Monday, October 26, 2020

Must Read

Xabad-joojintii 3aad oo la dhex-dhigay Azerbaijan iyo Armenia

Waxaa maanta markii sadexaad la isku dayayaa in la dhaqan geliyo xabad joojin si fursad loosiiyo wadahadalka labada dal ee dagaalamayey asbuucyadii lasoo dhaafay.Dowlada Maraykanka oo waan waan ka dhex wada labada dhinac ayaa sheegtay in xabad joojintan maanta ay dhaqan-geli doonto xili ay horey u fashileen laba mar oo la isku dayey in lagu guuleyso xabad joojin iyo dhex dhexaadin ay wadeen Ruushka. 10kii bishan Oktoober ayaa Moscow looga dhawaaqay xabad joojintii ugu horeysay kadib markii ay halkaasi ku kulmeen Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ruushka, Azerbajian, Armenia iyo Russia. Xabad-joojintii labaad ayaa lagu dhawaaqay asbuuc kahor balse taasi ayaa dhaqan gashay muddo daqiiqado ah oo kaliya, waxayna labada dhinac dib u bilaabeen duqeynta. Khalid YusufHorseed Media

Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Guuldaradii Leicester City.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay niyad jabkii uu ka qaaday guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Kooxda Arsenal ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay Emirates kulan ay la kulantay guuldarro 1/0 ah. Arteta oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Waxa aan dareemayaa niyad jab run ahaantii, waxa aan wax walba ku haynay gacanta, waan maamulnay qaybtii hore ee ciyaarta”. “Leicester City waxa ay u ciyaaraysay qaab daafac ah arintaas ayaana sabab u ahayd guuldarada naga soo gaadhay kulanka”. “Way adagtahay in fursad la abuuro hadii 10 xiddig kubada daba joogaan laakiin waxa ay ahayd in aan si fiican ku dhamaysano ciyaarta”.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku bogaadiyey Laamaha Ammaanka dar-dar gelinta Qorshaha fududeynta isu-socodka Caasimadda

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda. “Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.” Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.

Isbaheeysi Diineed oo lagaa qarinayo!!!.(Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale?)

Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale? Sida Allaah noo sheegay Diimaha Samaawiga ihi dhamaan waa Islaam, waxaa kala duwanaa Kutubtii iyo Risaalooyinkii Rususha loo soo dhiibay, Abul Ambiyaa’ Nabi Ibrahim CS ma aheeyn Yahuudi iyo Nasaari Midna, waxa uu ahaa Muslim fiiri sawirka Aaydda 1aad.( F.S: 1aad). Nabi Muuse oo loo soo dhiibay Kitaabka Towreed waxa uu ahaa Rasuul Alle, dhalsha ahaanna Reer Bani irsaa’iil markii uu la hadlayayna Qowmkiisana waxa uu yiri: ( Qoomkeeygiiyoow maxaad ii dhibeeysaan waad ogtihiin in aan ahay Rasuulkii Alla idiin soo diray). وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ يَا قَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِي وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ Israa’iil iyaga oo ka raadinayo isbaheeysi Diineed Dadka Masiixiyiinta ah, in kasta oo ey beeniyeen Kitaabkii Ingiil ee Nabi Ciise CS ayeey ku fikireen in Nabi Ciise CS ey ku sheegaan in uu Israel yahay, bacdamaa Hooyadii ey aheyd . laakin Nabi Ciise ma dhihin sidii Nabi Muuse oo kale Qoomkeeygiiyoow bacdamaa uuna aheyn Reer Bani Israel ee waxa uu ugu yeeray Magacooda . sida aayadan ku cad: ( waxa uu yiri Cisa CS ina maryamo Reer Banii Israa’iiloow waxaan ahay Rasuul Alla idiin soo diray). وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم Haddii aad fahamtay Farqiga u dhexeeyo Labada aayadood, Haddaba ogow waxa uu ku saleeysaleeysan yahay isbaheeysiga ey Israa’iil Aliftay ee ka dhexeeyo Masiixiyiinta iyo Yahuuda ee Islaamka maanta looga soo horjeedo. Muslimiinta ayaa sadaxda uga saxan dhinaca Aaminaada Rususha Alle, Yuhuudu waxa ey aaminsan yihiin hal kitaab oo kaliya mana aaminsano kitaabkii Anbiyada Ciise CS iyo Nabi Moxamed SCW, waxa ey aaminsanyihii Muse CS oo klaiya. Masiixiyiintu waxa ey Aminsan yihiin Laba Nabi oo kaliya Muse CS iyo Ciise CS. Annagu waxaan Aaminsanahay Saddaxda Nabi dhamaantootood in Allaah uu soo wada diray. Israel ayaa bilaawday in ey dhisto isbaheeysi Diineed oo ey la sameyso Masiixiyiinta, iyada oo leh waxaa naga dhexeeyo Anbiyo Reer Banii Israel ah. Muslimiintana waa in laga rabo in ey Diinta isku baheeystaan, waana in Dal waliba uu aado halkii loogu sheego in Dantiisu ey ku jiro, Xattaa Israel ha noqotee. Muslimiintuna eynan walaalo ku aheyn Diinta. Lana qaato Fikirkii Mr. Makaiavelli, Qarniyaal ka hor uu ku qoray Buugiisii “The prince ” uuna ku yiri: (Saaxiibo waaro ma jiraan ee Dano waaro ayaa jira) Madaxduna ha raaceen dhaqanka Sheydaanka.Taa oo hadda laga dhigay, Ma jirto Walaalnimo Islaam oo Diinta ku walaaloowda kuna waarto, ee waxaa jira Dano Dowladeed oo waaro. Haddaba ogoow Isbaheeysiga yuhuuda iyo Masiixiyiintu ma ahan mid asal ahaan ku saleeysan Siyaasad, Dhaqaale, ama Ciidan ee waa mid Diin ku saleeysan oo Adiga laguu sameeystay. FG: Maqaalkan waxa badan ayaa ka jaray Markii aan qoray kadib, Aniga oo tix galinayo Codsigiinii ahaa yareey qoraalada iyo Caajiska qaarkiin. Amaaba qaarkiin uu weli la dheer yahay?. FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Qore: yahya Amir