Monday, October 19, 2020
Home Somali

Somali

Ururka Daacish oo ka Hadlay Siday U Arkaan Xidhiidh Wadamada Carbeed la Samaysanayaan Israaiil

October 19, 2020 | Published by: yaska Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Quraishi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisyada lala galay dalka Yahuudda uu la macno yahay “qiyaameyn lagu sameeyey” Islaamka. Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba xulufo la ah Saudi Arabia, oo weli aan xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel. Sacuudiga waxay sheegeen in xiriir ay la yeeshaan Israel uu ku xiran yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta, inkasta oo la rumeysan yahay inuu xidhiidhhoose ka dhaxeeyo. Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka. Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay beegsadaan dhuumaha shidaalka ee dalkaas. Waxa uu sheegay in Sacuudiga ay taageereen xiriirka Bahrain iyo Imaaraadka la yeesheen Israel ayaga oo hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah. LA WADAAG ASXAABTAADA

Sarkaal ka tirsan ilaalada Taliyaha Ciidamada Booliska oo lagu dilay Muqdisho (Faahfaahin)

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada ilaalada Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho. Sarkaalka toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabaa L/Xiddigle Aadan Ibraahim Shamiindo, waxaana dilkiisa geystay askari kale oo boolis ah oo isna ka tirsan ilaalada Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxmaed (Xijaar), kaasoo la sheegay inuu baxsadya markii uu dilka geystay. Ad Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Booliska oo ku saabsan falka dilka ah ee ka dhacay Guriga Taliyaha ciidamada Booliska. Warar Xul ah

Siyaasi Yuisuf Garaad oo Fariin Muhiim ah u diray Xukuumadda Rw Rooble

Muqdisho (OWN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo war qoraal ah soo saaray ayaa farrin cajiib ah u diray xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-giisa ayaa marka hore tusaale u soo qaatay sawir ay ku jiraan sagaal wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddii hore sidoo kalena uu ku jiro isaga, kuwaas oo qaarkood ay dhinteen, kuwana laga saaray golaha, halka kuwa kalena ay xukuumadda ka tirsanaayeen illaa laga rido. Yuusuf Garaad ayaa yidhi” Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.” Sidoo kale wuxuu ugu baaqay wasiirada cusub ee imaan doono in aysan noqon qorshe la’aan, islamarkaana ay muhiim tahay in la yimaadeen qorshe guud oo dan u ah dalka. “Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya,” ayuu markale yiri hadal yaqaan Yuusuf Garaad Cumar. Halkan hoose ka aqriso:- Waa 2017. Waa sagaal Wasiir oo garbaha isku haya oo ka mid ah Xukuumad uu markaa uun Baarlamaanku kalsooni siiyay laguna hor dhaarinayo. Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi. Sagaalka Wasiir ee sawirka ka muuqda, saddex ka mid ahi waa ay geeriyoodeen. Allah ha u naxariisto. Saddex waa laga saaray Golaha. Saddexna waxay ka mid noqdeen Xukuumaddii uu Baarlamaanku kalsoonida kala noqday Bartamihii 2020, iyaga oo kala qeybsan oo qaarna ay ridayaan Golihii ay ka tirsanaayeen, qaar laga tiro batayna ay is leeyihiin daafaca. Sagaalka Wasiir ee garbaha isku hayay, ku socday qorshaha Xukuumaddu, dariiqyada aan qaar ka soo noqoshada lahayn ee ay mareen, midna kuma fekereyn maalintaas. Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya.

Dawlada Baxrayn oo Noqotay Wadankii Afraad oo Heshiis dhamaystiran la Yeesha Yuhuuda

October 19, 2020 | Published by: yaska Heshiiska oo Mareykanka uu gadhwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda. Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948. Xidhiidhadan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada. Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxiixdeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo. Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.” Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin. Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “. Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, Waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka LA WADAAG ASXAABTAADA

Fartuun Kulmiye Caddow oo ka sheekeysay qaabkiii ay ciidamada NISA u wateen walaalkeed

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen hore xili dambe ayey ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay gurigiisa kasoo xireen wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo dhawaan wareysi xasaasiya la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo hadda ku jira xabsi guri. Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab. Fartuun Kulmiye Caddow oo ah gabadh la dhalatay wariyaha ayaa qaabka ay ciidamadu uga soo xireen gurigiisa ku tilmaamtay mid argagax leh, maadama ay ciidamadu ay albaabka kusoo jebiyeen, isla markaana ay cabsi xoogan ku abuureen hooyadii iyo caruurtii yar-yareyd ee kula sugneyd guriga. Waxay sheegtay in ciidamada la baxay wariyaha ay xiligaasi ku dhawaaqayeen ereyo cabsi galin ah, iyadoona xustay in dhowr jeer ay ku cel-celiyeen inay dilayaan, midaasi oo argagax kale ku noqotay qoyskiisa. Xariga wariyaha ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo maamulka idaacada uu ka tirsanaa ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor-imaanaya sharciga saxaafada. Abwaan Cismaan Guure oo kamid ah madaxda sarre ee idaacada Kulmiye ayaa isaguna markii u horeysay sheegay in wariye Kulmiye uu ku xiran yahay godka jilacow ee ku yaala xabsiga nabad-sugidda. Xariga wariyaha ayaa yimid habeen ka hor un markii gurigiisa laga kaxeystay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddan oo wareysi uu ka qaaday wariyuhu ku sheegay inuu taageersan yahay fikirka ay Al-Shabaab dagaalka kula jirto dowladda. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Jubbaland Oo Qaaday Duulaankii dib uqabsashada Gobolka Gedo (Sawirro)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ciidamada darawishta jubbaland ee ku sugan magalada ceelwaaq ayaa waxaa lasoo sheeegayaa iney duulaan ku yihiin magalada balad xaawo ee gobolka gedo. Dhanka kale ciidamada dowlada somalia haramacad iyo kumandooska gorgor dhankooda ayeey warar hoosaadka militariga ayaa sheegayo in ciiidamadaasi jubbaland aysan weerar ku aheyn baladxaawo laakiin ee rabaan iney xoojiiyaan ciidamada joogo duuleedka baladxaawo. Madaxweyne kuxigeenka koobaad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu abaabulay duulaankani,islamarkaana la sheegay in Ceel waaq ka waday abaabulkaasi. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp