Thursday, October 29, 2020

“Cristiano Ronaldo waa kan ugu fiican taariikhda” – Kylian Mbappé

(Yurub) 12 Okt 2020. Weeraryahanka reer France iyo kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa muujiyay sida uu u jeclaa inuu wajaho kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Kylian Mbappé iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka qeyb galay kulankii xalay dhex maray xulalka Portugal iyo France ee ka tirsanaa tartanka xiisaha badan ee UEFA Nations League.

Haddaba Kylian Mbappé ayaa ciyaarta kaddib ku daabacay boggiisa rasmiga ah ee “Twitter” labo sawir isaga ah oo uu ku wehliyo Cristiano Ronaldo, wuxuuna soo raaciyay qoraal ah:

“Mid aan ku daydo”.

Weeraryahanka PSG ayaa sidoo kale ku muujiyay bartiisa “Twitterka” in Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda.

Waxaa la ogyahay in Kylian Mbappé uu yahay mid kamid ah taageerayaasha ugu caansan ee Cristiano Ronaldo, maadaama yaraantiisii uu ku dhajin jiray sawirka Cristiano Ronaldo derbiga qolkiisa, sidoo kale wuxuu la galay sawir xusuus mudan markii uu yaraa.

Waxaa xusid mudan in dhowr wargeys oo Faransiis iyo Isbaanish ah iyo ilo wareedyo ku dhow kooxda Real Madrid ay soo jeediyeen in Kylian Mbappé uu u dhaqaaqi doono Los Blancos xagaaga soo aadan, haddii uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Related Articles

Ex-President Mohamud calls for united front to stabilise Horn of Africa

A stable Somalia is key to stability in the Horn of Africa region, former President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud has said. Speaking at Al-Ahram Center for Political and Strategic Studies (ACPSS) in Egypt Wednesday, the former head of state who is also a presidential candidate in the upcoming elections called for concerted efforts in …

Sawirro: Waa maxay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira?

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta daraasada istiraatiijiyadda iyo siyaasadda ee Al-Ahram. Xasan Sheekh ayaa laba maalmood ku sugnaa magaalada Qaahir, halkaasi oo uu tegay kadib casuumad uu ka helay machadka Al-Ahram. Hadal-jeedinta Xasan Sheekh ayaa ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda fog ee geeska Afrika, iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay gobolka oo dhan, isaga oo isku xiray xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay muhiim u tahay isku xirto wadamada gobolka, islamarkaana loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo xasiloonideeda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka iyo iskaashiga geeska Afrika aan la xaqiijin karin, iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska “Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha isdhexgelka iyo iskaashiga geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh oo ku dheeraaday muhiimmadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay waddamada geeska ayaa xusay muhiimmadda ay leedahay mideynta dadaallada looga adkaanayo argagixisada, oo aan loo arkin cadow ay Soomaaliya leedahay oo kaliya.  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mahad Salaad iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo labaduba ka mid ah saaxibadiisa siyaasadeed. Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin.

Weerar Toorey loo adeegsaday oo lagu diley 3 ruux magaalada Nice ee dalka Faransiiska

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay. Wasiirka arrimaha gudaha dalka Faransiiska Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib. Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka ku dhintay la gowracay. Duqa magaalada Nice ayaa weriyeyaasha u sheegay in eedeysanaha “uu ku celcelinayay” ‘Allahu Akbar’. Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeedinayay khudbad. Nice waxay xuddun u ahayd weerarradii ugu ba`naa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay Faransiiska, iyadoo 14-kii July sanadkii 2016 nin 31 sano jir ah oo u dhashay dalka Tunisia uu gaari xamuul ah dardarsiiyay dad ku sugnaa goob ay xaflad ka dhacaysay, taas oo ay ku dhinteen 86 qof. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleXasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Xarunta Daraasaadka Al-Ahraam ee Qaahira

Stay Connected

20,938FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiir Khadiijo M. Diiriye oo lagu eedeeyay inay xoog ku heysato Guriga Gen. Max’ed Abshir. (Daawo)

Qoyska Jeneraal Maxamed Abshir Muuse iyo Wakiilkooda ayaa ku eedeeyay Wasiirada cusub ee Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka inay muddo 4 sano ah xoog uga heysto Guri ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Qeylo dhaanta Qoyska Maxamed Abshir oo saxaafadda la marsiiyey ayaa waxaa ka hadlay wakiilka Qoyska Maxamed Abshir oo sheegay inuu ka kireeyay Guriga ku yaalla Kaambada ee ku dhow taliska Booliska, iyadoo markii ay hore laba sano kiro bixisay, kadibna ay diiday inay kirada bixiso. Ad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la sheegay inay Guri kale ay dejisay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, waxayna askar u adeegsatay wakiilka Qoyska iyo wiil uu dhalay Jeneraalka oo lagu magacaabo Cismaan Maxamed Abshir, markii dacwad ka furteen Maxkamada G/Banaadir ay diiday inay tagto. Wiilka uu dhalay Jeneraalka Csmaan Maxamed Abshir ayaa madaxda sare ee dowladda ugu baaqay inay arrintan soo farageliyaan, ayna wax ka qabtaan arrintan Wasiiraddana looga qaado gurigooda ay xoogga ku heysato. HOOS KA DAAWO Warar Xul ah

Isku Aadka AFCON U20 iyo AFCON U17 Oo La Sameeyay

Arbacadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu sameeyay isku aadka isreebreebka AFCON U20 iyo AFCON U17 ee CECAFA. Ciyaaraha isreebreebka AFCON U-20 waxaa lagu qaban doonaa Tansaaniya 22ka Nofeembar ilaa 6da Diseembar, halka isreebreebka U-17 uu ka dhici doono Rwanda laga bilaabo 13ka Diseembar-28ka Diseembar, sida ay sheegeen guddiga CECAFA. Tartanka …