Monday, October 26, 2020

Must Read

Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda

Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay weerar shalay ka dhacay degaanka Xoosh, degmada Dharkeyneynley ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saartay wakaalada wararka ‘Acmaaq’ ee raacsan Daacish ayaa lagu sheegaya in ciidamada Daacish ay weerar ku qaadeen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Xoosh, loona adeegaday Bistoolad, iyadoo halkaasi lagu dilay. Ad Weerarka shalay ayaa Nin nin ku hubeysnaa Bistoolad uu ku qaaday askar ka tirsan ciidamada Booliska ee xaafadda Xoosh, waxaana is rasaaseyn dhex martay ku dhaawacmay saddex askari, halka ninkii dableyda ahaa isna lagu dhaawacay, laguna qabtay. Daacish ayaa sheegata weerarro naadir ah oo ka dhaca caasimadda Soomaaliya oo inta badan ay ka howlgasho Alshabaab, waxayna in muddo ah dadaal ugu jirtay inay joogitaankeeda sii balaariso. Dabley ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay dagaal uu la galay Ciidamada Booliska ee Muqdisho (Faahfaahin) Warar Xul ah

Maxaa Ka Socda Golaha Shacabka?

Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo uga  doodayo sharciyaal dhowr ah. Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay:  Akhrinta labaad ee H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee H/Sh Dhismaha hey’adda diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada dadweynaha iyo u codeyta Sharciga Hantidhawraha guud ee dawladda. Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa maalin kahor ansixiyay golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana weli horyaallo golaha sharciyo dhowr ah, tii oo ay jirto in waqtiga ka himman in doorasho loo dareero ay dhowdahay. Goobjoog News

Donny van de Beek Oo Loo Sheegay In Uu Sameeyay Khalad Weyn Markii Uu Ku Biiray Man United.

Xiddigii hore ee reer Holland Marco van Basten ayaa sheegay in Donny van de Beek uu qalad ku galay ku biirida Manchester United intii lagu jiray suuqii xagaaga. 23 jirkaan ayaa ka tagay Ajax si uu ugu biiro United bilowgii bishii Sebtember, waxaana uu haatanba 7 kulan u saftay kooxda Man United xilli ciyaareedkan. Van de Beek ayaan wali ku bilaaban wax Premier League ah waxana uu ciyaaray 59 daqiiqo oo horyaalka ah. Kadib bar-barihii ay United la gashay Chelsea xiddiga ayaa ahaa kayd aan la isticmaalin Solskjaer ayaana sheegay in uu xiddiga reer Holland kulamo badan ciyaari doono xilli ciyaareedkan. Si kasta ha ahaatee Van Basten ayaa sheegay in ay ahayd xiddiga reer Holland in uu sugo kooxo ka fiican United oo u yimaada adeegiisa. “Donny ma aheyn inuu aado Manchester United. Markaad tahay ciyaaryahan wanaagsan waxaad dooneysaa inaad ciyaarto usbuuc walba. Runtii waa wax xun in ciyaaryahan sida Donny ah uu ciyaaro kaliya lix ama todobo kulan sanadkan,” Van Basten ayaa u sheegay Ziggo Sport.

Muslimiinta Caalamka oo Hanjabaado u diraya Madaxwaynaha Faransiiska

October 26, 2020 | Published by: yaska Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey Islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay . Sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda