Thursday, November 26, 2020

Axmed Madoobe: Hawiyow Muqdisho dadka kama xigtaan + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Hawiye u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dhibka ugu weyn dadka ku haya ay tahay kooxda Al-Shabaab ee aysan jirin cid iska xigsaneysa iyo dad aan kala fikir duwaneyn.

Axmed oo hadal ku tuuraya beesha Hawiye oo ay marti u ahaayeen wuxuu yiri: “Soomaalida markey is xamaneyso waxey oran jirtay dowladnimada Hawiye ugu daran, oo laguma xaman jirin in dowladnimada looga fiican yahay.”

“Waxaa hadda muuqata cidda dowladnimada ugu dhaw, ee raadineysa, ee war dowladnimo, war Soomaali, war hala isku yimaado, war shir nabadeed oraneysa iney Hawiye yahiin waan idinkaga mahad celinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe wuxuu madasha uga mahad celiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen wuxuuna yiri:

“Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri – anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.”

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay waxa ay u qalanto magaalada Muqdisho iyo hadii beelweynta Hawiye ay ka xigaan Soomaalida kale.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Hawiye dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto, biyo macaan ay helaan, koronto lacag la’aan ah iyo dhaqaalahooda oo dib loogu celiyo.”

“Xiligii horana waan ka hadalnay howshaas, maanta hadii Baarlamaanka go’aankaas gaari waayo, waxyaabaha aan rabno raadka in laga tiro waxaa ka mid ah, doorashada soo socota inaan lagu murmin, maqaamka caasimadda iyo matalaadeeda inaan lagu murmin oo la qeexo, wax walba wax cad oo la isku ogyahay iney noqoto ayaan rabnaa.”

“Howsha aan sidaas u wada qaadano, yaanan isku dhaga-hadlin, anaa ugu jecel Muqdisho iney maqaam iyo matalaad yeelato, qof iga xigana ma jiro, waxaan idinka sugeynaa inaan sameyno fulinta waxyaabaha aan heshiiska ku gaarnay, ayna soo baxdo in loo dareeri karo doorashada”

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/axmed-madoobe-hawiyow-muqdisho-dadka-kama-xigtaan-video/original article

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Oo Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu...

November 26, 2020 | Published by: yaska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ayaa Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah  Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu Dhammaaday Muddo 72 Sacadood Oo Loo Qabtay. Milatariga Itoobiya ayaa bilaabi doona wajigii ugu dambeeyay ee duullaanka ay ku qaadayaan waqooyiga gobolka Tigreega ee kacdoonka wada, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray khamiistii saacado kadib markii uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ciidamada Tigreega ay isku soo dhiibaan uu dhacay. “Muddadii 72-ka saac ahayd ee loo qabtay kooxdii dambiilayaasha ahayd ee TPLF inay si nabad galyo ah isu dhiibaan hada way dhamaatay, ololaheena sharci fulinta ayaa gaadhay heerkiisii ​​ugu dambeeyay,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo raaciyay in shacabka la badbaadin doono isla markaana kumanaan dagaalyahanno ah ay mar hore is dhiibeen. Kumanaan kun oo qof ayaa durba la rumeysan yahay inay dhinteen waxaana jira burbur baahsan oo ka imanaya duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka tan iyo markii uu dagaalku billowday Noovember 4-teedi Qiyaastii 42,000 oo qaxooti ah ayaa u qaxay xadka dalka Suudaan.

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya kusoo baxaan Xildhibaano si dadban u maamulaan kooxda Al Shabaab. Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Jabuuti ayuu ku sheegay in doorashada Xildhibaanada Soomaaliya kusoo bixi karaan Xildhibaano Al Shabaab si dadban u maamumaan maadaama uu xusay in ay iibsan karaan taageerada Xildhibaanada. ”Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Walaaca Madaxwenaha Jabuuti ka qabo in doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaan kaliya ay ka xigto inta badan in dhaqaalo ku bixiyaan ergada wax dooraneysa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleWajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Stay Connected

21,102FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Paul Scholes: Anthony Martial Ma Ahan Weeraryahan Fiican Arintan Ayaana Cadayn U Ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya in Anthony Martial uusan aheyn weeraryahan fiican xilli uu xiddiga reer...