Monday, October 26, 2020

Must Read

DENI oo safar deg deg ah ugu amba-baxaya Itoobiya & Xogta Ujeedka safarkiisa

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in Maanta uu safar uga ambabaxo Magaalada Garoowe, isagoo kusii jeeda Magaalada Addis  Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Warar la helayo ayaa sheegaya safarka Madaxweynaha Puntland ee Addis Aabab uu yahay mid la xiriira Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo wax soo-saarka Khudaarta. Inta uu ku sugan yahay Addis Aabab Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Ganacsato. Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo kaga sii gudbiyay Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula kulmay Madax ka tirsan Imaaraadka iyo xubno kale. Madaxweyne Deni ayaaa shalay si rasmi ah u furay kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland, isla markaana halkaas ka jeediyay Khudbado uu uga hadlay Arrimo kala duwan iyo heshiiska sanadkii 2017-kii Puntland ka gashay Shirkadda DP-WORLD. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Akhriso: Maxaabiis si La Yaab leh uga baxsatay Xabsiga Dhexe Ee.. & Ciidanka oo..

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta Saddex Ruux si awood ah ugala baxeen Xabsiga dhexe ee Magaaladaas. Dadka lala baxay ayaa ahaa maleeshiyaad dhawaaan la sheegay in laba qof oo Shacab ahaa ku dileen weerar ka dhacay degaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo gacanta ay  ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland. Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood. Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadka sida awooda ah dadka dilka geystay kula baxay ay Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay la aadeen Saddexdii Ruux ay la baxeen iyo meydadka labada qof oo aan weli la aasin. Xaalada Magaalada laas-Caanood ee gobolka Sool ayaa Maanta kacsan,waxaana la hadal hayaa maleeshiyaadka hubeysan oo sida awooda ah Saddex ruux oo loo heysto dilka ugala baxay Xabsiga Dhexe ee Magaalada laas-Caanood. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Ian Wright Oo U Cabsanaya Arsenal Kulanka Man United Kadib Bar-Barihii Leicester City.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ka baqaya in kooxdiisii ​​hore ay ku dhacdo xaalad aan fiicneyn kulanka ay wajaheyso Manchester United todobaadka dambe kadib markii ay ku dhibaatoodeen kulankii Leicester City. Gunners ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Emirates kadib markii uu Jamie Vardy dhaliyay goolka dhamaadkii qaybtii dambe. Kooxda Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatoonaysay in ay gool u badasho maamulista ciyaarta ay maamulaysay. “Waxaad fiirineysaa Manchester United kuwaas oo aan la ciyaari doono”ayuu Wright yidhi kadib guuldaradii Arsenal. “Waxa aad u baahantahay in aad dhaafto, in aad jabiso, United waxa ay samayn doontaa isla wixii ay Leicester City samaysay xitaa waxa ay haystaan xiddigo ka fiican dhanak weerarka marka loo bar-bar dhigo Vardy”. “Waxa uu noqon doonaa kulan adag marka aan la ciyaari doono Man United”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

XOG: Waare oo laga diiday inuu ka baxo Muqdisho & Xasaanadii oo lagala wareegay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka joojisay safar manata uu ku tegi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada maamulkaas. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle, ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Waare laga celiyay Garoonka Aadan cadde, xilli uu doonayay inuu u duulo magaalada Jowhar. Saraakiil ka tirsan Imigrationka Garoonka Aadan Cadde ayaa u sheegay madaxweynaha in lagu wargeliyay inuusan Garoonka ka dhoofin karin madaxweyne iyo wafdi uu hoggaaminayo ee maanta ku wajahnaa magaalada Jowhar, xilli xaalad adag ka taagan doorashada maamulka Hirshabeelle oo lagu muransan yahay. Lama oga sababta, Dowladda Federaalka madaxa uga taagan tahay madaxweyne Waare oo waqtigiisa xil heynta dhammaayay, kaas oo dhexda kaga jira qalalaaso siyaasadeed oo kaga imaanaya Beesha uu ka soo jeeda ee Xawaadle oo wax ku leh dhismaha maamulka Hirshabeelle. Arrimaha ka socda magaalada Jowhar waxaa horboodaya Villa Soomaaliya gaar ahaan Taliyaha Nabad sugida Fahad Yaasiin oo la wareegay Faaylka dhismaha maamulkaas gaar ahaan soo xulista Baarlamaanka. Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa qaadacay shirarka ka socda Jowhar, waxayna sheegeen iney jiraan faragelin xooggan oo ka imaaneysa Muqdisho. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp