Monday, October 26, 2020

Must Read

XOG: Waare oo laga diiday inuu ka baxo Muqdisho & Xasaanadii oo lagala wareegay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka joojisay safar manata uu ku tegi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada maamulkaas. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle, ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Waare laga celiyay Garoonka Aadan cadde, xilli uu doonayay inuu u duulo magaalada Jowhar. Saraakiil ka tirsan Imigrationka Garoonka Aadan Cadde ayaa u sheegay madaxweynaha in lagu wargeliyay inuusan Garoonka ka dhoofin karin madaxweyne iyo wafdi uu hoggaaminayo ee maanta ku wajahnaa magaalada Jowhar, xilli xaalad adag ka taagan doorashada maamulka Hirshabeelle oo lagu muransan yahay. Lama oga sababta, Dowladda Federaalka madaxa uga taagan tahay madaxweyne Waare oo waqtigiisa xil heynta dhammaayay, kaas oo dhexda kaga jira qalalaaso siyaasadeed oo kaga imaanaya Beesha uu ka soo jeeda ee Xawaadle oo wax ku leh dhismaha maamulka Hirshabeelle. Arrimaha ka socda magaalada Jowhar waxaa horboodaya Villa Soomaaliya gaar ahaan Taliyaha Nabad sugida Fahad Yaasiin oo la wareegay Faaylka dhismaha maamulkaas gaar ahaan soo xulista Baarlamaanka. Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa qaadacay shirarka ka socda Jowhar, waxayna sheegeen iney jiraan faragelin xooggan oo ka imaaneysa Muqdisho. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Somaliland suspends discussions with UN over humanitarian projects

HARGEISA (HOL) - Somaliland has suspended humanitarian engagements with the UN projects but has not indicated the circumstances surrounding the decision.

Puntland oo qirtay in Shabaab ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah Sanaag

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ee gobolka Sanaag General Cabdullahi Cumar Canshuur ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen gobolkaasi. Canshuur oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan meelo ka mid ah […] The post Puntland oo qirtay in Shabaab ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah Sanaag first appeared on Caasimada Online.

Ciidamada Dowlada oo bur burin ku bilaabay dhul uu sheegtay in uu leeyahay Wiil uu dhalay Siyaad Barre

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ciidamada dowlada Soomaaliya oo wata katarabiilo bur burin ku bilaabeen xaafada Imbagaati ee kutaala degmada Afgooye. Dadka degan xaafadan ayaa saakay mar qura ka war helay ciidamo hubeesan oo bur burin ku bilaabay guryahooda, waxaana ciidamada dadka u adeegsanayeen awood iyagoona guryaha […] The post Ciidamada Dowlada oo bur burin ku bilaabay dhul uu sheegtay in uu leeyahay Wiil uu dhalay Siyaad Barre appeared first on Allbanaadir.com.