Wednesday, October 28, 2020

Coronavirus – Somalia: Training nutrition workers across Somalia to provide life-saving services amid COVID-19 – CNBCAfrica.com

Related Articles

Galmudug oo Bandow gelisay Cabud-waaq ka dib arrimo halis ah oo soo kordhay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amray lamaha Amniga Galmudug in Magaalada Caabudwaaq uu Maanta ka dhaqan galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laamaha amniga ee ka howlgala Magaalada faray inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad hubeyan oo horey falal dilala kala duwan uga geystay Cabudwaaq. Sidoo kale Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud Col Dhagahoor oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay ka hadlay weerar dad shacab ah lagu dilay oo barqadii Maanta ka dhacay Cabudwaaq, ayna fuliyeen rag maleeshiyaad ah. Taliye Dhagahoor ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii ka dambeeyay falkii lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka. Ugu dambeyn Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyay in Bandowga uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudugm kusoo rogay Magaalada Caabudwaaq uu bilbaana doono 11:30 Am oo Maanta ah. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkii Maanta dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Madaxweynaha FIFA oo laga helay COVID-19

ZURICH (JHALBEEG) – Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa laga helay xanuunka Koroona feyras, Hay’adda ciyaaraha Adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay Talaadadii 50 jirkan wuxuu leeyahay astaamo yaryar wuxuuna ku sii jiri doonaa karaantiil 10 maalmood ah. “Dhammaan dadkii la kulmay Madaxweynaha FIFA maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu wargeliyay waxaana laga codsanayaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah,” ayey tiri FIFA. FIFA waxay si kal iyo laab ah ugu rajeyneysaa Madaxweyne Infantino soo kabasho degdeg ah, ”ayaa lagu sii daray. Kulamadii ugu dambeeyay ee Infantino wuxuu ahaa FIFA Compliance Summit oo soo idlaatay 16-kii Oktoobar kulankaas oo lagu qabtay fogaan aragga Internet-ka. Post Views:23 Related Let’s block ads! (Why?)

Maxkamad lasoo taagay Fannaanka Qamar Suugaani iyo xukun kumeelgaar ah oo lagu riday

Fannaanka Qamar Suugaani ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda magaalada Berbera, iyadoo xukun sii heyn ah ku riday fannaanka. Fannaankan oo loo heysto inuu tegay magaalada Muqdisho ayey maxkamadda Saaxil u jartay 7 maalmood oo Xabsi ku sii hayn ah (Rumaan), waxaaba lagu celiyey Xbasiga magaalada Berbera. Ad Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in Fannaaanka Qaramad Suugaani uu tegay magaalada Muqdisho, loona heysto arrimo la xiriira safarkiisa Warar Xul ah

Stay Connected

20,932FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Akhriso: Weerar lala damacsanaa guriga Duqa Boosaaso oo la fashiliyay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wararka aan ka heleyno magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar xoogan oo la damacsanaa in lagu qaado hoyga duqa degmada boosaaso cabdi salaan bashiir cabdisalaan  ay fashiliyeen ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso. Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in ay doonayeen in ay qaadan xubno ka tirsan kooxda daacish,Waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso iyo kooxdii weerarka damacsaneyd islamarkaasna uu ka dhashay qasaare kala duwan. Saraakiisha ciidanka booliska putland ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen hal ruux oo ka tirsan kooxdii weerarka damacsana islamarkasna waxa ay tilmaameen in ay goobta iska baxsadeen intii kale. Waxaana la sheegay in isbitaal  loo qaaday ninkii ay nolasha ku qabteen ee dhawaca ahaa,wararka hoose oo ay simba helayso  ayaana sheegay in ruuxaasi la qabtay uu isku dayay in uu baxsado balse aysan usuurtagalin. Weerarkaan la sheegay in la fashiliyay ayaa waxa uu imaanayaa  xili mudooyinkii dambe uu ad uwanaagsanaa amaanka magalada boosaaso ee xarunta gobolka bari mana jirin wax falal amnidaro ah oo laga soo sheegayay iyadoona ciidamada amaanka magaalada boosaaso la sheegay in mudooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgalada ay ka sameeynayaan xaafada magaalaa kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo xasilooniada deegaanada gobolka bari Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qabtii 4aad

XILLIGII PARSIANKA IYO SOO IFBIXITAANKII ISLAAMKA. XILLIGII PARSIANKA Parsiankii hore si la mida dadyowgii qadiimka ahaa ee aynu soo xusnay ayay dhulka soomaalida iyana xiriir ula lahaayeen. Xiriirkaan iyo aqoontaani waxa ay u badantahay in ay bilaabatay kolkii uu boqorkii Parsianku Cambyseskii Labaad uu qabsaday dhulkii Faraaciinta qarnigii 5aad Ciise ka hor. Dhulka Faraaciinta oo ahaa meeshii xiriirka xoogga leh la lahayd dhulka soomaalida ayaa cid walba oo qabsataayi ay bilaabi jirtay dhaqamadii iyo caadaadkii Fataaciinta, taas oo dib usoo celin jirtay xiriirkii udug-doonka ee reer Punt lala lahaan jirey. Lakiin sida uu qabo George Hourani xiriirka ay Parsianku la lahaayeen bariga afrika iyo caalamkii kale ee badwaynta Hindiya ku teedsanaa kor uma kicin wixii ka horeeyay qarnigii 3aad Ciise ka bacdi, oo ah xilligii ay Parsia ka talinayeen qoyskii Sassaaniyiintu, gaar ahaan xilligii Emprorkii koobaad Ardashir( 225-241). Waa xilligaan marka ay Parsianku noqdeen cudud muhiim u ah ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii ka jirey badwaynta Hindiya. Hourani, waxaa kale oo uu xusay in xilligii uu talinayey boqorkii Narseh (293-302) uu jirey xiriir aad u wanaagsan oo u dhaxeeyey iyaga iyo boqorkii reer Zang oo ka talinayey bariga Soomaaliyada maanta. Xiriirkaani waxa uu sii xoogaystay markii ay Parsianku dhulka Yaman ka saareen Xabashidii duulaanka ku qabsatay, ka dib markii ay Yamaniyiintu gacan waydiisteen. Parsiankii Yaman xoreeyey dib uma noqon ee muddo ayay Yaman maamulayeen. Marakan, ayaa la oron karaa xiriirka Soomaalida iyo Parsianku waa uu tisqaaday. Waxaa la aaminsanyahay in xilligaan ay tahay marka farsamada daaro dhisiddu ay Soomaaliya ka bilaabatay. Sida uu qabo caalimka soomaaliyeed ee Cabdalla Cumar Mansuur dagal-baarid lagu sameeyey gobalka Bari gaar ahaan aagga magaalada Iskushuban ayaa lagu helay burburka daaraha magaalo qadiima oo u muuq eg daaraha laga dhisto dalka Yaman ee salkana u ballaaran korka na u dhuuban. Xiliga dhismahaas ayaa ku beegan xilliyada Parsianku ka talinayeen Yaman. Aakhirkii, xiriirkaan ayaa sababay in muhaajiriin reer Parsia ahi ay dhulka Soomaalida dagaamaystaan. Waana meesha uu magaca Maqdisho ka soo jeedo. Muhaajiriintaas iyo dadyowgii kale ee dhulka soomaalida u soo hijroodayba waxa aynu si wanaagsan ugaga hadli doonnaa marka aynu joogno cutubka labaad oo ku saabsan dadka Soomaalida. XILLIGII ISLAAMKA Waxaa jira qorayaal Carbeed oo qaba in diinta islaamku Soomaaliya ay soo gaartay intii uu Nabigu noolaa, gaar ahaan xilligii Hijradii koobaad iyo tii labaad ee saxaabadu dhulka xabashida ku tageen. Qoroyaashaan oo u badan kuwo noolaa qarnigii la soo dhaafay, waxa ay ku doodaan in Zaylac ahayd marinkii ay saxaabadu u marayeen dhulka xabashida. Nasiibdarro, qorayaasha