Monday, October 26, 2020
Home Somali

Somali

Muslimiinta Caalamka oo Hanjabaado u diraya Madaxwaynaha Faransiiska

October 26, 2020 | Published by: yaska Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey Islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay . Sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda

SOMALILAND oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Qaramada Midoobay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Hargeysa ( Caasimada Online) – Maamulka Somaliland oo fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa shaaciyey go’aan culus oo ka dhan ah hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa howl-gala deegaanada maamulkaas ee waqooyiga Somalia. Warsaxaafadeed ku qornaa Luqadda Engilishka oo ka soo baxay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Hargeysa ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in Somaliland ay hakisay haatan wixii ka dambeeya wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adahaasi, iyada oo go’aankaan uu dhaqan galay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020. Ma shaacin Somaliland sababaha rasmiga ah ee ay u joojisay wada-shaqeynta ay la laheyd hay’adaha QM  ee ka howl-gala inta badan deegaanada Soomaalida. Si kastaba Somaliland oo dooneysa inay ka go’da Soomaaliya inteeda kale ayaa ka soo horjeeda in dowladda dhexe ee federaalka loo soo marsiiyo mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, taas oo loo sababeynay go’aankan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Ra’iisalwasaare Rooble oo dib uga furay Muqdishu waddo muddo dheer Xirnayd

Muqdishu0(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar. Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Enj.Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Saraakiil kale ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka wadadaan oo muhiim u ah isu-socodka shacabka Muqdisho, kana mid ah wadooyinka Halbowlaha ah ee Magalaada. Muddooyinkaan danbe ayey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Akhriso: RW Rooble oo 10-sano ka dib, furay Waddo muhiim u ah Shacabka Muqdisho

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda. “Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.” Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeega ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey weerarada Al-Shabaab. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Hay’adaha QM & Howlgalka ay ka wadaan..

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada kala duwan ee Maamulkaas. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay wada-shaqeyntii ka dhaxeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Wasaaradda ayaan weli shaacin sababaha tallaabadaaas ay ku qaadeen, hayeeshee ay sheegeen in Go’aankaas uu ka dhaqan galay degaannada Soomaaliland shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020. Xogaha ay Risaala heshay ee ku aadan go’aanka kasoo baxay Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan inay sabab u tahay heshiis ay dhawaan QM la saxiixatay Dowladda Federaalka, kaas  oo sheegayay in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Armenia iyo Azerbaijan oo isku raacay xabbad-joojin bani’aadamnimo

WAHINGTON (HALBEEG) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Armenia iyo Azerbaijan ay oggolaadeen xabad-joojin cusub oo dhanka bani’aadamnimada ah. Xabad joojinta ayaa lagu dhawaaqay in ay billaabaneyso Isniinta gaar ahaan 8:00 subaxnimo waqtiga gobolka ilaa 12:00 habeennimo, sida lagu sheegay bayaan si wadajir ah uga soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo dowladaha dagaalka uu ka dhaxeeyo ee Azerbaijan iyo Armenia. “Hambalyo ayaan u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan iyo Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev, oo oggolaaday in ay u hoggaansamaan xabad joojinta dhaqan galaysa saqda dhexe” ayuu bartiisa Twitterka ku soo qoray Donald Trump madaxweynaha Mareykanka. Ku dhawaaqista xabbad joojinta ayaa imaaneysa iyadoo Jimcihii uu Washington kulamo gooni gooni ah uu kula yeeshay Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo labada Wasiir Arrimo dibbadeed ee dalalka Armenia iyo Azerbaijan. Dagaalka labada dal ayaa ka qarxay gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh dabayaaqadii bishii Sebteembar, waana dagaalkii ugu xumaa ee labada dhinac tan iyo 1990-naadkii. Post Views:20 Related Let’s block ads! (Why?)