Monday, October 26, 2020

Xiisadda Trump iyo Ethiopia oo kasii dartay iyo Ethiopia oo tallaabo qaaday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta u yeertay safiirka Mareykanka sababo la xiriira wax ay ugu yeertay “dagaal hurin” uu madaxweyne Donald Trump ka dhex sameeyey Masar iyo Ethiopia. Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii carro xooggan u muujiyey Ethiopia, isaga oo soo jeediyey in Masar ay burburiso biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameysay Webiga Nile. Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Gedu Andargachew ayaa ugu yeeray safiirka Mareykanka Mike Ray inuu sharaxaad ka bixiyo hadalladaas. “Hurinta dagaal dhex mara Ethiopia iyo Masar oo uu sameeyo madaxweyne Mareykan ah, kama tarjumeyso saaxiibtinimada iyo isbaheysiga muhiimka ah ee Ethiopia iyo Mareykanka, mana ahan wax lagu aqbali karo xeerarka caalamiga ah ee lagu maamulo xiriirada dalalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia. Trump ayaa sheegay hadalka ka dhanka ah biyo-xireenka Ethiopia isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xireenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga. Ethiopia, Sudan iyo Masar ayaa waxaa muddo ka dhaxeeyey muran xooggan oo la xiriira biyo-xireenka, kaasi oo Masar iyo Sudan ay diidan yihiin la buuxiyo, ayada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin. Trump ayaa sheegay inuu heshiis dhex-dhigay dalalkan, balse ay Ethiopia ka baxday. “Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yiri Trump. “Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto, ay burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xireenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yiri Trump. “Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xireenka],” ayuu yiri Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xireenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak. Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xiriira in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka. “Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yiri.

Erdogan oo shaaciyey arrin kasii dartay xiisadda kala dhaxeysa Mareykanka

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyey inaysan marnaba hakad gali doonin tijaabada nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee uu sameeyay Ruushku. Erdogan ayaa si rasmiya u shaaciyay in dowladiisu ay bilowday inay tijaabiso nidaamkaasi, isla markaana aysan cidna uga amar qaadan doonin awood kasta oo ku jirta gacanta Ankara. Madaxweynaha ayaa iska dhago tiray walaaca Mareykanka uu ka qabo tijaabada nidaamka difaaca uu sanceeyo Ruushku, kaasi oo uu Washington u aragto arrin halis galin karta amniga qowmiga. “Tijaabooyinka waa la qaaday, waana la sii wadaa. Gebi ahaanba nama khuseeyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan arrinta” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo u waramayey warbaahinta maxaliga. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii aynaan tijaabin doonin awoodahan aan haysanno, markaa maxaan sameyneynaa?”, midaasi oo uu kusii xoojinayo inaysan Ankara cidna uga amar qaadan doonin horumarinta awoodaheeda. Hadalkan ayaa dab kusii qabtay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga oo xiligan u muuqata inay mareyso meeshii u sareysay, kadib markii ay Washington si carro leh uga jawaab celisay. Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa saacado un ka dib hadalka Erdogan ku sifeeysay mid wada xeelad uu ku khiyaameynayo xulafadiisa. Washington ayaa ku doodeysa in tijaabada uu ku adkeysanayo Turkigu ay khatar gelineyso cawaaqib xumada xiriirka labada dal, gaar ahaan midka amniga. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Dacwad ka dhan ah Max’ed Bin Salman oo laga furay maxkamad Mareykan ah

Riyadh (Caasimada Online) – Gabadhii u calmaneyd suxufigii reer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu aas-aasay, ayaa maxkamad ku taalla Mareykanka ka diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo lagu eedeeyey dilkiisa. Dacwaddan, oo ah mid madani ah, ayaa waxa ay Maxamed Bin Salmaan ka dooneysa magdhow aan la shaacin, waxaana sidoo kale qeyb ka ah 20 eedeysane oo kale oo Sacuudiyaan ah. Dacwadda ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga uu sii xumeeyey dilkii weriyaha oo dhacay 2018, xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyo Riyadh, iyo ku lug lahaashaheeda dagaalka Yemen. Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama jawaabin codsi la xiriiray inay ka hadasho dacwadda. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa dilka Khaashuqji, oo haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka. Khaashuqji oo aad u dhaliili jiray boqortooyada, islamarkaana wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa bishii October 2018 lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Waxa uu halkaas u tegay inuu kasoo qaato warqado uu u baahnaa si uu guursado gabadha ay is-calmadeen ee Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah. Cengiz iyo ururka Dimoqraadiyadda Dunida Carabta ee loo yaqaan DAWN, oo ah urur uu Khaashuqji aas-aasay oo ka dhisan Mareykanka, ayaa dacwadda ka diiwaan geliyey maxkamad federal, oo ku taalla Washington DC.

Diblomaasiyiin Shiinaha iyo Taiwan kasoo kala jeeda oo isku gacan qaaday

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Beijing (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin ka tirsan dowladda Shiinaha iyo maamulka sheegta madax-banaanida ee Taiwan ayaa si weyn isugu gacan qaaday munaasibad ay labada dhinac ka qeyb-galeen, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga dalka Fiji. Diblomaasiyiintan ayaa ka hor inta ay isu gacan qaadin ku murmay munaasibad lagu xusayay maalinta qaranka Taiwan, taasi oo xubnaha Taiwan ku doodayeen inaysan marti-qaad u fidin diblomaasiyiinta Shiinaha. Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa ku andacooneysa in saraakiisha shiinaha aysan jirin cid u fidisay casuumaad, xili ay cirka isku sii shareertay xiisada labada dhinac. Isku gacan qaadkaasi ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyey waxay waxyeelo kasoo gaartay afar diblomaasi oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen ilo xogagaal ah. Shiinaha iyo Taiwan ayaa muddooyinkii dambe si weyn usii kala fogaanayey, iyada oo bilihii u dambeeyayna uu xoog u xumaaday xiriirka labada dhinac, xili ay Taiwan ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan Shiinaha, halka isaguna qabo midaasi badalkeeda. Xiisada labada dhinac ayaa suurta-galin karta inuu kusoo dhex dhaco Mareykanka oo la fahamsan yahay inuu muddooyinkii dambe xiriir saaxiibtinimo oo dhow la lahaa xukuumada Taiwan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Donald Trump oo wajahaya cawaaqibka tallaabooyin dhowr ah oo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya loolan adag oo doorasho, kaasi oo ku rabo inuu markale ku hanto 4-sanno oo kale, iyada oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo. Go’aanada Trump ayaa waxa si weyn ugu kala qeybsamay dadka Mareykanka, kuwaasi oo qaarkood ay ku taageersan-yihiin, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda dalka Mareykanka. Caqabadda ugu weyn ee xiligan uu wajahayo Trump ayaa ah diidista sharciga degenaanta dalkaas, taasi oo keentay in lamaanayaal ku kala maqan safar ay ku adkaato inay helaan warqad u fasaxeysa inay dib ugu soo laabtan dalka, iyada oo kuwa degana ay u diideyso inay sii joogaan. Haweenka Muslimiinta ah ayaa u arka in xayiraadda Madaxweynaha Mareykanka ay si gaar ah u taabatay, waxa ay ku doodeen in haatan Ragga qaba ay ka maqan yihiin dalkaas, kaliya ay sugayaan natiijada doorashada 3-da November. Pamela iyo Afshin Raghebi waxa ay u dabaaldegi doonaan sanad-guuradoodii 10-aad ee guurkooda bisha Diseembar, balse farxad & murugo xusuustooda waxa ay ku xiran tahay natiijada doorashada Mareykanka ee Bisha November. “Waxa aan u baahanahay gurigiisa, ninkeyga waxaa laga hor istaagay in uu Soo galo Mareykanka muddo labo sano laga joogo, kadib markii loo dhameystiri waayay sharciga joogtada ah ee deganaanshihiisa rasmiga ah” Sidaasi waxaa Wakaaladda APF u sheegtay Haweeneyda lagu magacaabo Pamela iyada oo ilmeyneysa. Go’aanka Madaxweyne Trump waxaa taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka sanadkii 2018-kii, xayiraadda ayaa sameyn taban ku yeelatay muwaadiniinta Lox dal oo Muslimiin ah, inkasta oo markii dambe laga saaray dalka Ciraaq oo askar Ameerikaan ah joogaan. Waxaa wehliya waddamo kale oo colaad dhanka diblumaasiyadda ah kala dhaxeyso Mareykanka, guud ahaan waddamadaas oo laga reebay Ciraaq waxa ay kala yihiin: Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Kuuriyada Waqooyi & Venezuela. Baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in laga soo bilaabo Oktoobar 2019-kii ilaa haatan in ka badan 15,000 oo dad is qaba ah iyo carruur yar yar oo ay isku dhaleen saameyn ku yeelatay xayiradda Madaxweyne Donald Trump. Waxaana lagu wadaa in dadka go’aankaasi uu saameynta weyn ku yeeshay ay ka hiilin doonaan madaxweyne Trump oo dhawaan wajahi doona loolaan doorasho oo adag, taasi oo hoos uga dhigi karta natiijada codadka dhigiisa.

Maxaa kiciyey ololaha yaabka leh ee ka dhanka Turkiga ee ka socda Saudi Arabia?

Marar badan ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee wadanka Sucuudiga waxa ka bilaaabma olole lagu doonayo in lagu qaadaco badeecadaha Turkiga ee dalkaas loo dhoofiyo. Arintaas ayaa aad u sii xoogaysatay labadii sannadood ee u dambeeyey markii xiisaddii ka dhalatay dilkii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji lagu khaarajiyey qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ku taal dhexdeeda bishii Oktoobar ee 2018. Iyadoo hadaba ay haatan ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee dilkii Khaashoqji, ayaa waxa dardar hor leh yeeshay ololaha ka socda shabakadda Twitter ee dalkaas. Waxaana muwaadintiintu ku ladhayaan fariimahooda hal ku dhegyo ay ku doonayaan in la qaadaco wax kasta oo Turkiga lagu sameeyey. Ololahan ayaa hadaba waxa uu sidoo kale dhaliyey dood dhex maraysa dadka Carabta ah ee adeegsada Twitter-ka qudhooda oo iyagu arinta ku eegaya aragtidooda gaarka ah iyo hadba dhanka ay la jiraan marka la eego xiisadda ka taagan gobolka Gacanka iyo siyaasadaha Erdogan ee gobolkaa ku aaddan. Hase yeeshee dadka arintan aadka ula socda ayaa su’aalo ka qaba in ololahani yahay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo aanay is muujinyeyn oo uu yahay wax shakhsiyaad si iskood ah u bilaabeen. Ma shakhsiyaad baa bilaabay mise dawladda? Ololuhu wuxuu sannadkan ku bilaabmay fariin uu Twitter-ka ku qoray gudoomiyaha rugta ganacsiga Sucuudiga, Cajlaan Al-Cajlaan, oo uu shacabka ugu baaqay in ay qaadacaan badeecadaha Turkigu sameeyo oo aan dalka loo soo dhoofin iyo sidoo kale in aanay shacabka Sucuudigu u dalxiis tagin oo aanay maal gashan Turkiga. أقولها بكل تأكيد و وضوح:لا استثمارلا استيرادلا سياحةنحن كمواطنين ورجال أعمال لن يكون لنا أي تعامل مع كل ماهو تركي.حتى الشركات التركية العاملة بالمملكة أدعو الى عدم التعامل معها، وهذا أقل رد لنا ضد استمرار العداء والأساءة التركية الى قيادتنا وبلدنا. — عجلان العجلان (@ajlnalajlan) October 14, 2020 Maalmo yar uun ka dib ayaa waxa soo baxay hal-qabsiyo (Hashtags) lagu taageerayo soo jeedinta Cajlaan, waana markiigu ugu hadal hayn batay labada hal-qabsi oo kala haa ololaha_qaadacaadda_ badeecadaha_ Turkiga iyo ololaha shacabka _ee_ qaadacaadda_ Turkiga oo labaduba aad ugu faafay dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka. Shakhsiyaadka arintaa taageeraya waxa ka mid ah Amiir-ka reer Sucuudi ee Cabdiraxmaan Bin Misaacid oo aan xil rasmi ah ka haynin dawladda. أكثر من صحيفة وقناة تلفزيونية في تركيا تهاجمني وتتحدث عني وكأني أنا السبب في الحملة الشعبية لمقاطعة البضائع التركية ورغم تأييدي الكبير لها إلّا أنها حملة شعبية بدأت من سعوديين محبين لوطنهم وأيدتهم فيها .. الحملة نتيجة فبدلًا من الهجوم علي انظروا للسبب وهو سياسات رئيسكم واساءاته pic.twitter.com/noBoRf56dg — عبدالرحمن بن مساعد بن عبدالعزيز (@abdulrahman) October 14, 2020 Dadka Sucuudiga ah ee ololahaa wada ayaa waxay leeyihiin ololahani wuxuu falcelin u yahay “falalka cadowtinada ah ee Turkigu kala hor yimid shacabka iyo dawladda dalkooda” haatanna waxay hal-qabsiga ololaha ay Twitter-ka ka wadaan u bixiyeen kacdoonka_ shacabka oo ay ku sheegeen in ay “dad ka tiro badan kuwii ololeyaashii hore ka qayb galay ay haatan ka qayb qaadanayaan”. Waxa se jira qaar kale oo dalbanayaba in ololahan ka socda Twitter-ka laga dhigo xaqiiqo oo dalku dhaqan geliyo waxay dalbanayaan. Hase yeeshee kuwo kale ayaa qaba in ololahani waxba soo kordhinayn oo u arka uun in uu yahay “olole iska kooban oo ka dhex socda internet-ka ujeedadiisuna tahay in shacabka Sucuudiga laga indho saabo arimaha tooska u taabanaya ee u muhiimka ah”. Waxa iyaguna ololahaa ka falceliyey shacabka dalalka Carbeed ee kale qaarkood oo iyaguna Twitter-ka ka bilaabay hal-qabsiyo ay ku taageereyaan Turkiga oo uu ka mid yahay ololaha_shacab_ee taageerada _Turkiga. Waxaanay dadkaasi canbaareeyeen aragtidaa Turkiga lagaga soo horjeedo oo ay ku sheegeen “dagaal dhaqaale oo ay dawlado Carbeed ku qaadeen dal Muslin ah oo difaaca qaddiyadaha ummadda Muslimka.” #السعودية لم تقاطع الهند التي تقود حملات إبادة ضد المسلمين، ولم تقاطع الصين التي تُبيد الإيغور، ولم تقاطع ميانمار التي تُبيد الروهينغا، تقاطع تركيا وتقيم علاقات من تحت الطاولة مع الصهـ.ـاينة لأن ذلك يخدم إسرائيل !!#الحملة_الشعبية_لدعم_تركيا — فهد الغفيلي (@fahadlghofaili) October 16, 2020 Waxaanay sheegeen in ay filayaan in waxa lagu doorsanayo badeecadaha Turkigu noqon doonto badeecadaha Israel oo loo furo suuqa Khaliijka. Waxaanay arintaa marag uga dhigeen sida ay isugu soo dhawaanayaan Israel iyo dalalka Carbeed ee ay xulafada yihiin Sucuudigu. Ololahani saamayn ma yeeshay? Waxa jira qayb saddexaad oo su’aalo iska weydiinaysa “sababta dawladda Sucuudigu uga gaabsanayso in ay go’aan rasmi ah qaadato oo ay xidhiidhka ugu jarto Ankara oo ay si badheedha u joojiso badeecadaha uga yimaad?” Su’aashaas waxay dadka lafa gura siyaasaddu kaga jawaabeen in sababtu tahay “Suudiga oo ka baqaya in cunaqabatayn uu saaro ururka ganacsiga aduunku, hadii uu si rasmi ah go’aan qaadacaad ganacsi ah ugu soo rogo Turkiga. Sidaa awgeed ayuu cadaadis ugu saarayaa muwaadiniintiisa in ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor yimaadaan Turkiga”. Waraysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Anadool ee Turkigu horaantii bishan, ayaa wasiirka arimaha dibadda dalkaas, Mevlut Cavusoglu, ku tilmaamay “wax aan jirin” wararka tibaaxaya in ganacsiga Turkiga ee Sucuudiga halisi soo food saartay. Waxaanu intaa ku daray “masuuliyiinta Sucuudigu arintaa ganafka ayay ku dhufteen, anaguna aad baanu isha ugu haynaa hadii ba ay dhacdo in badeecadaha Turkiga la qaadaco bishan aynu ku jirno”. Sidoo kale waxa arimahaa beeniyey xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Sucuudiga oo sheegay in aan wax xayiraad ah lagu soo rogin badeecadaha Turkiga uga taga. Dhanka kale se waxa jira warar la sheegay in ay hadal hayeen khubarada dhaqaalaha iyo muwaadiin Sucuudiyiin ah iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo ganacsato Turki ah oo ka hadlaya saamaynta taban ee ololahaa qaadacaaddu ku yeeshay ganacsigooda. Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in todobaad ka hor ay warbxin si wada jir u soo saareen madaxda sideed shirkadood oo ugu wayn kuwa ganacsiga Turkigu ay ku sheegeen in ay soo gaadhay cabasho uga timi shirkado Sucuudi ah oo tilmaamaysa in dawladda dalkaasi ku soo rogtay amarro hor leh oo ay ka mid yihiin in ay saxeexaan dokumentiyo gaar ah marka ay soo waaridaan badeecadaha Turkiga ay ka keenaan. Qaadacaaddu ma sii socon doontaa? Dadka odorosa siyaasadda ayaa qaba in dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkigu uu sii kululaan doono dhawrka bilood ee soo socda. Waxaanay khubaradu intaa ku darayaan in qaadacaadani ay Turkiga ku qasbi doonto in uu xulufo cusub oo dhaqaale ka samaysto gobolka, isaga oo wax ka bartay sidii Qatar loo go’doomiyey. Waxa kale oo ay ka digayaan cawaaqibka xun ee ololahan qaadacaadda ahi ku yeelan doono dhaqaalaha Turkiga iyo Sucuudiga labadaba. Sucuudigu wuxuu kaga jiraa suuqyada uu Turkigu wax u dhoofsho kaalinta 15, waxaana lagu qiyaasay qiimaha badeecadaha dharka, roogagga iyo agabka kiimikaad ee Turkigu u dhoofshaa in uu gaadhay 1.91 bilyan oo doolar sideedii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan 2020. Waxay se xogta laga helayo Sucuudigu muujinaysaa in qiimaha badeecadaha Turkigu u dhoofiyo dalkaasi uu hoos u sii dhacayey tan iyo sannadkii 2015. Hase yeeshee waxa qiimaha ganacsi ee labada dal is weydaarsadaan lagu tilmaamayaa inuu yahay qiyaastii 5 bilyan oo doolar sannadkii.

Maxaa kiciyey ololaha yaab-ka leh ee ka dhanka Turkiga ee ka socda Saudi Arabia?

Muxuu Turkiga awooddiisa milatari ugu kala fidinayaa dibadda?

Wax yar kadib markii muranka muddada dheer ka taagnaa gobolka Koonfurta Caucasus uu bishii lasoo dhaafay isu baddalay dagaal gacan ka hadal ah, Turkiga wuxuu garan istaagay xulafadiisa ku sugan waddanka Azerbaijan. Wuxuu siiyay hub iyo sida la sheegay ciidan laga soo weeciyay dhinaca waddanka Suuriya, inkastoo xukuumadda Ankara ay beenisay arrimahaasoo dhan. Si ka duwan dalalka kale ee dibadda, oo dalbaday in si deg deg ah xabadda loo joojiyo, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ku boorriyay inuu dagaalka sii wado. Gobolka Caucasus waa mid ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku fidiyay murqisiisa, xilli milatariga Ankara ay isku ballaadhiyeen laga billaabo Turkiga ilaa meelo badan oo ka tirsan badda Mediterranean-ka. Waa kuwee meelaha uu Turkiga ku lug leeyahay? Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, Turkiga wuxuu: qaaday saddex howlgal milatari oo uu ka fuliyay waddanka Suuriya ciidamadiisa milatariga ah u diray inay kasoo dagaallamaan Liibiya ciidamadiisa badda geeyay dhinaca bari ee badda Mediterranean-ka si ay u difaacaan qeybta uu ka sheegto gobolkaas ballaadhiyay howlgalladiisa milatari ee ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta ah ee PKK ee waqooyiga dalka Ciraaq milatari xoojin ah u diray gobolka Idlib ee suuriga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ku jirta gacanta xoogagga fallaagada dhawaan ku hanjabay inuu howlgal milatari oo cusub ka fulin doono waqooyiga Suuriya si uu ula dagaallamo “kooxaha argagixisada ah ee hubeysan”. Turkiga waxay sidoo kale ciidamo milatari ah ka joogaan waddamada Qadar, Soomaaliya iyo Afghanistan, wuxuuna ciidamo nabad ilaalin ah ku hayaa gobolka Balkans, oo ku yaalla Yurub. Saameynta ay milatariga ku leeyihiin caalamka waa tii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Maxay salka ku heysaa diblomaasiyadda cusub ee uu Turkiga ka leeyahay dibadda? Sanadkii 2015-kii ayuu soo billowday dadaalka uu Turkiga ugu jiro inuu xoojiyo danihiisa dhinaca arrimaha dibadda, markaasoo la abuuray gole howlahaas qaabilsan. Golahan oo Reer Galbeed diid ah ayaa aaminsan in hadda awoodda waddamada reer galbeedka ay hoos u sii dhaceyso, loona baahan yahay in Turkiga uu kaalintaas buuxiyo, xidhiidh dhowna la yeesho dalalka ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha. Hannaanka siyaasdada Arrimaha Dibadda ee Turkiga wuxuu aaminsan yahay in waddankan ay ku hareereysan yihiin dalal cadowgiisa ah garabkiisa ay ka baxeen xulafadiisii Reer Galbeedka. Sidaas darteed waxay golaha dowladda Turkiga ku boorriyeen inay xoogga saarto siyaasadaheeda dhinaca dhibadda, awood milatarina u adeegsato meelaha ka baxsan xuduudaheeda. Qorshahan wuxuu aad uga duwan yahay siyaasadihii hore ee Turkiga oo u janjeeray dhanka hagaajinta diblomaasiyadda, ganacsiga dibadda iyo dhaqamada uu ku xoojinayay xiriirka dalalka kale. Isbaddalkan waxaa horseeday arrimo ka dhacay gudaha Turkiga iyo caalamkaba. Maxaa isbaddalay? Turkiga ayaa howlaha uu hadda wado billaabay markii doorashadii baarlamaanka ee 2015-kii aqlabiyadda aqalka markii ugu horreysay muddo toban sano ah looga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP, Guul darradaas waxay timid markii ay horumar sameeyeen xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP. Si uu dib ugu hanto aqlabiyaddii xisbiga talada haya, Mr Erdogan wuxuu xulafo ka dhigtay xisbiyada qarannimo doonka ah ee garabyada midig iyo bidix labadaba. Way taageereen markii uu dib u billaabay dagaalkiisa ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta gooni u goosadka damacsan. Taageeradooda waxay Erdogan u sahashay inuu awooddii baarlamaaniga ahayd ee waddanka u baddalo mid madaxweyne, taasoo isaga ka dhigtay qofka awoodda ugu sarreeya gacanta ku heysta. Gacansaarkii uu la sameystay xisbiyada qaran jacaylka u go’ay iyo awooddii uu kordhistay waxay fure u noqdeen mowqofyada awood raadinta iyo ficillada milatariga ee uu Turkiga ku wajahayo Arrimaha Dibadda. Afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray in nidaamkan uu cago adag ku istaago. Sidauu afgambiga u baddalay arrinta Sida uu qabo madaxweyne Erdogan, afgambiga dhicisoobay waxaa soo abaabulay nin ay horay xulafo u ahaayeen oo lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo ah wadaad islaami ah oo iskiis dibad joog ugu ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Arrimaha uu sababay afgambigaas ee uu ka faa’iideystay madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah in lasii xoojiyay xiriirkii saaxiibtinnimo ee uu la sameystay xisbiyada qaran doonka ah. Howlgal ka dhan ahaa shaqaalaha dowladda ayaa shaqada looga eryaya dad ka badan 60,000 oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Gulen, kuwaasoo qaarkood xabsiga loo taxaabay. Goobihii shaqada ee bannaanaaday waxaa laga buuxiyay dadka daacadda u ah Erdogan iyo taageerayaasha qaran doonka. Afgambiga fashilmay wuxuu sidoo kale xoojiyay fikirkii ay horay u qabeen isbahaysiga qaran doonka, oo aaminsanaa in dalalka reer Galbeedka ay raalli ka yihiin cadowga Turkiga ee dibadda jooga. Ujeeddada ugu weyn ee uu Turkiga ka leeyahay Liibiya waa sidii uu u xaqiijin lahaa dowladda Serraj, taasoo iyana laga doonayo inay hirgaliso ujeeddo ay leeyihiin Erdogan iyo xulafadiisa qaran doonka ah, waana arrinta ku saabsan Bariga Badda Mediterranean. Qeyb ka mid ah baddaas oo uu kheyraad gaas ah ka buuxo ayey Turkiga sheeganayaan, waxayna ku muransan yihiin Giriigga iyo Qubrus. Muranka ka aloosan biyahaas wuxuu salka ku hayaa sida loo kala qeybsanayo kheyraadka. Maxaa xiga? Siyaasiyiinta qaran doonka ah waxay Erdogan kula taliyeen inuu dagaalka sii wado. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ah dadka qarannimada u ololeeya, oo lagu magacaabo Cihat Yayci, ayaa ku dooday in Giriigga uu doonayo faragalin uu ku sameeyo galbeedka Turkiga, wuxuuna Erdogan ugu baaqay inuusan waligiis wadaxaajood la galin xukuumadda Athens. Madaxweynahana uma furna waddo aan ka ahayn inuu taladaas qaato. Kaddib markii uu dhawaan ku guul darreystay ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalkiisa, qaran doonka ayaa u qaabilsan dhinaca gudaha, isaguna wuxuu diiradda saarayaa amuuraha dibadda.

Kumuu ahaa wiilkii gowracay ninkii sawir gacmeedka ka sameeyey Nebiga NNKH?

Paris (Caasimada Online) –Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil gowrac ah oo magaalo ku dhow magaalada Paris loogu gaystay macallin iskuul oo sawir gacmeed ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH. Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa gowracay wiil 18 jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska. Afhayeen u hadlay Safaaradda Ruushka ee magaalada Paris, Sergei Parinov ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Abdullakh Anzorov. Abdullakh Anzorov ayaa Faransiiska yimid 12 sano ka hor, markaasi oo uu ahaa 6 sano jiray islamarkaana qoyskiisa ay codsadeen magan-galyo, sida uu sheegay afhayeenka. Waxa uu intaas ku daray in Abdullakh uu deganaansho helay sanadkan. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wiilkaas uusan wax xiriir ah la lahayn safaaradda Ruushka. “Muhiimadda ma ahan halka uu ku dhashay qofkan, balse waa waa goorta iyo sababta uu u qaatay fikradaha argagixisada,” ayuu yiri. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Abdullakh weerarka fuliyey uu doonayey inuu macallinka ku ciqaabo inuu sawir gacmeed loola jeedo Nebi Muxamed NNKH tusay ardaydiisa. Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale xiray laba nin oo mid canugiisa uu dhigto iskuulka, kan kalena ay isha ku hayeen sirdoonka, kuwaasi oo la sheegay inay baraha bulshada ka billaabeen olole ka dhan ah macallinka la gowracay. Tan iyo horraantii bishan October ayaa la sheegay in baraha bulshada uu ka socday olole ka dhan ah macallinka sameeyey sawir gacmeedka, islamarkaana waalidiin badan oo Muslimiin ah ay uga soo dacwoodeen Iskuulka. Ma aheyn markii koowaad ee Samuel Paty uu ardaydiisa tuso sawir gacmeedka rasuulka NNKH, waxaana la sheegay in sidoo kale uu sidaas sameeyey sanadkii tegay, sida laga soo xigtay mid ka mid ah ardaydiisa oo 13 jir ah. Qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuulka ayaa isku dayey inay xaliyaan muranka arrintan ka dhashay, waxayna u yeereen waalidiinta Muslimiinta ah, hase yeeshee waxay sheegeen inaysan kulanka iman. Samuel Paty ayaa ugu dambeyn la dilay Jimcihii, kadib markii uu soo weeraray wiilka 18 jirka ah, kaasi oo mindi ku dhuftay kadibna gowracay. Xigasho: VOA

Saudi Arabia oo shaacisey war ku saabsan qorshaha caadiyeynta xiriirka Israel

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn “uu caadiyeyn doono” xiriirka Israel, waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow. Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yiri “waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.” Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda. “Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xiriirka Sacuudiga iyo Israel, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yiri. Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xiriirka Israel oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah, waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israel.” Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xiriir la yeesha Israel, iyo dalalkii saddexaad iyo afaraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israel. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

TURKIGA oo tijaabiyey gantaalaha S-400 ee Reer Galbeedka ay ka qeyliyeen

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters. Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan. Mareykanka ayaa ku cambaareeyay Turkiga tijaabinta nidaamka aadka u hormarsan ee difaaca cirka ee Ruushka, iyadoo Turkey uu iska indhatiray digniinta Mareykanka. Telefishinka Haber oo aad ugu dhow dowladda Turkiga ayaa soo wariyay in ciidanka Turkiga ay sameeyeen tijaabada nidaamka S-400 taasi oo lagu qabtay waqooyiga gobolka Sinop ee badda madow. Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO. Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus ayaa sheegtay in Mareykanku uu u muujiyey saraakiisha ugu sarreeya ee dowladda Turkiga in soo iibsashada nidaamyada milatari ee Ruushka sida S-400 ay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna intaas ku dartay in Washington ay caddeysay rajjada ay ka qabto in nidaamkan gantaaluhu uusan hawlgalin. “Haddii la xaqiijiyo, waxaan erayada ugu adag ku cambaareynaynaa tijaabada gantaalka S-400 oo ah mid aan la jaan qaadi karin masuuliyadaha Turkiga ee ka mid ahaanshaha xulafada NATO iyo saaxiibka istiraatiijiga ah ee Mareykanka,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ortagus. Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay. REUTERS + VOA

Nin aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH oo lagu gowracay dalka Faransiiska

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Paris (Caasimada Online) – Macallin Iskuul oo dhiga maadada Taariikhda ayaa lagu gowracay magaalo ku taalla dalka Faransiiska Jimcihii, maalmo kadib markii uu aflgaadeeyey Nebi Muxamed SCW, sida uu xaqiijiyey madaxweyne Emmanule Macron. Weerarkan ayaa waxaa fuliyey 18 jir muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Macallinka la gowracay, oo lagu magacaabay Samuel Paty, ayaa la sheegay inuu ardaydiisa dhowaan usoo bandhigay sawir gacmeed lagu muujinayey Rasuulka SCW, isaga oo ku cayaaraya oo aflagaadeenaya. Wiilka weerarka fuliyey oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa waxaa kadib toogasho ku dilay booliska, kadib markii uu qoorta ka gooyey Samuel. Madaxweynaha Faransiiska Emmanule Macron oo booqday waddada uu weerarka ka dhacay ee qoorta looga gooyey Samuel Paty ayaa weerarka ku qeexay “mid fuleynimo ah,” wuxuuna yiri “Samuel waxa uu dhibane u ahaa weerar argagixiso Islaami ah.” “Mid ka mid ah muwaadiniinteena ayaa la dilay maanta sababtoo ah waxa uu dadka bari jiray xoriyadda hadalka, iyo xoriyadda iyo wax la rumeeyo ama aan la rumeyn,” ayuu yiri Macron. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Conflans-Sainte-Honorine. Macallinka la dilay ee Samuel Paty ayaa hanjabaado isdaba joog ah la kulmayey tan iyo markii uu furay dood la xiriirta sawir gacmeedka 10 maalmood ka hor. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Wargeys shaaca ka qaaday musharaxa ay Turkiga ‘ka taageerayaan’ Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wargeyks ayaa qoray in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo saameyn xooggan ku leh Soomaaliya uu si joogto ah taageero u siiyo madaxweyne Farmaajo. Sida warbixinta lagu sheegay, Turkiga ayaa waxaa taageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qatar oo markii horeba mas’uul ka ahayd doorashada Farmaajo, islamarkaana taageereysay wixii ka dambeeyey guushiisii 2016. Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya. Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr taageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca dowladda, taasi oo si dadban u ah olole doorasho. Waxaa ka mid ah baabuurta dagaalka oo bishii Augusta ay siiyeen ciidamada Soomaaliya, ciidamo badan oo dhowaan ku qalin jebiyey xerada Turksom ee Muqdisho, iyo dib u cusbooneysiinta heshiiska shirkadda Turkiga ee Albayrak ay ku maamusho dekedda Muqdisho. Si kastaba, inkasta oo warbixinta wargeyska ay sidaas tiri, haddana Caasimada Online ayaa rumeysan in Turkiga aysan faraha la gelin siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayna la shaqeeyaan dowlad kasta oo dalka timaadaa, ayada oo la ogyahay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh, muddadii uu xukunka hayey.

Must Read

Maxaa Ka Socda Golaha Shacabka?

Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo uga  doodayo sharciyaal dhowr ah. Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay:  Akhrinta labaad ee H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee H/Sh Dhismaha hey’adda diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada dadweynaha iyo u codeyta Sharciga Hantidhawraha guud ee dawladda. Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa maalin kahor ansixiyay golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana weli horyaallo golaha sharciyo dhowr ah, tii oo ay jirto in waqtiga ka himman in doorasho loo dareero ay dhowdahay. Goobjoog News

Donny van de Beek Oo Loo Sheegay In Uu Sameeyay Khalad Weyn Markii Uu Ku Biiray Man United.

Xiddigii hore ee reer Holland Marco van Basten ayaa sheegay in Donny van de Beek uu qalad ku galay ku biirida Manchester United intii lagu jiray suuqii xagaaga. 23 jirkaan ayaa ka tagay Ajax si uu ugu biiro United bilowgii bishii Sebtember, waxaana uu haatanba 7 kulan u saftay kooxda Man United xilli ciyaareedkan. Van de Beek ayaan wali ku bilaaban wax Premier League ah waxana uu ciyaaray 59 daqiiqo oo horyaalka ah. Kadib bar-barihii ay United la gashay Chelsea xiddiga ayaa ahaa kayd aan la isticmaalin Solskjaer ayaana sheegay in uu xiddiga reer Holland kulamo badan ciyaari doono xilli ciyaareedkan. Si kasta ha ahaatee Van Basten ayaa sheegay in ay ahayd xiddiga reer Holland in uu sugo kooxo ka fiican United oo u yimaada adeegiisa. “Donny ma aheyn inuu aado Manchester United. Markaad tahay ciyaaryahan wanaagsan waxaad dooneysaa inaad ciyaarto usbuuc walba. Runtii waa wax xun in ciyaaryahan sida Donny ah uu ciyaaro kaliya lix ama todobo kulan sanadkan,” Van Basten ayaa u sheegay Ziggo Sport.

Muslimiinta Caalamka oo Hanjabaado u diraya Madaxwaynaha Faransiiska

October 26, 2020 | Published by: yaska Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey Islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay . Sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda

SOMALILAND oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Qaramada Midoobay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Hargeysa ( Caasimada Online) – Maamulka Somaliland oo fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa shaaciyey go’aan culus oo ka dhan ah hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa howl-gala deegaanada maamulkaas ee waqooyiga Somalia. Warsaxaafadeed ku qornaa Luqadda Engilishka oo ka soo baxay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Hargeysa ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in Somaliland ay hakisay haatan wixii ka dambeeya wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adahaasi, iyada oo go’aankaan uu dhaqan galay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020. Ma shaacin Somaliland sababaha rasmiga ah ee ay u joojisay wada-shaqeynta ay la laheyd hay’adaha QM  ee ka howl-gala inta badan deegaanada Soomaalida. Si kastaba Somaliland oo dooneysa inay ka go’da Soomaaliya inteeda kale ayaa ka soo horjeeda in dowladda dhexe ee federaalka loo soo marsiiyo mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, taas oo loo sababeynay go’aankan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber