Saturday, October 24, 2020

Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha Mashaariic laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

– Advertisement –

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dib u habeyn lagu sameynayo xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani.

Dhagax dhigga guddoomiyaha waxaa ku wehlinayay ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Mudane Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe ayaa guddoomiyaha gobolka uga mahad-celiyay in maamulkiisu uu isku howlo sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Ciidamada Kumaandooska oo shaaciyay magaca Horjooge ka tirsan Alshabaab oo ay howlgal ku dileen

Taliska ciidamada Danab ayaa shaaciyey inay howlgal ku dileen horjooge ka tirsan Alshabaab, kaasoo qabilsana Arrimaha Maaliyada. Howlgalka ayey ciidamada Danab ka fuliyeen tuullooyin ku yalla inta u haxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose. Waxaa Howlgalka lagu dilay ila 6 maleeshiyo oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab iyo horjoogihii watay. Ad “Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Danab. Horjoogaha la dilay ayaa Al-shabaab u qabilsanaa dhanka so uruurinta lacagaha islamarkaana  Ururka ku fulin jireen weerarada iyo ismidaaminta. Sido kale howlgalka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Kooxda. Warar Xul ah

Musharrax Joe Biden oo Soomaaliya ka Saarayo liiska Madow

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu dalka Soomaaliya ka saaro liiska madow ee uu horay ugu daray madaxweynaha wadanka Mareykanka ee hadda haya talada dalkaasi, Donald Trump. Machadka Heritage Foundation oo warbixin cusub soo saaray ayaa tilmaamay in marka loo doorto xilka madaxweynaha kadib uu Biden doonayo in dalal badan oo ay ugu horreyso Soomaaliya uu ka qaado xayiraada socdaalka Mareynkanka ee lagu soo rogay. Heritage ayaa warbixintiisa ku sheegay in musharrax Joe Biden qorshihiisa ugu ballaaran uu yahay sidii meesha looga saari lahaa xayiraada dhanka socdaalka Mareykanka ka wadamada kala ah Soomaaliya, Ciraaq, Iiraan, Liibiya iyo Yemen. Lixdaasi dal ayaa waxaa horey culeys u saaray madaxweyne Donald Trump, isaga oo Mareykanka ka mamnuucay muwaadiniintaasi dalkaasi, isaga oo shaaciyey inay ku badan yihiin waxa loogu yeero argagixisada. Warbixinta ka soo baxday Machadka Heritage Foundation ayaa waxaa lagu shaaciyey haddii Biden la doorto uu sidoo kale gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga heysan. Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale doonaya inuu gabi ahaan meesha ka saaro qorshaha uu Trump ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay caruurtooda ku heysanyaan, markii ay galaan gudaha wadanka Mareykanka. Si kastaba Mareykanka ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo hal todobaad kadib loo dareeri doono, taas oo ay ku loolami doonaan Musharrax Joe Biden iyo madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump oo yeeshay doodo adag oo foolka fool ah. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Daadir Amiin Cali Oo Loo Magacaabay Macallinka Gobolka Banaadir

Maamul Gobolka Banaadir ayaa tababaraha kooxda Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u magacaabay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Daadir Amiin Cali oo iminka ah Guddoomiyaha isboortiga degmada Xamar Jajab,sidoo kalane ah tababaraha naadiga Geeska Afrika. Xasuusin:-Aqriso Macallin Daadir oo Muqdisho kula guulaystay Horyaalka  Daadir Amiin “Taariikh Wanaagsan Ayay Ii Tahay Hanashada Horyaalka ” Daadir Amiin ayaa sameeyay taariikh wanaagsan,isagoo kooxda Geeska Afrika u soo saaray horyaalka Soomaaliya,sidoo kale naadiga Muqdisho City Club kula guulaystay horyaalka Soomaaliya. Sidoo kale Daadir oo Geeska U Qaaday horyaalka 2aad ee Soomaaliya Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ” “Waan ku faraxsanahay xilkan waa shaqo adag oo u baahan in laga gaaro guul,waxaan u mahad celinaynaa maamulka isboortiga Gobolka oo xilka igu aaminay,waxaana rajayn doonaa in aan gaarno guulo waaweyn waqtiga dhaw” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Daadir Amiin Cali. Maxamed Xuseen Qalinle

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ciidanka DF oo Howlgal qorsheysan ku Khaarijiyay Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab ee..

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan  Al-shabaab oo uu ku jiro Madaxihii maaliyadda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. War kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman). Waxaa warka lagu sheegay in uu qaabilsanaa aruurinta Canshuuraha Al-Shabaab gobolka Shabeellaha, islamarkaana lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa. Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen saldhigyo ay la haayeen Al-shabaab. Ciidanka ayaa tilamaamay in ay soo saareen Miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen wadooyinka oo ay doonayee in ay la beegsadaan taliska Ciidanka xoogga. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka Ciidanka dowladda ee ah in ay dileen Mas’uul ka tirsanaa Shabaab. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Wasiir Xamse Oo Daah Furay Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad. Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay, iyadoona ay ku wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cali Cabdi. Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal kantirsan Dowlada Hoose ee Xamar Cayaartoy hore, Marti Sharaf iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, Waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka Daambeeda Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda Gobolka Banaadir ayaa kooxaha ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay Cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020.