Tuesday, October 20, 2020

China-backed telecom firm says won’t spy on Philippines – Arab News

Related Articles

CC Shakuur oo si weyn uga horyimid magacaabista mid ka mid ah wasiirada cusub

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war ka soo saaray magacaabista xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa si weyn uga hor-yimid mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee ku jira. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey wasiirada cusub, balse xusay inay arrin laga naxo tahay magacaabista mid ka mid ah. “Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Cabdiraxmaan ayaa qoraalkan ku shaaciyey in wasiirrada cusub uu ka mid yahay shakhsi wax ka fuliyey weerarkii xarunta xisbigiisa lagu qaaday seddax sano ka hor. “Waxaa arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda,” ayuu yiri. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray, “Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha.” Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu arrintaas go’aan ka qaato, kana fogaado xubnihii weerarka u geystay. “Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

R/W Rooble oo magacaabay golahiisa wasiirada cusub (Aqri liiska oo dhameystiran)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey. Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey, waxaana meesha ka baxay wasiir miisaan culus ku lahaa xukuumaddii hore Magacyada Wasiirada 1  – Mandi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisul Wasaare Ku -Xigeen2  – Cabdulkadir Mohamed Nur (Jaamac), Wasaarrada Cadaaladda3  – Cumar Cali Rooble, Wasaarrada Arimaha Diinta iyo Owqaafta4  – Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka5  – Gen. Mukhtar Xusseen Afrax, Wasaarrada arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib -u heshiisiinta6  – C/Raxmaan Ducaale Bayle, Wassaaradda Maaliyada7  – Xassan Xusseen Xaaji, Wasaarrada Gaashaandhigga8  – Xassan Xundubey Jimcale, Wasaarrada Amniga Guddaha9   – Axmed Ciise Cawad Wasaarrada Arrimaha Dib iyo Iskaashiga Caalamiga ah10  – Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasaarrada Waxbarshada iyo Taclinta Sare11  – Maryan Aweys Jaamac, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda12  – Jamaal Maxamed Xassan, Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta13  – Saalax Axmed Jaamac, Wasaarrada Arrimaha Dastuurka14  – Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka15  – Khaliif Cabdi Cumar, Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshadaha16  – Saciid Xusseen Ciid, Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka17  – Cusman Abukar Dubbe, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska18  – Cabdi Sheekh Axmed Rooble, Wasaarrada Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada19  – Xanifa Mohamed Ibrahim, Wasaarrada Haweenka iyo Xuquuqul -insaanka20  – Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasaarrada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda21  – Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta22  –  Xusseen Maxamud Sheekh Xusseen (Badni), Wasaarrada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa23  – Fowsiya Abiikar Nur, Wasaarrada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada24  – Xassan Cabdi Nur, Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha25  – Duraan Axmed Faarax, Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada26  – Maxamed Adan Mocalim (Somali), Wasaarrada Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska27  – Xamze Saciid Xamze Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga Magacyada Wasiiru Dowlayaasha 1  – Xassan Macalin Khaliif, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada2 – Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Ra’iisul Wasaraha3 – Yusuf Xusseen Axmed Gamadiid, Wasiiru Dawlaha Cadalada4 –  Maxamud Macalim Yahye, Wasiiru dawlaha Diinta iyo Awqaafta5 –  Maxamud Xayir Ibrahim, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda6 –  Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maya, Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha7 –  Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga8 –  Adan Abdinasir Maxamed, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha9 –  Shukri Maxamud Afrah, Wasiiru Dawlaha Tamarta iyo Biyaha10 –  C/llahi Bile Nuur, Wasiiru dawlaha Boostada iyo Isgaarsiinta11 –  C/raxman Kulmiye Xirsi, Wasiiru dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka12 –  C/raxman Maxamed Jaabiri, Wasiiru dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare13 –  Farxan Ali Axmedl Wasiiru Dowlaha Amniga Guddaha14 –  Abdalla Xaaji Alil Wasiiru dawlaha Qorsheynta15 –  Maxamed Xaaji Ibrahim Calil Wasiiru dawlaha Dhalinyarada iyo Isboortiga16 –  Balal Maxamed Osmanl Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda17 –  Cabdi Axmed Qasiml Wasiiru Dawlaha Shaqada iyo Arrimalia Bulshada Magacyada wasiir ku-xigeenada 1 –  Cabdicasiis Maxamed Maxamud (Qambe), Wasaarrada Caddaaladda2 –  Maxamed Sheekh Adan Hurale, Wasaarrada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta3 –  Isaaq Maxamed Maxamuud (Abow), Wassaarad Arimaha Gudaha iyo Federalka4 –  Fahmo Axmed Nur, Wasaarrada Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaha5 –  Sahra Haji Husseen Ali, Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada6 –  Axmed Xusseen Macalim (Gurey), Wasaarrada Caafimaadka7 –  C/llahi Sheekh Cali “Qaloocow”, Wasaarrada Maaliyada8 –  Cabdiraxman Yusuf Alcadaala, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska9 –  Abdifatax Qasim Maxamud, Wasaarrada Gaashaandhigga10 –  Abdirisaq Dahir Mohamoud, Wasaarrada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa11 –  Nuuriya Adan Ciise, Wasaarrada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare12 –  Cabdirashiid Maxamud Xasan, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka13 –  Xiis Xassan Adan, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha14 –  Dahir Cabdi Cabdullahi (Dr Go,) Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha15 –  Xirsi Aadan Rooble, Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka16 –  Cadil Sheegow Sagaar, Wasaaradda Amniga Guddaha17 –  C/raxman Iidaan Yoonis, Wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta18 –  Xaamud Cali Xasan, Wasaarrada Beeraha19 –  Axmed Cumar Islow, Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga20 –  Lutfi Sharif Maxamed Cumar, Wasaarada Arrimaha Dastuur21 –  Cabdinasir Xusseen Geedi, Wasaarrada Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska22 –  Maxamud Abdullahi Siraji, Wasaarrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga23 –  C/llahi Cumar Abshirow, Wasaarrada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda24 –  Cali Mohamed Sheikh (Bagadi), Wasaarrada Ganacsiga25 –  Amiin Ahmed Sheikh, Wasaarrada Macdanta iyo Badroolka26 –  Mahad Mohamed Xassan, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Donald Trump oo wajahaya cawaaqibka tallaabooyin dhowr ah oo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya loolan adag oo doorasho, kaasi oo ku rabo inuu markale ku hanto 4-sanno oo kale, iyada oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo. Go’aanada Trump ayaa waxa si weyn ugu kala qeybsamay dadka Mareykanka, kuwaasi oo qaarkood ay ku taageersan-yihiin, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda dalka Mareykanka. Caqabadda ugu weyn ee xiligan uu wajahayo Trump ayaa ah diidista sharciga degenaanta dalkaas, taasi oo keentay in lamaanayaal ku kala maqan safar ay ku adkaato inay helaan warqad u fasaxeysa inay dib ugu soo laabtan dalka, iyada oo kuwa degana ay u diideyso inay sii joogaan. Haweenka Muslimiinta ah ayaa u arka in xayiraadda Madaxweynaha Mareykanka ay si gaar ah u taabatay, waxa ay ku doodeen in haatan Ragga qaba ay ka maqan yihiin dalkaas, kaliya ay sugayaan natiijada doorashada 3-da November. Pamela iyo Afshin Raghebi waxa ay u dabaaldegi doonaan sanad-guuradoodii 10-aad ee guurkooda bisha Diseembar, balse farxad & murugo xusuustooda waxa ay ku xiran tahay natiijada doorashada Mareykanka ee Bisha November. “Waxa aan u baahanahay gurigiisa, ninkeyga waxaa laga hor istaagay in uu Soo galo Mareykanka muddo labo sano laga joogo, kadib markii loo dhameystiri waayay sharciga joogtada ah ee deganaanshihiisa rasmiga ah” Sidaasi waxaa Wakaaladda APF u sheegtay Haweeneyda lagu magacaabo Pamela iyada oo ilmeyneysa. Go’aanka Madaxweyne Trump waxaa taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka sanadkii 2018-kii, xayiraadda ayaa sameyn taban ku yeelatay muwaadiniinta Lox dal oo Muslimiin ah, inkasta oo markii dambe laga saaray dalka Ciraaq oo askar Ameerikaan ah joogaan. Waxaa wehliya waddamo kale oo colaad dhanka diblumaasiyadda ah kala dhaxeyso Mareykanka, guud ahaan waddamadaas oo laga reebay Ciraaq waxa ay kala yihiin: Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Kuuriyada Waqooyi & Venezuela. Baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in laga soo bilaabo Oktoobar 2019-kii ilaa haatan in ka badan 15,000 oo dad is qaba ah iyo carruur yar yar oo ay isku dhaleen saameyn ku yeelatay xayiradda Madaxweyne Donald Trump. Waxaana lagu wadaa in dadka go’aankaasi uu saameynta weyn ku yeeshay ay ka hiilin doonaan madaxweyne Trump oo dhawaan wajahi doona loolaan doorasho oo adag, taasi oo hoos uga dhigi karta natiijada codadka dhigiisa.

Stay Connected

20,877FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Daacish oo shaacisay sida ay uga jawaabeyso xiriirka Imaaraadka Carabta & Israel

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa markii u horeysay si kulul uga hadashay xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay la sameysteen yuhuuda Israel, kaasi oo ay kasoo saartay digniin hor leh. Daacish ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirkaasi, iyadoona ku dhawaaqady aargudasho ka dhan ah oo weeraro looga fulinayo dalka Sacuudiga, oo ay sheegen inuu yahay maskaxda ka dambeysa xiriiradaasi. Abu Hamza al-Quraishi, oo ah Afhayeenka Daacish ayaa muuqaal kooban oo uu baahiyey ku sheegay in xiriirkasta oo lala galo dalkaasi Yuhuuda ah uu ka dhigan yahay qimaayen lagula kacay Islaamka iyo xulafadiisa, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna dagaal-yahanada kooxdiisa iyo dadka kale ee musliimnta ahba ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo la ogyahay inay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka. Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay beegsan doonaan dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga, isagoona soo jeediyay in la isku kaalmeysto sidii dhulka loola simi lahaa dalkaasi. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in Sacuudigu ay taageeray xiriirka Bahrain iyo Imaaraadka ay la yeeshen Israel, iyaga oo dhawaan hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah. Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa xulafo dhow la ah Sacuudiga, iyaga oo u gogol xaadhay heshiis dhab ah oo ay la galaan Israel, inkasta oo aysan si rasmi ah xiriir diblomaasiyeed ula yeelan. Sacuudiga oo isagu la fahamsan yahay inuu hormuud u yahay in xiriir lala sameeyo Israel, ayaa ku doodaya in is-fahamka labadooda dhinac ay dan weyn ugu jirto Falastiiniyiinta, isla markaana loo heli lahaa dal ay leeyihiin, wallow la rumeysan yahay inuu jiro heshiis hoose oo lidi ku ah sheegashadaasi. Let’s block ads! (Why?)