Friday, October 23, 2020

C/raxmaan C/Shakuur oo ka hadlay RW cusub ee Soomaaliya loo Magacaabay

– Advertisement –

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyey RW cusub ee xalay madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu baraha bulshada ku daabacay C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in RW cusub uu yahay nin uu si weyn u garanayo wuxuuna xusay inuu ku soo aaday xili adag oo kala guur ah, isagoo talooyin muhiim ahna u soo jeediyey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR OO DHAMEYSTIRAN

Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday.

Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibaateysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad asxaabtaada iyo dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

QM oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa mar kale maanta baaq kasoo saaray doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka dhacaan Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka/ururka. “Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda ogolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay ogolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. “Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dib-u-habeynta maamulka dowladnimada sannadihii la soo dhaafay, haddana waa lama huraan in la sii ballaariyo saaxada siyaasadeed iyadoo dalku u diyaar garoobayo doorashooyin. Waxay si gaar ah muhiim u tahay in la maqlo codadka kooxaha taariikh ahaan la haybsooco,” ayuu raaciyay Swan. Waxa uu sheegay in dimuqraadiyaddu ay ka wayn tahay qabashada doorashooyinka, ayna ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mas’uuliyiinta/hay’adaha iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo loona ballaariyo saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya.”

Muxuu Shiinaha u soo saaraa cabitaankan u dhahama sida caanaha?

10 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Getty ImagesJaceylka ay dadka Shiinaha u qabaan caanaha ayaa sii krdhayay sanadihii u dambeeyay.Dadka Shiinaha ku nool oo ay tiradooda ay ku dhawdahay 1.4 bilyan oo qof ayaa imika ah dalka labaad ee isticmaala caanaha ugu badan ee la soo saaro. Shiinaha wuxuu soo dhoofsadaa naanaha si loo helo wax soo saar ku filan shacabka dalkaas.Dalalka caanaha u dhoofiya Shinaha waxaa ka mid ah New Zealand iyo Jarmalka.Arrinta xiisaha leh waxay tahay in qaar badan oo ka mid ah dadka Shiinaha si la mid ah kuwa kale ee Eeshiya ay caanaha ku xanuunsadaan marka ay cabaan. Waxay xanuun kala kulmaan dheef-shiidka.Daraasad laga sameeyay Shiinaha, muujinaysaa in qiyaastii 92% boqolkiiba dadka waawayn ay dhibaato kala kulmaan cabidda caanaha.Warbixin kale oo dhawaan ay soo saartay hay'ad ka shaqeysa arrimah daawada ayaa lagu sheegay in marka caruurta ay gaaraan 11 ilaa 13 sano, ay boqolkiiba 40% qiyaastii ay lumiyaan awooddii dhanka dheefshiidka.Hadaba, sidee dhab ahaantii caanahan ku qulqulaya dalkaas yihiin, maxayna tahay sababta uu Shiinaha sidaa ugu farxo caanaha? Inta badaneyd qarnigii 20-aad, isticmaalka caanaha ee dalka Shiinaha waxay ahayd arrin aad u hooseysay, waxaa sidaasi sheegay Thomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing Normal, wuxuuna darsay wax soo saarka dhanka caanaha ee dalkaas.Xigashada Sawirka, Getty ImagesDadka waawayn ee Shiinaha ayaa u arkayay in caanaha ay yihiin kuwa loogu talagalay caruurta oo kali ah.Waxaa dalka Shiinaha ka jira tira aad u yar oo ku nool waqooyiga bari ee Shiinaha kuwaas oo dhaqda lo'da waxayna caanaha u iibgeeyaan dalka Ruushka gaar ahaan magaalada Harbin.Sannadkii 1980-maadkii, caanaha la qaso ee dlka Shiinaha waxay ahaayeen kuwa caafimaad leh waxaana la siin jiray oo kali ah caruurta iyo dadka da'da ah.Horraantii 1980-maadkii, waxaa aad ugu yaraaday caanaha waxayna dadka saf u gali jireen sidii ay u heli lahaayeen caano."Xaqiiqadii waxaa go'aan laga gaari jira inta caano ah ee aad helayso," ayuu yiri Dubois.Markii al soo gaaray sannadkii 1990-kii, iyo horraantii 2000, waxaa fududaatay in la helo caanaha dalkaasi Shiinaha.Waxaa laga dhisay warshado sameeya caanaha. Qaar ka mid ah warshadahaas waa kuwa ugu waaweyn caalamka ee sameeya caanaha. Xitaa fadeexaddii 2008, waxyaabihii lagu daray caanaha, si sare loogu qaado barootiinka, taa oo ay ku dhinteen 6 caruur ah ayna ku xanuunsadeen kumannaan kale, ma sababin in la joojiyo isticmaalka caanaha dalkaasi Shiinaha.Xigashada Sawirka, Getty ImagesThomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing, Shirkaddiisa Dubois waxay sheegtay in fadeexadaas ka dib, iibsiga caanaha ay hoos u dhaceen boqolkiiba 80%, tobankii maalmood ee ka dambeysay fadeexada, balse islamarkiiba hadana ay sare u kaceen tirada dadka isticmaala.Caanaha iyo wax soo saarka kale ee la xiriira UHT oo waqtiga dheer dalkaas laga heli jiray, ayaa ah kuwa laga heli karo Shiinaha sidoo kalena raqiisa ah.Hadaba sidee isula jaanqaadayaan in lagu xanuunsado caanaha sida ay Seynisyahannada sheegeen iyo dadka Isticmaala ee badan?Prof Dubois wuxuu sheegay "in markii uu mashruucan caanaha bilaabayay uu dadka waydiin jiray sida ay ula tacaalaan dhibaatada dheefshiidka ee ay caanaha leeyihiin." Wuxuu intaa ku daray "waxay iigu jawaabayeen haddii caanaha markii aan cabno ay na dhibayaan waan joojinaynaa.

Nigeria’s Racing Towards A Nightmare Scenario

The sudden outbreak of multisided violence in Nigeria’s largest city is pushing Africa’s most populous country towards the nightmare scenario of full-fledged destabilization which...

Stay Connected

20,896FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Eritrea’s Statement to OACPS Subcommittee of the Parliamentary Assembly

Statement of the Eritrean Delegation to the 56th Session of the Organization of African, Caribbean and Pacific States/OACPS Parliamentary Assembly, Subcommittee on Political, Humanitarian, Social...

Maalinta Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berito oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24ka Oktooba 2020 inay kulanka ay yeelanayaan ay codka kalsoonida ugu qaadaan golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay.Tan iyo markii lagu dhowaaqay golaha wasiirada cusub ayaa wasiirada la magacaabay ay ka dhex wadeen xildhibaanada baarlamaanka olole ay ugaga codsanayaan inay codka kalsoonida siiyaan. 19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, waxaana laga sugayaa golahan wasiirada cusub inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalka. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleLibyan rivals sign nationwide ceasefire agreement at UN ceremony Next articleDuqeyn lagu diley 12 arday ah dalka Afghanistan