Monday, October 19, 2020

Beesha Abgaal oo ka hortagtay la baahiyo wareysigii horseeday in la xiro Abuukar Cumar Cadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xarigii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan kadib la joojiyay baahinta wareysigii laga qaaday ee sababay inay xiraan ciidamada ammaanka.

Ciidamada hey’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Xarigga ganacsadaha ayaa yimid saacado kadib markii Radio Kulmiye uu ka baxay wareysi uu siiyey Xaaji Abuukar, kaas oo qeyb ka mid ah la baahiyey, gelinkii dambe ee Jimcihii.

Xaaji Abuukar ayaa wareysigaas bixiyey Jimcihii shalay, waxuuna si cad u sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa,iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal oo uu ka dhashay Xaaji Abuukar ay la xariireen maamulka sare ee Radio Kulmiye, kadibna ay ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo baahinta wareysigaas oo dhameystiran, maadaama markii hore qeyb yar ay Idaacaddu u baahisay si hor dhac ah.

Wareysigaas ayaa la filaayey in Sabtidii maanta 10:00am ay baahiso Idaacadda Kulmiye, balse gabi ahaanba waa la joojiyey, kadib markii ay dalbadeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Abuukar.

Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xirtay ganacsato uu ku jiray Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ay walaalo yihiin Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, waxaana la sheegay in ganacsatada uu ku jiro Xaaji Maxamuud loo heysto macaamil ay la yeesheen Al-Shabaab.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/beesha-abgaal-oo-ka-hortagtay-la-baahiyo-wareysigii-horseeday-in-la-xiro-abuukar-cumar-cadaan/original article

Related Articles

Go’aankii Maamul Gobolleedyada Farmaajo Hordhigeen uu kashifay lafta garen

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kal-Fadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan iyo Waxyaabaha uqabsoomay mudada Sanadka iyo Bilooyinka ah Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu Bixinayo sidii looga miradhali lahaa Fulinta Himilooyinka Shacabka Waxaana uu Xusay Madaxweynaha Guulaha Laga Gaaray Amniga,Xureynta Degmooyinka,Tayanta iyo Tawabarida Ciidanka,Fulinta Howlgalada Qorshaysan ee lagu Dhibaataynayo Argigixisada Alshabaab iyo Udiyaar garowga Furida Wadooyinka, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka Hirgelinta Mashariic kala Duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Safaradii uu ku tagay Degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka Waxaana uu xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka,Dib udhiska Xarumaha Dowlada IWM sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xusay in lagu guulaystay in la hormariyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed lagana Dareemayo Isbedel Hormarineed Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jihaysa wadada Hormarka. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur galbeed. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Darawal bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Wiil darawal ka ahaa Mid ka mid ah mootooyinka Bajaajka ayaa galabta lagu dilay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in dilku ka dhacay agagaarka Xarunta ganacsiga ee Muqdisho Mall oo ku dhow dhismaha xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Askari ka tirsan ilaalada xarunta Muqdisho Mall ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey dilkaas ka dib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo bajaajlaha. Weli lama oga in askariga dilka geystay la qabtay ama uu baxsaday, iyadoo dilalka noocan ah ee loo geysto dhalinyarada ku xamaasha Mooyo bajaajka  ay ku soo laalaabteen magaalada. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleWarbixin: Maxaad kala socotaa faa’iidada iyo Khasaaraha uu leeyahay Internetka?

Drs. Ruqiya: “Madax qowlkooda & ficilkoodu isla socdaan ayaan u baahan-nahay”

- Advertisement - Drs. Ruqiyo Sheekh Naaji oo ah musharax xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya, ayaa ugu baaqday guud ahaan ururada bulshada, gaar ahaan saxaafadda in ay qaadato door ay mas’uuliyadi ku dheehan tahay xilliga lagu jiro diyaar-garowga doorashada si  baarlamaanka cusub ay  u soo galaan shaqsiyaad dalkan la-xajecli ay ka hayso, dalkana u jiheyn kara dowladnimo cadaalad ku dhisan. “Qof kasta ee Soomaali ah ee maanta fursad u heli kara inuu wax saxo, ama saamayntiisa u adeegsado sidii dowladnimo taam ah dalka u gaari lahaa, kaalintiisa waa loo baahan yahay” Ayeey tiri Drs. Ruqiya oo saxaafadda la hadashay maanta, waxaynta  ugu baaqday warbaahinta Soomaalida in ay noqoto warshad turxan bixisa, soona saarta dad baarlamaanka Soomaaliya u qalma. “Saxaafaddu ma ahan tan wax dooranaysa waxayse leedahay awood ay ku soo gole-joojin karto mas’uul walba oo quud-daraynaya inuu xil qabto, tusaale; Aniga waxaan la tartamayaa xildhibaanka deegaankayga ku matalaya baarlamaanka, waxaan rabi lahaa inaan la doodo, la xisaatamo, dadkii aan metalayno marka ay doodeena dhagaystaan oo ay si cadaalad ah u qiimeeyaan ay taageeraan midkii uu calaf u galo” Ayeey tiri Ruqiya, iyada oo hoosta ka xariiqday in aysan mansab iyo magac doon ahayn ee ay tahay qof u soo baxday laxa-jecli iyo damqasho ay dalkeeda iyo dadkeeda u qabto. “Maadaama aysan shacabku wax soo dooranayn, oo cidda wax dooranaysa ay tahay baarlamaanka, waxaa laga maarmaan ah dadka baarlamaanka soo galaya in ay noqdaan kuwa lagu aamini karo masiirka ummadda” Ayeey tiri Ruqiya, waxay ku boorisay ururada bulshada in ay soo ceshtaan kaalintooda. “Ururadu bulshadu waxay  matalaan, kuna hadlaan codka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxay soo bandhigaan baahida & duruufaha adag ee shacabku ku sugan yihiin, shaqsiyaadka madaxda ka ah ururada bulshada waxaa xaq loogu leeyahay in aysan noqon kuwa lagu shubto, ee ay noqdaan kuwa bulshada ay metalaan ku hogaamiya cadaalad, uguna baaqaan bulshadu in ay isugu baxaan dareenkood Drs. Ruqiya Sheekh Naaji waxay sheegtay inay ka mid tahay shaqsiyaadka u ololeynaya musharax Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sababaha ay u taageerayso na aysan ahayn wax kale, ee ay u aragto inuu yahay mas’uulkii Soomaaliya gaarsiin lahaa halka ay mudan tahay. “Sheekh Shariif wuxuu fure u ahaa guulo badan oo ay ummadda Soomaaliyeed muddo ku naaloonaysay, laga soo billaabo markii uu ahaa guddoomiyihii golihii maxaakiimta, markii uu noqday Madaxwayne wuxuu ku guulaystay inuu soo nooleeyo rajadii dowladnimada dalka” Ayeey tiri Drs. Ruqiya. Drs. Ruqiya, waxaa kale oo ay sheegtay  in Soomaaliya ay ka soo kabanaysa burbur ay ku jirtay ku dhowaad 30 sanno, sida keliya ee ay u soo kaban karto in ay tahay in awoodu aysan noqon mid koox keligeed ay ku amar ku taaglayso, ee sharcigu noqdo mid qof kasta ba ka sareeya. “Fikirka ah, in talada iyo masiirka ummadda ay isku koobaan hal koox, oo keligood isu arka in ay dadka kale ka Soomaalisan yihiin waa fikir aan Soomaali geyn, Soomaaliya waxay marxalada maanta lagu jiro kaga bixi kartaa in dadka shaqada loo dhiibayo aan loo eegin ma aniguu i taageersan yahay, ee lagu qiimeeyo in qofkaasi uu shaqada ka soo bixi karo” Ayeey tiri Drs. Ruqiya, waxayna intaasi raacisay: “Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee na haysta haddaan Soomaali nahay waxay tahay in shacabku ogaadaan in ay iyagu yihiin dowladda dhabta ah, ee shaqsiyaadka xilalka loo doorta ay yihiin dad shaqo loo dirsaday, haddii ay ka soo bixi waayaan waajibaadka loo igmadayna ay shacabka inta isu soo baxaan si wadajir ah ay u diidi karaan, waxaan u baahanahay madax qowlkooda iyo ficilkooda ay isla socdaan, ma doonayno madax marka hore been inoo sheegta marka ay Villa Somalia fadhiistaanna balantii ay shacabka ka qaadeen ku balan fura”. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Stay Connected

20,876FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

DEGDEG: Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya oo lagu dhawaaqayo

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhow lagu dhawaaqayo xubnaha cusub e Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu shaaciyo liiska Golihiisa Wasiirada oo muddo ku dhow bil laga sugayey, iyadoo ay waqti ku qaadatay in lagu heshiiyo xubnaha cusub oo ay ku jiraan qaar ka mida wasiiradii xukumadii hore. Ad Wasiirada xilalkooda weli heysta ee aan la bedelin ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin: Maaliyadda, Qorsheynta, Dastuurka iyo kuwo kale. KALA SOCO HALKAN Warar Xul ah

15. Fanaanad Seynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay

MUQDISHO (HALBEEG)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyoodtay Fannaanad Seynab Xaaji Cali Baxsan oo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan ka bixin. Siihayaha Wasiirka warfaafinta dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xaqiijiyay geerida marxuumada Seynab Xaaji Cali Baxsan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fannaanadda. “Innaa Lillaahi Wa’innaa Ileyhi Raajicuun, Waxaan qoyskeeda iyo Ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). Allaha u naxariisto ee Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii gaarsiinta dalka, dhismaha qaranka iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo tacsi u dirayay ehellada iyo qoyska fannaanadda. Tan iyo bilowgii sanadkan waxaa geeriyooday fanaaniin ay ka mid ahaayeen Cumar Cabdulle Shooli, Cabdi Tahliil Warsame, Daa’uud Cali Masxaf iyo qaar kale. Post Views:25 Related Let’s block ads! (Why?)