Saturday, October 24, 2020

C/weli Muudeey “Gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa,

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa si kulul oo adag uga hadlay Sharciga Dembyada Galmada la xiriira oo qaar ka mida xildhibaannada ay dalbadeen in Baarlamaanka lagu soo celiyo, isagoo ku timaamay Gaalnimo iyo Diin ka bax aysan ogolaaneynin in Baarlamaanka looga doodo.

“Wasaq waaye, qurun waaye, sharci maaha.. wax uusan islaamka qabin, Datuurka qabin lama keeni karo, Ma shaci gaalo ayaan ku dhaqmeynaa .. maxay tahay waxa aad nagu wadaan..? ood nala daba taagan tihiin”ayuu si kulul u yiri C/weli Muudeey.

Guddoomiye Muudey oo sii hadlayay ayaa yiri “Sheydaan waaye, sharci maaha lamana la keenayo halkan… Gaalada Sharcigeeda miyaa inta keeneynaa, miyaanan Diin laheyn, islaam ma nihin miyaa, Sharciga Gaalada ninkii ku qanacsan Gaalada ha aado, Gaal ninkii ku qanacsan gurigiisa ha aado hasoo qanciyo, anaga Ilaahey ayaan qancineynaa..” ayuu yiri C/weli Muudey.

“Mas’uuliyiin ayaa tihiin, waajib waxaa idinka saaran shacabka Soomaaliyeed, Gaalo miyaa Xildhibaan u tihiin, sharci gaalo miyaa ku dhaqannaa, gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa, wixii sharciga Islaamka iyo Dastuurka qabin lama keeni karo Baarlamaanka”

Doodda weyn ayuu ka dhex dhaliyay sharcigan Baarlamaanka, waxaana dhowaan sharcigan horkeentay Baarlamaanka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin.

Related Articles

Villa Soomaaliya Oo Tallaabo kale qaaday Galabta guulna ku heli karto

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wadada udhaxeysa lambar afar ilaa Tarabuunka ayaa galabta laga qaaday dhagaxda shubka ahaa. Muddo sanado ah ayey xirneyd wadadaas oo la sheegay in ay uxirneyd xarunta safaarada Qatar ee Muqdisho. Dhagaxdii ayaa galabta baabuur lagu daabulay  taas oo dad badan ay ku farxeen dib ufuristaasi. Maalmo ka hor ayaa daabacnay warbixin ah in dib loo furayo wadadaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa in taageero uga hesho dib ufurista waddooyinkii xirnaa Shacabka Soomaaliyeed. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Jordan Henderson Oo U Cabsaday Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Imaatinkii Fabinho Ee Liverpool, Muxuu Sameeyay?

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Jurgen Klopp Si uu tababaraha wax uga waydiiyo doorkiisa kooxda kadib wal-wal ka...

