Sunday, November 29, 2020

Ciidamo gadoodsan oo xirtay Laamiga ku dhaw Taliska Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

– Advertisement –

Ciidamo gadoodsan oo katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa goordhaw xirtay inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba oo ku dhaw taliska Nabad Sugida ee kuyaala Guriga Habar Khadiijo.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan gadoodsan ayaa ka baxay garoonka Diyaaradaha Dayniile oo mudooyinkii dambe saldhig u ahaa, waxaana la sheegay in ciidankan ka cabanyeen mushaar la’aan dhoor bil ah.

Ciidamadan gadoodsan ayaana ayaana xirtay laamiga u dhaxeeya Isgooska Jubba iyo Taalada Daljirka Dahsoon, waxa ayna diideen in gaadiidka halkaasi maraan, iyadoona dadkii aagaasi ku sugnaa cabsi lasoo daristay.

Saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaana la sheegay in ay gaareen aaga ay xirteen ciidankan careesan, waxa ayna saraakiisha wadaan dadaalo ay ku qancinayaan ciidamadan gadoodsan.

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaan horey looga baran in ay gadood sameeyaan, lamana oga waxa xiligan kusoo beegay ciidankan ka cabanaya mushaar la’aanta xili dowlada ku faanto in bil walbo bixiso mushaarka ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Stay Connected

21,117FansLike
2,458FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

https://www.youtube.com/watch?v=87dhBm3oFIE&feature=youtu.be&fbclid=IwAR1B2KHk4J7ALsK-akh6RHpa_3EI95ft9UT_avyk3CvdX6S6Gqq3WFnYPXw

War cusub oo ka soo kordhay weerar Bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar-weyne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Bambaano oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas. Khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn. Saraakiisha Booliska Somalia ayaa sheegay in ciidamo ku sugnaa agagaarka saldhiga Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen ninkii tuuray bamkaas, xili uu isku dayayey inuu cararo. “Ninkii bamka tuuray gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana lagu hayaa xabsiga, laamaha amniga ayaana su’aalo weydiinaya, bamka uu tuurayna ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dad wax ku noqday” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Xamar-weyne oo la hadlay warbaahinta. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -