Tuesday, November 24, 2020

Dowladda UK oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya, farriinna u dirtay madaxda DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda UK ayaa si adag uga hadashay khilaafka weyn ee ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, kuwaasi oo ay kasoo horseejteen musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka Dowladda UK ayaa madaxda iyo hoggaanka dalka ugu baaqday inay furaan saaxadda siyaasadda, islamarkaasna ay ogoladaan aragtiyada kala duwan ka hor inta aan la gaarin doorashada 2020-21. Diblumaasi ka tirsan howlgalka UK ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa laguna magacaabo James Roscoe oo Shalay hadal ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in codeynta doorashada Soomaaliya ay noqoto mid xalaal ah, islamarkaasna ay raali ka wada yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya. “Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan,” ayuu yiri Roscoe. Sidoo kale Roscoe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo in ammaanka uusan faraha ka bixin inta ay socoto doorashada, si aysan taas fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyntii Roscoe oo ka hadlayey weerarada laga beegsado kooxaha samafalka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo waxyeelada loo geysto dadka shacabka ah ayaa sheegay inay arrintaas walaac weyn ku heyso isla markaasna ay mudan tahay in si adag wax looga qabto. “Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimada,” ayuu ku daray. Shirka Qaramada Midoobay oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ugu dambeyntii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Muxuu Mareykanka ka yiri khilaafka hareeyey gudiyada doorashada Soomaaliya?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Kelly Craft ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya & arrimaha doorashada soo socota, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka. Kelly Craft oo hadal ka jeedisay kulan ay golaha ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in ay wada-hadallo yeeshaan hoggaanka dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka, si xal wadajir ah loo gaaro. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in doorashadu ay noqoto mid wada-ogol ah oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan. Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo hadalkeeda sii wadata ayaa tusaale u soo qaadatay muranka ka taagan guddiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo. “Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka,” ayey tiri Kelly Craft. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya laga dareemayo xaalad siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ka socdo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Musharixiinta ku shirsan Muqdisho oo Sheekh Shariif u doortay shir guddoon!

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) –  Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 oo ku shirsan maalintii 4 aad magaaladda Muqdosho ayaa gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, halka Afhayeen loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore. Shirkii midowga Musharixiinta ayaa maanta waxaa ku biiray culimada Suufiyada iyada oo galinka dambe ee maanta ay ka qayb galayaan xubno ka tirsan ganacsatada magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Sida loo qorsheeyay shirkaan ayaa waxaa la soo gabangabeeyo maanta oo talaadaa hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay suurta galtahay in uu dib u dhaco ilaa maanlinta bari ah oo ku beegan 25 bisha November 2020. Saddexdii maalmood ee shirka u socday Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa kulamo gaar gaar la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada rayidka. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

La-taliyihii amniga ee madaxweyne Deni oo ku geeriyooday Turkiga

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Ankara (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa Turkiga ku geeriyooday Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo maalman arrimo caafimaad u joogay dalkaasi. Marxuumka oo haatan ahaa la-taliyaha amniga madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa. Khaliif Ciise Mudan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isaga oo sanadkii 2019-kii ka mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha ee Puntland. Sidoo kale wuxuu sanadkii 2011-kii soo noqday wasiirka amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa Duuliye, sidoo kalena wuxuu soo noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidanka cirka dowladdii uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Halkan hoose ka aqriso taariikh nololeedka maruumka Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe isla magaaladda Boosaso sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. 1974-kii wuxuu dhammeystey jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday Duuliye sare (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jiray Siyaad Barre. Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Al-Shabab oo ‘gubay’ gaadiid iyo DF oo war kasoo saartay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Xudur (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey gaadiid ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku gubeen duleedka degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Somalia. Gaadiidkan oo ahaa nooca qaada xamuulka, islamarkaana u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Xudur, sida lagu sheegay warka Booliiska. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in gaadiidkaasi oo gaarayey illaa todobo dab la qabad-siiyey xilli ay marayeen deegaanka Emed Kooeey ee gobolka Bakool. “Abaare 08:00 fiidnimo Alshanaab ayaa ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Beledweyne kuna sii jeeday Xudur” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska. Al-Shabaab ayaa horey u go’doomiyey degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Inta badan dagaalyahano Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay weli ka heystaan degmooyin iyo deegaano dhowr ah. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Shirka musharraxiinta oo maanta la soo xirayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka musharraiinta mucaaradka uga socda gudaha magaalada Muqdisho oo galay maalintiisii afaraad ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo, kaas oo laga soo saari doonaan war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2020/2021-ka. Musharraxiinta ayaa si gaar ah xooga u saaray muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee ay horey ugu dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirka ku biiran shalay iyo xalay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. War-murtiyeedka shirka oo galabta soo bixi doono ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, islamarkaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta. Intii uu socday shirweynahay waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka iyo culuma u diinka, si ay taladood ugu biiriyaan xaaladda uu haatan marayo dalka. Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

TRUMP oo ogolaaday inuu xilka ku wareejiyo Biden

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xil-wareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska. Trump ayaa sheegay in hay’adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay “sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo”, inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada. Maamulka adeegyada guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay “guulaystaha hadda”. Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump. Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto. Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd. Go’aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay’adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay. Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay’adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan. Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan. Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo. Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen. Ms Murphy waxay iyaduna sheegtay wakiillada dimuqraadiga ee Aqalka golaha wakiillada iney qorsheeyeen Isniinta iney xildhibaannada uga warbixiso dib u dhaca yimid. Madaxweyne Trump wuxuu cadaadis xooggan uu uga imaneyey xubnaha sarsare ee xisbiga dimuqraadiga oo ay ku jiraan shaqsiyaada ay Trump aad isugu dhow yihiin. Isha: BBC.

Madaxweyne TRUMP oo qaatay go’aan lama filaan ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xil-wareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska. Trump ayaa sheegay in hay’adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay “sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo”, inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada. Maamulka adeegyada guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay “guulaystaha hadda”. Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump. Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto. Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd. Go’aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay’adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay. Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay’adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan. Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan. Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo. Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen. Ms Murphy waxay iyaduna sheegtay wakiillada dimuqraadiga ee Aqalka golaha wakiillada iney qorsheeyeen Isniinta iney xildhibaannada uga warbixiso dib u dhaca yimid. Madaxweyne Trump wuxuu cadaadis xooggan uu uga imaneyey xubnaha sarsare ee xisbiga dimuqraadiga oo ay ku jiraan shaqsiyaada ay Trump aad isugu dhow yihiin. Isha: BBC.

Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli uu jiro muran xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli ay jiraan walaacyo badan. Musharaxiinta mucaaradka ayaa ku gacan seeray sida uu ku socdo hanaanka doorashada iyo guddiyada la magacaabay, waxayna shir ka fureen Muqdisho, ayada oo la filayo inay qaadacaan. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii. Wuxuu intaas ku daray inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.  Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri “Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%.” Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada. Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro. Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

Wasiir amniga xukuumadda Xasan Xundubeey oo fariin culus u diray mucaaradka

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Somalia Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray cid mas’uuliyiinta murcshaxiinta madaxtinimada, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada isagoo sheegay in amniga ay iska leeyihiin shacabka, cid kastana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan amaanka. “Waxaan baaq u dirayaa mas’uul kasta oo wadanka jooga oo mas’uuliyad ka raadinaaya, hadey ahaan laheyd xildhibaanimo, ama madaxtinimo, amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay, waa naga danbeyn doonaa, bulshada Soomaaliyeed ayaa iska leh, qof gaar ah ma leh, inaan wada ilaalino, iyagana waa og yihiin, anagana waan ognahay, waa ku baraarujinayaa, waana ka codsanayaa, aniga naga wada weyn, baaqaasi ayaa dirayaa, mucaarad iyo muxaafid waa u siman yihiin amniga” ayuu yiri Wasiir Xundubeey. Wuxuu intaa raaciyay wasiirka Xundubeey in kan wasaarad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay aniga ayna ka hortegayaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, wax walba oo dhibaato keenayana ay gacanta ku qabanayaan si amniga loo ilaaliyo, ciddii diidana sharciga lagu qaadi doono. WUxuu intaa raaciyay in inta ay tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo. Fariintaan wasiirka amniga ayaa kusoo beegan xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shirweyne ballaaran oo kooxaha mucaaradka ee murashaxiinta xilka madaxweyne ku leeyihiin Muqdisho, kuwaasi oo dhaliilo u jeediyay nidaamka doorasho ee dowladda dooneyso in ay u dhacdo doorashada, kana digeen qalalaaso in dalku uu galo haddii aan wax laga badelin nidaamka dowladda qorsheysay.

La-taliyihii amniga ee Deni oo ku geeriyooday Turkiga

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Ankara (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa Turkiga ku geeriyooday Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo maalman arrimo caafimaad u joogay dalkaasi. Marxuumka oo haatan ahaa la-taliyaha amniga madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa. Khaliif Ciise Mudan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isaga oo sanadkii 2019-kii ka mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha ee Puntland. Sidoo kale wuxuu sanadkii 2011-kii soo noqday wasiirka amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa Duuliye, sidoo kalena wuxuu soo noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidanka cirka dowladdii uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Halkan hoose ka aqriso taariikh nololeedka maruumka Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe isla magaaladda Boosaso sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. 1974-kii wuxuu dhammeystey jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday Duuliye sare (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jiray Siyaad Barre. Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Xarunta Gobolka Banaadir iyo xafiisyo kale oo mar kale korontada laga jartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale adeegga korontada laga jartay xarunta maamulka Gobalka Banaadir. Korontadaan ayaa la jartay Sabtidii waxayna shalay maqneyd maalintii saddexaad. Goobaha ay ka maqan tahay ayaa kala ah Aqalka Dowladda Hoose, Xarunta ururka Dhalinyarada iyo Xarunta laga qaato Dhalashada iyo Sugnaanta ee dad dhigista. Xubno kamid ah maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag ki dhowaad $500, 000 lagu yeeshay dowladda Hoose, lacagtaas oo ah mid is gaar-gaartay. Hore ayaa sidaan oo kale looga jartay Korontada iyo Biyaha waxeyna ka maqaneed muddo aan ka yareen 6 maalmood, markaasi oo wada-hadal kadib dib loo soo daayey. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaale la’aan iyo maamul xumo, waxaana la sheegayaa in si qaldan loo isticmaalo lacagta canshuurta ah ee soo gasho gobalka Banaadir, oo markii horeba aad u yareyd. Gobolka Banaadir ayaa soo xareeya dhaqaale malaayin dollar ah, hase yeeshee waxaa kasoo gaara kaliya 15%, waxaana inta kale qaata dowladda federaalka, maadaama aysan lahayn il kale oo dhaqaale oo gobollada dalka ah.

Shirkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya oo soo geba-geboobay iyo R/W Rooble oo hadal culus ka sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, shirkaasi oo ahaa mid Golaha Ammaanka xog lagaga siinayey hawlgallada Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika. Shirka, oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya. James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada siyaasadeed ay muhiim u yihiin wax ka qabashada arrimaha taagan ee Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey jilayaasha siyaasadda in wada-hadallo dhexdooda ah ku dhameeyaan wax kasta. Waxaa iyaguna ka hadlay wakiillada xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin wakiillada Maraykanka, Britain iyo Faransiiska. Ugu dambayn waxaa shirka ka hadlay oo soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda. Waxa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii. Waxaa uu sidoo kale sheegay in la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, iyo ka qaybgalka dumarka ee heerarka kala duwan ee dawladda. Waxa uu sheegay inuu xafiiskiisu guddi u saaray soo dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay inay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha. Xigasho: VOA

Must Read

Wararkii ugu dambeeyey askari qoyskiisa ku qarxiyey Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar uu xalay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya u geystay qoyskiisa kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyey xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Falka uu askarigaan geystay ayaa yimid kadib markii isaga oo soo cabay waxyaabaha maanka dooriya uu xalay gurigiisa tagay kadibna uu muran soo kala dhex galay isaga iyo qoyskiisa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku qarxiyo Bam Gacmeed, waxayna goob joogayaal sheegeen in dhammaan qoyska ay ku sugnaayeen hal qol oo guriga ka tirsan. Weerarka uu askarigaan u geystay qoyskiisa ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Cali Kariim, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac . Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay 4 qof oo ay ku jirtay hooyada dhashay askariga lagu eedeeyey inuu falka geystay, sidoo kalana dadka dhintay waxaa ku jiro wiil uu dhalay askariga. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo uu ku jiro askarigii falka geystay, walaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawaca askariga uu yahay mid aad u daran. Askariga falka geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ciidamada Dowladda isagoo dhaawac ah. Dhacdadaan ayaa waxay la yaab ku noqotay dadka dariska ah iyo dhammaan kuwa Muqdisho dagan, mana ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu geysto fal noocaan oo kale ah, waxaana ugu dambeysay falkii uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda rasaas xoogan ugu furay qoys uu Gabar ka qabay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Joe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu magacaabay xilal muhiim ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibbada ayaa loo magacaabay Antony Blinken oo hore u soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo ku xigeenka la taliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama. Blinken ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba. Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka. Xilalka kale ee muhiimka ah ee uu magacaabay Joe Biden oo weli loo dhaarin xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Sirdoonka Qaranka CIA oo uu u magacaabay Avril Haines waana haweenaydii ugu horraysay ee agaasime ka noqota sirdoonka qaranka. Ms Haines waxa ay hore ku xigeen ugu soo noqotay agaasimaha CIA-da iyo lataliye ku xigeenka ammaanka qaranka. Alejandro Mayorkas ayaa loo magacaabay xoghayaha ammaanka gudaha waana qofkii ugu horreeyay ee Latino ah oo loo magacaabo inuu noqdo Xoghayaha Ammaanka Gudaha. Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha ammaanka gudaha ee maamulkii madaxweyne Obama. Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka. Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay.

Shariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheegay shirka musharaxiinta ugaga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay war uu dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad u dhaliilay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Khadar ayaa sheegay in doorashooyinkii Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Jowhar ay ahaayeen kuwo aan si sax ah loo maamulin. “Saddex wareeg ayaan arki jirney iyadoo la baahdo loo oomo,hal wareeg waa diidanahay,xalna kuma imanayo hal wareeg intaa waa la xishoonayay waxaana l adiidanaa in siyaalihii hore la soo maray la aado.”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn in lala tartamo oo uu doonayo in kaligiis uu tartamo. “Waxaan aaminsanahay in saaxibkey in doorasho lala glao ma rabo isagaa jaakad toshay isaga kaligii la eg in jaakad dadka oo dhan la eg la tolaan rabaa dalkana sidaa ayaa u dan ah.”ayuu sii raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan waxa kale oo uu ka hadlay guddiyada doorashada waxana uu ku taliyay in guddiyo sidii la arki jirey la sameeyo isagoo xusay in arrinta guddiyadana ay tahay mid Madaxweynaha u gaar ah. Kulan ay ka qeybgalayaan inkabadan toban musharax madaxweyne ayaa maalintii afaraad waxa uu ka socdaa hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in kulankaa maanta la soo gabagabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleJoe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle

Share on Facebook Tweet on Twitter Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahanyahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara. Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool. “Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle. Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle maleeshiyaadka Al-Shabaab. SHARE Facebook Twitter Previous articleCiidamo badan oo ka tirsan TPLFoo isu dhiibay ciidanka dowladda Itoobiya