Wednesday, October 21, 2020

Cumar Cali Maxamuud “Shaqo Adag Ayaan Qabanaa”

Dalka Uganda waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga arrimo kala duwan,balse waxaa jira dhallinyaro badan oo u istaagay in ay qeyb ka qaateen isku keenista bulshada ,iyagoo Uganda ka aas aasay koox urur ah oo ka shaqeeya arrimaha isboortiga iyo is dhaxgalka ciyaaraha.

“Ururkan waxaa loo aas aasay mudo sanad ah waxaana loo hergeliyay,in uu ka shaqeeyo isku keenista bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda iyo in ay ka muuqdaan ururada isboortiga ee ka dhisan Kampala” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cumar Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha Ururka isboortiga Wadanka Uganda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Uganda waa mid aad u wanaagsan waxaana kooxaha ka dhisan Muqdisho u ciyaara xidigo badan oo ka soo jeeda Uganda,wuxuuna guddoomiye Cumar sheegay in arin tahay guul weyn.

“Xiriirka dhanka ciyaaraha ee labada dal waa mid bilaaw ah,waxaana rabnaa in la arko tiro badan oo dhallinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo u ciyaara kooxaha ka dhisan Uganda,sida hadaba ay sameeyeen kooxaheena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Cumar Cali Maxamuud.

Xiriirka Kubbadda Cagta Wadanka Uganda ee loo yaqaano “FUFA” waa mid ka mid ah kuwa ugu horomarsan dhinaca Qaarada Afrika,waxaana talabadaan falanqeeyaasha ay ku sheegeyn in Dowladdu ay lacago fara badan ku bixiso horomarka iyo tayeenta kooxaha & xulalka kala duwan ee Uganda” ayuu Goobjoog markale u sheegay Guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Uganda Cumar Cali Maxamuud.

Mr.Cumar waxa uu sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan ay la lee yihiin Xiriirka Kubbadda Cagta Uganda,taasna ay horomar u tahay iyaga,maadaama mustaqbalka ay doonayaan in wixii ay ka faa’ideestaan in ay ku biiriyaan ha’yadaha kala duwan ee isboortiga Soomaaliya iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Dalka.

“Waxaan ka qeyb galaan tababaro kala duwan oo loo qabto Ururada isboortiga ee ka dhisan Uganda,waxaan runtii ka faa’idnay macluumaad tiro badan oo la xariirta sharciyada iyo horomarka wuxuuna Xiriirkeena yahay mid joogta” ayuu Goobjoog u sheegay Mr.Cumar Cali.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Cumar iyo saaxiibadiisa waxa ay fariin u direyn maxada Dowladda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,waxayna ku taliyeen in dhaqaalo la geliyo ciyaartooyda matalaysa dalka.

“Hadii aan rabno in aan gaarno heerka Uganda waan in Dowladda iyo Xiriirka ay waqti iyo maal ku bixiyaan tayeenta Xulalka kala duwan Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo xeray guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Dalka Uganda Mr.Cumar Cali Maxamuud.

Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Xaalada Guud Ee Isboortiga Uganda

Related Articles

Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)

Wasiirada sida lama filaanka ah laga reebay Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka mida Wasiirkii Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa wasiirada xukuumad kasta kusoo laabta ee sida weyn ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inuu Maareeye ku baxay loolan dhinaca awoodda ah oo dhex maray isaga iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kadib markii olole u galay in loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka, taasoo keenay inuu xilkiisii ku waayo. Ad Mahad Guuleed oo ah ninka ugu awoodda badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee Madaxweyne Farmaajo uu aamisan yahay ayaa Wasiir Maareeye dagaal la galay, kuna guuleystay inuu ka reebo Golaha wasiirada isaga iyo laba xubnood oo kale oo Golaha Wasiirada ugu jiray beesha uu metelo. Madaxweyne Farmaajo ayaa isbaheysi siyaasadeed la leh Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo xilkiisa kusoo noqday, isla markaana maacaabay xubnaha golaha wasiirada ee kasoo jeeda Somaliland, waxaana madaxweyne Farmaajo uu Maareeyo ka doortay saaxiibtinimada kala dhaxeysa Mahdi Maxamed Guuleed. Xiriirka Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay waxayna ku kala tageen dagaal faraha looga gubtay oo siyaasadeed, wuxuuna isu bedelay iminka siyaasi loolan kala dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka, kana shaqeyn doona inaan dib loo dooran Farmaajo, haddii aabu guuleysan heshiis laga dhex wado. Warar Xul ah

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradihii Duqeeyey Hargaysa 1988 (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Xigmad uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd” Forgive, but never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin. Waxa nasiib wanaag ah inuu maalimahan Hargaysa uu ku sugan yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Axmed dheere’, oo damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maati ah oo qaxayey ama goobo ay ku qaxeen ku sugnaa. Axmed Dheer wuxuu go’aansaday oo uu doorbiday inuu la fakado diyaaraddii uu waday oo ahayd Miig 17, uu 13 Juulay 1988 uu si geesinimo leh ugu dejiyo xeebta Jabuuti. Go’aankaa uu qaatay Axmed dheer wuxuu noqday mid taariikhda shicibka Soomaalilaan baal dahab ah kaga suntan. Waxaanu adduunka u caddeeyey in xasuuqdii shicibka Hargaysa lagu hayey uu ka markhaati kacay. Abaalkaasi uu shicibka Hargaysa gashaday Axmed Dheere waa kaa sannad kasta oo uu Hargaysa yimaado casuumado iyo soo dhaweyn aan kala go’ lahayn uu kala kulmo shicibkii uu ka badbaadiyey gantaalihii ay siday diyaaradii loo dhiibay ee soo laa lagu yidhi. Madaxdii duuliyeyaasha amraysay ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala ahaayeen: Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Ballidoogle. Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa. Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera. Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey = Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)……Duuliye Miig 17 = Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’ ( Abgaal)…….Duuliye Miig 19 = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)……….Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)…………Duuliye Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)………..Duuliye  Miig 19 = Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………Duuliye Miig 19 = Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan.….Duuliye CESNA = Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)……..Duuliye CESNA = Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)……..Duuliye CESNA = Yuusuf Juseeb ( Majeerteen……….Duuliye CESNA = Xasan Yare (Ogaadeen)…………………………….Duuliye CESNA = Maxamuud Xaaji Warsame        (Dhulbahante…….Duuliye Hunter = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxamweyn……….Duuliye Hunter Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee gantaal Eebbe ku dhacay oo cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen: = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)………Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…………Duuliye  Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)………….Duuliye Miig 19 = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)………Duuliye Miig 19 Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah.  Hargaysa, Soomaalilaan [email protected] Tixraac: C/qadir Aroma……. Sababihii Burburka Soomaaliya (2005), bogagga 259-261. Let’s block ads! (Why?)