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa

October 24, 2020 | Published by: yaska Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee in Dr. Cali Khaliif Galaydh uu Geeridiisa ka hor uu aad uga walaacsanaa inaan Madaxda Somaliland diyaar u ahayn inay ka dhabeeyaan oo ay fuliyaan heshiiskii uu Maamulkiisii Khaatumo la galeen Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Geerida Cali Khaliif ka qoray Qormo dheer wuxuu ku sheegay inuu ahaa Aqoon, Siyaasi iyo Waxgarad ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markii ugu horraysay ee ay ku kulmeen ahayd 1971-kii, markaas oo ay ku kulmeen Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Prof. Samatar wuxuu sheegay in Cali Khaliif oo ay aad isku dhex galeen sannadkii 2017-kii ay yeesheen shirar iyo kulamo badan. Wuxuu intaa ku daray in Labadooduba (Samatar iyo Galaydh) ay ugu yaraan laba Munaasibadood kula kulmeen Madaxweyne Biixi dabaqayaadii sannadkii 2017-kii, taas oo ay saddexdooduba iskula garteen in Dr. Cali Khaliif uu soo diyaariyo qodobbada ugu muhiimsanaa heshiiska ay Khaatumo la gashay Madaxweyne Siilaanyo. “Markii ugu dambaysay ee aan la hadlay Dr. Galaydh waxay ahayd 5 Maalmood ka hor Geeridiisii lama filaanka ahayd ee Jigjiga, markaas wuxuu si cad oo walaac uu qabay la socdo iigu sheegay in hoggaanka Somaliland aanay dareen soo jeeda u hayn oo wakhti lumis iyo Gaabis wadeen, taasi waxay dhashay inaan wax weyn la fulin illaa hadda sida uu sheegay..” ayuu Prof. Samatar ku yidhi Qormadiisa uu ku qoray Afka Ingiriisiga. Wuxuu sheegay Samatar inuu Cali Khaliif Galaydh u sheegay inay wax weyn ku soo arkeen socdaalkoodii ay ku mareen Gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay dhallinyarada ugu jeediyeen khudbado kala duwan. Qoraalkan oo lagu baahiyey Shabakadda Somaliland chronicle wxuuu Prof. Samatar ku sheegay in Bulshada Khaatumo looga baahan yahay inay soo xulaan shakhsi bisil, maskax furan, aqoonyahan ah oo buuxiya kaalintii Dr. Galaydh oo hoggaamiya sidii loo fulin lahaa heshiiskii uu Galaydh la galay Somaliland. Wuxuu sheegay Samatar Maqnaanshaha Bulshada Sool ka maqan yihiin Somaliland ay hoos u dhigi doonto guul kasta oo ay Somaliland gaadhay  “Marka la eego hoggaanka hadda iyo ka mustaqbalka ee Somaliland wakhtigu waa ku sii gabaabsi, sidaasi darteed waxa muhiim ah inay firfircooni ku gedaamaan wada-hadallada oo dib loo kiciyo, oo fulinta heshiiskii loo dhaqaajiyo sida ugu wanaagsan. Waxa Daruuri ah in markan wax laga qabto waxyaabaha ay doonayaan Bulshada Sool oo la sharfo oo la karaameeyo muwaadin Qadarin ballaadhin leh (Cali Khaliif Galaydh). Runta dhayda ka caddaatay soddonkii sanadood ee u dambeeyay waxay tahay in guulaha la majeertay ee Somaliland gaadhay ay weligeed hoos u dhigi maqnaanshaha Bulshada Gobolka Sool oo intiisa badani ay weli maqan yihiin..”

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Maxamed Cumar Carte Miyuu Ka Tanaasulay Mawqifkiisa??

October 24, 2020 | Published by: yaska Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Sabtida maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Siyaasigan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hore u ahaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Xogo wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Carte ka tanaasulay mawqifkiisa ku saabsan midnimada Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana raacayo qaddiyadda Gooni isu taagga Somaliland. Socdaalkiisan ayaa ku soo beegmaya iyada Cumar Carte Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ugu magaca weyn uu ku xanuunsanayo magaalada Hargeysa. Bulshada Somaliland ayaa si weyn baraha bulshada ugu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay imaanshaha Maxamed Cumar Carte oo aanay xukuumadda Somaliland wax war ah ka soo saarin.

Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo. Wadadda muhimka ah ee isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Trebuunka ayaa waxaa xilligan ka socda qaadisa dhagxaan waaweyn oo fara badan, Carro, Birro iyo dhagxaan lagu xiray; kuwaasoo ay ku xirteen Safaaradaha Turkiga iyo Qatar oo isaga danbeeyay. Ad Jidka wuxuu sanadihii ugu danbeeyay u xirnaa safaaradda dowladda Qatar markii ay ka guurtay safaaradda Turkiga, iyadoo uu noqday mid laga go’ay oo culeys weyn ku haya isu socodka labada jid ee ugu mashquulka badnaa caasimadda, waxaana ku xirmay ganacsiyo fara badan. Dib u furista jidkan waxaa isku dayey Duqii hore ee Muqdisho, laakiin waxaa ka hor yimid hay’adaha Amniga iyo madaxda dowladda, waxaase hadda muuqata in furistiisa lagu dari doono waxqabadka dowladda. Dowldda uu hoggaamiyo Madaxweyne oo doorashada ku gashay furista wadooyinka ayaa sii xirtay wadooyinkii caasimadda. wxayna guud ahaan dhagaxyo ku jaray wadooyinkii xaafadaha taasoo keentay ciriiri iyo jaam aan hore loo arag oo heysta caasimadda. Warar Xul ah