Thursday, November 26, 2020

Daawo: Shirkii DF & dowlad goboleedyada oo maanta galay Marxalad xasaasi ah & Warar kale

Related Articles

Stay Connected

21,102FansLike
2,455FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

VOA oo kulan dadweyne ku qabatay Garoowe

Download Audio

Mahad Salaad: “Cumarow qoriga dabka ah ee Farmaajo kuu soo dhiibay adiga haku guban”

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ayaa  ka jawaabay hadal maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish. Duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta iyo musharaxiinta shirku uga socday Muqdisho ee maanta soo soo saaray War murtiyeedka Cumar Filish oo ka hadlayey kulan lagu taageerayey DF oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay iney magacowdo guddiga doorashooyinka, isagoo xusay iney la dagaalami doonaan cidii isku dayda iney qalalaase abuurto, isagoo soo daliishadey aayad quraan ah. Mahad Salaad oo ka jawaabaya qoraalka Farmaajo ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga jawaabayo hadalka Cumar Filish kaasoo sidan u qornaa:- Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine! Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi! Mahad Salaad Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous article(Sawirro) Dowlad ka tirsan Yurub oo Somalia ka cafisey deyn gaareysa $306 Milyan oo dollar