Thursday, November 26, 2020

Coronavirus – Somalia: COVID-19 Impact Update – CNBCAfrica.com

Related Articles

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Musharaxiinta u socday (Akhriso)

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Waxaa goordhaw Hotelka Jaziira lagu soo gabo gabeeyay shirkii magaalada Muqdisho maalmahan uga socday qaar badan oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya . Shirkan ayaana laga soo saaray War murtiyeed looga hadlayay doorashada Soomaaliya iyo walaaca ay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ka qabaan guddiga doorashada ee u badan taageerayaasha Farmaajo iyo ciidanka NISA. Halkan ka Akhriso War Murtiyeedka Shirka laga soo saaray Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleXukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay lix nin oo horey dilal u geestay (Akhriso Magacyada)

Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Timaado Molde

Kooxda Arsenal aya isha ku haysa in ay goosato tigidhkeeda wareega xiga ee tartanka Europa League marka ay la ciyaari doonaan kooxda Molde kulan ka tirsan Tartanka Europa Leageu. Dhawr xiddig oo da’yar ah ayaa kooxda raacay waxana uu Mikel Arteta fursad siin doonaa xiddigaas kulanka caawa soo dhici doona 8:55 daqiiqo. Gunners ayaa badisay dhamaan 3-dii kulan ee ay ciyaartay waxana ay isha ku haysaa in ay sii wadato rikoodhkeeda tartanka ee xilli ciyaareedkan. Mikel Arteta ayaa is badal ku samayn doona shaxdiisa isaga oo nasin doona xiddigaha waaweyn ee kooxda si ay taam ugu noqdaan kulanka Wolves ee Axada. Hadaba halkan hoose kaga bogo sawirka shaxda laga yaabo in uu Mikel Arteta ku soo galo kulanka Molde. Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabaab Oo 7 Qof Oo Hal Qoys Ka Tirsan Ku Dilay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho (Akhriso 7-da Qodob ee ugu muhiimsan)

Shirkii Wadatashiga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray goor dhoweyd, markii uu muddo shan maalmood ah socday. War-Murtiyeedka shirka oo uu Saxaafadda u akhriyey Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xersi ayaa lagu dalbaday in la kala diro Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Maamul Goboleed ee la magacaabay, laguna […] The post War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho (Akhriso 7-da Qodob ee ugu muhiimsan) appeared first on Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis..

Stay Connected

21,100FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan

Tirada kiisaska COVID-19 ee dunida  ayaa dhaafay 60 million, sida arbacadii sheegtay jaamacadda Johns Hopkins. Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa diiwaan gelisay 60,186,902 kiisas oo ah safmarka corona ah iyadoo 1,417,319 oo qofna u dhinteen xanuunka kolkii hore ka soo unkamay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, ee sanadkii hore. Dalka Mareykanka ayaa wali ah halka uu safmarka sida ba’an u dhibaateeyay, in ka badan 261,000  oo ruux ayaa u geeriyootay halka 12.7 million oo kiis laga diiwaan geliyay, waxaa ku xiga dalka India 9.2 million oo kiis ayuu marayaa safmarka corona, Brazil ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu saameeyay 6.1 million oo kiis ayaa laga heley iyadoo France  2.2 million kiis uu ku dhacay. Ku dhowaad 38.4 million oo qof ayaa ka bogsootay feyraska corona caalamka oo dhan. In ka badan 100  jaad oo tallaal ah ayaa hadda maraya heerar kala duwan, shirakadda dawooyinka ee Mareykanka Pfizer iyo tan Jarmalka laga leeyahay ee BioNtech ayaa todobaadkii hore sheegay in 95% tallaalka uu wax tar yeeshay isla markaana ku wadaan dib u habeyn. Hadalka shirakadaha ayaa imaanaya maalmo ka dib markii shirkadda Mareykanka Moderna ay sheegtay in si iskeeda ah u sameysay tallaal isla markaana lagu kalsoonaan karo 94.5%. Dedaalka loogu jiro soo saarista tallaalka, wuxuu muujineyaa in dhammaadka COVID-19, sida uu sheegay agaasimaha hey’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO.

Abiy: “Waxaa bilowday wejigii u dambeeyay ee hawlgalka”

9 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, AFPRa'iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyay inuu bilowday wejigii u dambeeyay ee duulaanka ay ciidamada Federaalka ku hayaan gobolka Tigray, kadib markii ay dhammaatay 72 saac oo uu u qabtay inay isku soo dhibaan TPLF.Waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Mekelle inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama la filayo in dagaal culus oo halkaa ka dhaco."72 saac ee la soo dhaafay, waxaa isa soo dhiibay kumannaan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Tigray, maleeshiyaadka u dagaallamaya iyo dhalinyaro badan oo arkay dhagarta ay wadaan TPLF," ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha.Farriintaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay intii karaankooda ah ilaalin doonaan noolasha dadka rayidka ah ee lagu qiyaasay nus milyanka qof ee ku nool Mekelle.Taangiyada iyo hubka kale ee culus ee milateriga Itoobiya ayaa la filayaa inay galaan magaaladaas xarunta u ah taliska TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Addis Ababa. Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaama ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, halka telefoonnada iyo internet-kana ay go'an yihiin.Dhex-dhexaadintaWaxaa Addis Ababa gaaray ergo ka socota Midowga Afrika oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii loo joojin lahaa colaadda Tigray. Saddexdan mas'uul ayaa kale ah: Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Ellen Johnson Sirleaf oo hogaamin jirtay Liberia iyo Kgalema Motlanthe oo muddo kooban madaxweyne ka ahaa Koonfur Afrika.Xigashada Sawirka, MICHAEL TEWELDEErgadan ayaa la filayaa inay kulan la qaataan ra'iisal wasaare Abiy si loo soo afjaro colaaddan todobaadkii afaraad gashay. Xukuumadda Addis Ababa ayaa horay u qaadacday dedaallo lagu dhex-dhexaadinayo Federaalka iyo maamulka Tigray.Wefdigan ayaan loo oggolaan doonin inay gaaraan Mekelle, sida uu sheegay lataliye ka tirsan xafiiska Abiy, waxaana laga dursugayaa sida ay xiisadda u qaboojin karaan.