Wednesday, October 21, 2020

Codka kalsoonida ma heli doonaa Ra'iisal Wasaaraha magacaaban?

14 Daqiiqadood ka hor

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Maxamed Xuseen Rooble

Sida farriin loo diray xildhibaannada baarlamaanka muujinayso, waxa maalinta berri ah la filayaa in madaxweyne Farmaajo horgeeyo ra’iisal wasaaraha magacaaban baarlamaanka si uu ugu weydiiyo codka kalsoonida.

Farriintan ayaa u dhignayd: “Berri arbaco ah kulan gaar ah iyo kulan weynihii golaha, ajenduhuna, hadal jeedinta Madaxweynaha iyo kalsooni siinta Ra’iisal Wasaaraha magacaaban”

Raysal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booskan loo magacaabay 17-kii bishan September. Waxaana tan iyo intii la magacaabay u wadey isku dayo iyo kulammo uu xubnaha baarlamaanka si gaar gaar ah ula kulmayey si uu ugu qanciyo in ay codka kalsoonida siiyaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa haysta muddo kooban si uu u soo dhiso xukuumad cusub islamarkaana u ambaqaado howlihii xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaana uu ku soo beegmeyaa xilli dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka heshiiyeen qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Sida ay qabaan falanqeeyayaal siyaasadeed waxaa la saadaalinayaa in ay u badan tahay in uu heli doono codka kalsoonida. Soomaaliya weli kama ay dhicin ra’iisal wasaare madaxweyne magacaabay oo baarlamaanka la hor geeyey in uu heli waayo kalsoonidii baarlamaanka.

Waxaana loo cuskanayaa sababaha u fududayn doona maadaama uu keligii yahay, oo aanay la socon golihii wasiirradu oo iyaga la saadaalinayo in ay adag tahay sida ay codka kalsoonida dib ugu helaan.

Halka sida oo kalena muddada yar ee afarta bilood ah ee u hadhsan ay qasbayso in hore loo ansixiyo, si uu hore ugasii hawlihiisii shaqo xilli dalku ku jiro xaalad kala guur ah oo doorasho la filayo.

Kusimaha Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye, oo sida oo kalena ah xildhibaan baarlamaanka ah ayaa barteeda ay ku leedahay Facebook ku sheegtay hadal u dhigan in ay hubto inuu codka kalsoonida heli doono.

“Wax wel wel ah kama qabo kalsooni heliddiisa mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka JFS” ayay tidhi.

.

Maxamed Xuseen Rooble oo ah 57 jir. waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.

Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga.

Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).

Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaarsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali – lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani.

Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka.

Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo fool-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee looga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54251577original article

Related Articles

Ethiopia violence fuelled by fighters trained in Sudan

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed said Monday that fighters involved in recent attacks on civilians in the west of the country were receiving training...

Ardey lacag la siiyay si 'loo aqoonsado' macalinkii Faransiiska ee la dilay

2 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersLabo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo dhawaan lagu gowracay dalkaas kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.Abdullakh Anzorov, oo ah ninkii dilka geystay ayaa weerarka kaddib waxaa toogtay booliska.Dacwad oogayaasha waaxy maanta sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin.Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay "In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay nebi Maxamed ee uu ardeyda tusay" sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard.Wuxuu intaas ku daray in labada ardey lagu tuhmayo in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan labo saacadood kula qaatay afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinka.Labadan ardey ayaa waxay kamid yihiin 7 qof oo ay saraakiisha Faransiiska ku raad joogeen kaddib weerarka.Olole naceyb oo ka socday Online-kaDacwad oogaha wuxuu sheegay inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday Online-ka kaas oo ka dhan ah Mr Paty.Waxaana ololahan lagu eedeeyay in uu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ah ardeyda uu wax u dhigayay macalinka, warbaahinta Faransiiska ayaa ninka magaciisu ku sheegtay Brahim C, kaas oo la sheegay in uu soo saaray fatwo ka dhan ah macalinka.Arbacadii, dacwad oogaha wuxuu sheegay in Braham C ay qaab farriin ah ku wada xiriireen ninkii dilay macalinka ka hor inta aanu weeerarka dhicin, ninka ayaa wajahayaa dacwad.Xigashada Sawirka, AFPBooliska waxa ay Isniintii qaadeen howlgallo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan shabakadaha Islaamiyiinta, iyadoo 40 guri la baaray.Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in hay'adda Sheekh Yaasiin Collective - oo ah koox Islaami ah oo loogu magac daray ninkii sameeyay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas - shatiga shaqo lagala laaban doono maadaama "ay toos ugu lug laheyd" dilka.Wuxuu sheegay in xayiraaddan ay tahay mid lagu caawinayo bulshada Muslimiinta Faransiiska, iyo Yurub-ba, si aanay galaangal ugu yeelan xagjirnimo.Hogaamiyaha kooxdaas ayaa ka mid ah 16 qof oo boolisku uu qabtay kaddib dilkii Jimcihii.Lix qof oo ka mid ah dadkii la xiray ayaa haatan la sii daayay, kaddib markii su'aalo la waydiiyay, dadkaas oo uu ka mid ahaa ninka wax dilay awoowihiis, waalidiintiisa iyo walaalkii oo 17 sano jir ah. Afar arday oo iskuullay ah ayaa la rumaysan yahay in weli la hayo.Maxaa Samuel Paty loo bartilmaameedsaday?Isniintii, dacwad oogaha waaxda argagixisa la dagaalanka, Jean-François Ricard, ayaa sheegay in Mr Paty lagu qaaday hanjabaado tan iyo markii uu kartuunnada lagu tilmamay Nebi Muxamed N.N.K.H uu tusiyay ardayda intii uu socday cashar dhinaca xoriyadda hadalka ah, waa horraantii bishan Oktoobar.Macallimka dhigi jiray Taariikhda iyo Juquraafiga, wuxuu ardayda Muslimiinta ah kula taliyay inay qolka isaga baxaan haddii ay u malaynayaan in dambi laga galayo.Mr Ricard ayaa sheegay in ninka macallinka dilay uu iskuulka tegay galabkii Jimcaha uuna ardayda waydiiyay inay u tilmaamaan macallinka. Kaddib waxa uu dabagalay Paty oo gurigiisa u lugaynayay, mindi ayuuna ku weerraray.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Ajax Vs Liverpool & Man City Vs Porto: Shaxda Ay Klopp Iyo Guardiola Ku Soo Galeen Kulanka.

Tababaryaasha Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa soo saaray shaxaha ay kaga hor tagi doonaan kooxaha Ajax iyo porto tartanka champions League. Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa daafaca ka ciyaarsiiyay xiddiga Fabinho isaga oo khadka dhexe ku bilaabay xiddiga da’yarka ah ee Jones, Milner iyo Wijnaldum. Klopp ayaa shaxdiisa uu ku bilaabay kulanka ka reebay xiddiga Jordan Henderson Dhanka kale Pep Guardiola ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigihii uu ku bilaabay kulankii Arsenal isaga oo kaliya hal is badal ku sameeyay kaas oo ah in uu xiddiga Garcia ku soo celiyay shaxdiisa. Shaxda Rasmiga Ah Ee Ajax Vs Liverpool: Ajax: Onana, Mazraoui, Schurrs, Martinez, Tagliafico, Gravenberch, Klaassen, Blind, Neres, Kudus, Tadic. Kaydka: Stekelenburg, Kotarsi, Alvarez, Klaiber, Huntelaar, Promes, Ekkelenkamp, Labyad, Traore. Liverpool: Adrian, Alexander-Arnold, Gomez, Fabinho, Robertson, Wijnaldum, Milner, Jones, Salah, Firmino, Mane. Kaydka: Kelleher, Jaros, Henderson, Minamino, Jota, Shaqiri, Origi, R Williams, Cain, N Williams. Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City Vs Porto: Man City: Ederson, Walker, Dias, Garcia, Cancelo, Gundogan, Rodrigo, Mahrez, Bernardo, Sterling, Aguero Kaydka: Steffen, Carson, Stones, Zinchenko, Torres, Fernandinho, Foden, Nmecha, Doyle, Harwood-Bellis, Palmer, Bernabe Porto:

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ciidan Ka Tirsan Dowladda iyo Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Cadaado

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal caawa ciidamo ka tirsan Nisa iyo maleeshiyaad ku dhexmaray magaalada Cadado ee gobolka Galduud, waxaana lasoo sheegayaa khasaare ka dhashay israsaaseyntooda. Sida Goobjoog News uu u xaqiijiyey qof ku sugan Cadaado dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo maleeshiyo beeleed ah ay weerareen fariisin ay ciidamada Nisa ku la haayeen, waxaana jira deganaan aan cago ku taagneyn. , Inta la xaqiijiyey labo qof oo mid kamid uu yahay maleeshiyadii dagaalka soo qaaday iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana jira is aruursi ay wadaan labada dhinac sida ay sheegayaan wararka wararkii ugu dambeeyey,  ka Lasoco Goobjoog  Newswixii  kasoo  kordha

Hantida ka burburtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

21st October 2020  admin  Category : WARAR: AF SOOMAALI Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir ee Soomaaliya ayaa soo bandhigey hantida Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku waayey weerarkii lagu qaaday 2017-kii: Xisbiga ayaa sheegey in hoggaamiyahooda ay ka maqan yihiin hantidan hoose: Gaadhi aan xabbadu karin oo ah $85,000. Apple Mac Computer Galaxy Mobile 3 Suud, 4 Surwaal, 7 Shaati Hugo Boss Perfume [Cadar]. Hard Disk Laptop Surface pro 4 Iphone 6+ Glaxy 9 $35,000 British Passport Apple Disktop 2 Ookiyaal Post navigation ← Diiwaan gelin Beeleed