carbeed ma aysan keeniin caddaymo rasmiya oo ay u cuskadeen fikirkooda, iyada oo la ogyahay masaafada ay Zaylac u jirto halkii ay saxaabadu ka soo hijroonayeen iyo halka uu boqorka xabashidu joogay. Halka ay saxaabadu ka soo haajirayeen iyo meesha uu boqorku joogay oo ahayd dhulka joogga sare ee xabashida waxaa u dhaxeeyey badda Cas oo kaliya, halka Zaylac ay labadaba u jirto masaafo door ah. Si kastaba ha ahaatee waxaa laysku raacsanyahay in diinta Islamku ay gayiga soomaaliyeed soo gaartay qarnigii koobaad ee Hijriga. Kitaab ku qornaa far-guri lagana helay magaalada Xamar, (kitaabkaan oo aan la aqoon cidda qortay waxa uu ka hadlayaa taariikh iyo dhacdooyin ku siman laba kun oo sano) waxa uu sheegayaa in todobo magaalo oo ku teedsan xeebta Banaadir iyo midda sawaaxiligaba la aasaasay xilligii khaliifkii Amawiyiinta ee Cabdimalik Ibn Marawaan oo ahaa bartamihii qarnigii 1aad ee Hijriga. Sidoo kale waxaa jira taariikh ku beegan qarnigii 1aad ee Hijriyada oo ku qoran qabbuuro laga helay magaalada Xamar. Waxaa magaalada Xamar laga helay labo qabri oo ay leeyihiin labo haweena oo dhintay muddo imminka laga joogo saddex iyo toban qarni. Faadumo bint Cabdisamad Yacquub oo geeriyootay bishii Jamaadul-awal sanadkii 101 Hijriga iyo Al-Xaajiya bint Muqaddam Muhamed oo geeroyootay 5tii bishii Dul-xaj sanadkii 139-kii Hijriga ayaa lahaa labada qabri. Isla kitaabka aynu soo xusnay (kitaab Azanuuj) ayaa sheegaya kolkii ay dhacday dawladdii Amawiyiintu xukunkiina uu ku wareegay Cabbaasiyiinta, xilligii Khaliifkii Abu Jacfar Al-Mansuur in uu Khaliifku xeebaha Soomaalida iyo Sawaaxiliga u soo diray danjire Khaliifka wakiil ka ahaa oo la oran jirey Yaxye Ibn Cumar Al- Canazi, si ay u ayidaan xukunka cusub, dadkana zakadana looga qaado. Dhanka kalana, waxa uu Dr. Cali Cabdiraxmaan ku sheegey kitaabkiisa The Arab Factor In Somali History, in shucuubtii bariga Afrika ay sameeyeen kacdoon canshuur diida xilligii Khaliifkii Cabbaasiga ee Haaruun Raashiid. Khaliifku marakan waxa uu mandiqadda u soo diray barasaabyo Faarisiyiin ah oo dhulka wakiil uga ahaa. Dr.Enrico Cerulli oo ah ninka helay kitaabka Zunuuj xogtiisana soo naqliyey, waxa uu ku wariyey kitaabkiisa “Somalia” in xilligii Khaliifkii Ma’mun ibn Haaruun Rashiid ay shucuubtii bariga Africa markale gadoodeen ayna la soo noqdeen madaxbanaanidoodii, laakiin markii dambe khaliifku uu xoog gacantiisa ugu soo celiyey. Dhacdooyinkaan oo dhan, waxa aynu ka fahmaynaa in dhulka Soomaalidu mar hore ay diinta Islaamku soogaartay, caalamkii islaamkana aqoon looga lahaa. Magoolooyinka Muqdisho iyo Zaylac iyo dhulkii kale ee soomaalidaba waxii xilligaan taariikhyahanadii carbeed ay ka qoreen waxa aynu uga hadli doonnaa qormadeena tan xigta ee la soco. Mohamed Ahmed Elm Let’s block ads! (Why?)