doona wajigii ugu dambeeyay ee duullaanka ay ku qaadayaan waqooyiga gobolka Tigreega ee kacdoonka wada, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray khamiistii saacado kadib markii uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ciidamada Tigreega ay isku soo dhiibaan uu dhacay. “Muddadii 72-ka saac ahayd ee loo qabtay kooxdii dambiilayaasha ahayd ee TPLF inay si nabad galyo ah isu dhiibaan hada way dhamaatay, ololaheena sharci fulinta ayaa gaadhay heerkiisii ​​ugu dambeeyay,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo raaciyay in shacabka la badbaadin doono isla markaana kumanaan dagaalyahanno ah ay mar hore is dhiibeen. Kumanaan kun oo qof ayaa durba la rumeysan yahay inay dhinteen waxaana jira burbur baahsan oo ka imanaya duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka tan iyo markii uu dagaalku billowday Noovember 4-teedi Qiyaastii 42,000 oo qaxooti ah ayaa u qaxay xadka dalka Suudaan.

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya kusoo baxaan Xildhibaano si dadban u maamulaan kooxda Al Shabaab. Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Jabuuti ayuu ku sheegay in doorashada Xildhibaanada Soomaaliya kusoo bixi karaan Xildhibaano Al Shabaab si dadban u maamumaan maadaama uu xusay in ay iibsan karaan taageerada Xildhibaanada. ”Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Walaaca Madaxwenaha Jabuuti ka qabo in doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaan kaliya ay ka xigto inta badan in dhaqaalo ku bixiyaan ergada wax dooraneysa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleWajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Stay Connected

21,102FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

https://www.youtube.com/watch?v=vM9Mfv6c-1Q

Paul Scholes: Anthony Martial Ma Ahan Weeraryahan Fiican Arintan Ayaana Cadayn U Ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya in Anthony Martial uusan aheyn weeraryahan fiican xilli uu xiddiga reer...