Saturday, October 24, 2020

Ciidanka Booliska DF oo War ka soo saaray halka uu marayo kiiska dilkii Xamdi Maxamed

– Advertisement –

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu faahfaahiyey halka uu marayo kiiska kufsiga iyo dilka dhowaan Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ardayad ah.

Booliska ayaa warka soo saareen ku sheegay in baaritaanka kiiska uu marayo meel aad u wanaagsan, ayna u xiran yihiin illaa hadda 11 eedeynsane, iyadoo qaar kalena oo la tuhunsan yahayna lagu daba jiro.

Sidoo kale War-saxaafadeedka Booliska ayaa lagu soo hadal qaaday labo ka mid ah eedeysanayaashii xirnaa oo ay sii deysay Maxkamad awood leh, waxayna Boolisku Xuseen in maxkamadu sheegtay in labada qof aysan shaqo ku laheyn kiiskaas, markii loo baahdana la heli karo.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Dawladda Hindiya oo Sheegtay inay KunHawlan tahay Muwaadiniin Lagaga Hayso Gudaha Somalia

October 24, 2020 | Published by: yaska New Delhi (OWN) – Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay Muwaadiniinta lagaga Hayso Somalia Gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho. 33 muwaadiniin Hindi ah  ayaa Warbaahintu ku warrantay  inay Afduub ku haysato shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Debadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ay ugu gar-gaarayaan shaqaalaha reer Hindiya, kuwaas oo la sheegay iney dhibaato ku heyso gudaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu boggiisa twitter-ka ku qoray in Safaaradda ay ku leeyahiin Nairobi iyo wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonaan sidii dib wadankooda loogu soo celin lahaa 33 muwaadin oo ku xayiran Muqdisho. Rajesh Mani oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in 33-ka qof oo ahaa shaqaale, islamarkaana 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Uttar Pradesh, ay shirkad Soomaali ah ku haysato Muqdisho muddo sideed bilood ah. Sida uu sheegay Mani, dadkan ayaa shirkadda Soomaalida ah ku biiray 10 bilood ka hor, markii ay ka heleen qandaras shaqo. Waxa uu yiri in labadii bil ee ugu horrreysay loola dhaqmay si wanaagsan, hase yeeshee sideeddii bilood ee dambe aan la siin mushaharkooda. Markii ay dalbadeen mushaharkooda ayuu sheegay in laga qaatay baasabooradooda, loogu hanjabay in la toogan doono, laguna qasbay inay shaqeeyaan. Waxa uu intaas ku daray inay ku dhex nool yihiin warshad ay leedahay shirkadda. Lama shaacin magaca shirkadda dadkan ay u afduuban yihiin, iyo sababta loo haysto midna. Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrinka iyadoo sidoo kale shirkadda lagu eedeeyay gabood-falkaan aysan sidoo kale afkeeda u kala furin wararka ay baahinayaan warbaahinta.

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa in xilalka aad la wareegtaan si looga faa’iideysto waqtiga haray”+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri R/W Maxamed Xuseen.

Madaxweyne Farmaajo Oo xilka qaadis & Magacaabis sameeyey (Akhriso)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynaha J.F.S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabis sameeyey xilli Doorashada loo diyaar garoobayo. Madaxweynaha ayaa Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga Dalka umagacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka. Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Jeneraal Xuseen Xoosh, iyadoona maanta ay xilalka la wareegeen, kadib Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah Taliska Ciidanka xoogga Dalka. Shaacin rasmi ah laguma sameyn saraakiishani xilalka loo magacaabay iyadoo murashaxiin diidan hanaanka Madaxweyne Farmaajo ay diidan yihiin in waqtiga yar ee Xukunka Dalka looga faa’iideysto magacaabida xilalka. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxweweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday taliye ku-xigeenkii Ciidamada Xoogga Dalka & Taliyeyaal la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbedal ku sameeyay qar ka mida taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo xilkii ka qaaday taliye kuxigeenkii ciidamada Milateriga. Isbedelkan ayaa saameeyay Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga Dalka oo loo magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali, kaasoo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka, halka Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, waxaana Taliye ku-xigeenka Ciidamada Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh. Ad Lama shaacin wareegtada xil ka qaadsita taliye ku xigeenkii ciidamada xoogga dalka iyo taliyeyaasha la kala bedelay, waxaana kaliya ay warbaahinta dowladda sheegtay inay maanta xilalkii la kala wareegeen, iyadoo xil wareejintu ka dhacdayy xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii isbedellada ugu badan ku sameeyay Ciidamada Xoogga Dalka, taasoo keentay in talisyada qaarkood ay sanadkiiba yeeshaan laba taliye. Warar Xul ah