Tuesday, November 24, 2020

Ciidamada Kenya oo dil iyo dhaawac ka gaystay GEDO

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolkaasi ay dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geystay deegaanka Yeedow oo hoos yimaada degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in howl-gal ay ka sameeyeen gudaha deegaankaasi, islamarkaana ay ku beegsadeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka ay dileen ciidamada Kenya  iyo dhaawaca labada qof ee kale in ay horey u sii qaateen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin wax tuhun ah oo laga qabay dhalinyarada loo geystay dilka iyo dhaawaca, balse gar darro lagu soo weeraray.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Ceelwaaq oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa duqeymo uu khasaare ka soo gaaro dadka rayidka ah ka fuliyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/ciidamada-kenya-oo-dil-iyo-dhaawac-ka-gaystay-gedo/original article

Related Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Stay Connected

21,076FansLike
2,450FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Russia fully supports Ethiopia’s efforts to combat TPLF Junta

Addis Ababa, November 23, 2020 –Russia said it stands by the side of Ethiopia in any case, according to the House of People’s Representatives...

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo shirka Musharaxiinta oo waji cusub yeeshay!!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90#new_tab

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/ciidamada-kenya-oo-dil-iyo-dhaawac-ka-gaystay-gedo/original article