Thursday, November 26, 2020

Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ajax Kala Heshiisay Saxiix Uu Ronald Koeman Doonayo.

Barcelona ayaa heshiis la gaartay Ajax si ay ula saxiixato xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Sergino Dest, iyadoo kooxda reer Catalan ay ku rajo weyn tahay inay si dhaqso leh u soo afjarto heshiiska xiddiga reer Maraykan.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga Sergino Dest u doonaysa badalka Nelson semedo kaas oo ku biiray kooxda Wolves maanta.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay xiddiga Sergino Dest oo 19 jir ah ka bixinayso lacag dhan 20 milyan oo euro iyada oo 18 milyan halka hore ka bixinaysa 2 milyan ee kalana tahay lacago gunooyin ah.

Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa sheegaysa Xidhiidhka fiican ee ay kooxda Barcelona la leedahay kooxda Ajaxa ayaa u sahashay in ay si deg-deg ah ugala heshiiso saxiixa xiddiga.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa la filayaa in la sameeyo maalmaha yar ee soo socda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu.

Laacib.net

Related Articles

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya kusoo baxaan Xildhibaano si dadban u maamulaan kooxda Al Shabaab. Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Jabuuti ayuu ku sheegay in doorashada Xildhibaanada Soomaaliya kusoo bixi karaan Xildhibaano Al Shabaab si dadban u maamumaan maadaama uu xusay in ay iibsan karaan taageerada Xildhibaanada. ”Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Walaaca Madaxwenaha Jabuuti ka qabo in doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaan kaliya ay ka xigto inta badan in dhaqaalo ku bixiyaan ergada wax dooraneysa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleWajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Paul Scholes: Anthony Martial Ma Ahan Weeraryahan Fiican Arintan Ayaana Cadayn U Ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya in Anthony Martial uusan aheyn weeraryahan fiican xilli uu xiddiga reer...

Stay Connected

21,102FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Sheekh Shariif Oo Hore Baydhabo Ugu waday Xubno Murashaxiinta Ku jira

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu udhoofay maanta Duhurnimadii Magaalada Baydhabo Janaay Ee Gobolka Bay. Shariifka ayaa ujeedka socdaalkiisa waxa lagu sheegay inuu doonayo xod xodashada Xubnaha Baarlamaanka ugu badan labada Aqal maadaama ay ka imaanayaan Koonfur Glabeed in ololihiisa doorasho uu is dhis ku sameeyo. Xoghayaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka qeyb ahaa wafdiga Baydhabo uraacay maanta Shariifka. Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran,Ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,Ahna Gudoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ah shakhsi Saameyntiisa siyaasadeed muuqato. Kulamo ayuu la qaadan doonaa inta uu Baydhabo kusugan yahay Madaxweyne Lafta gareen,Gudoomiye Cali Siciid Fiqi iyo Bulshada Reer Baydhabo. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp