Tuesday, October 27, 2020

Axmed Madobe oo sheegay arrin uu ka cabsi qabo inay beesha Habargidir la timaado

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay khudbad ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo beelaha Hawiye ay Muqdisho ugu qabteen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe oo ka hadlay dhawr arrimood ayaa kaftan ku tuuray beesha la siiyay xilka ra’iisul wasaaraha ee Habargidir, oo uu sheegay inuu ka cabsi qabo in muddo kororsi ay u ololeyso si ra’iisul wasaaraha waqti dheeri ah u helo.

Sidoo kale waxuu ka hadlay fikirkii uu ka qabay magaalada Dhuusamareeb, ka hor inta uusan uga qeyb gelin shirarkii Dhuusamareeb 1-2.

“Samareeb “Ex- Dhuusamareeb” baan tagnay, waxaan iri magaaladaas ma dhisna, dadna ma qaadi karto sideen inteena ku tageynaa, waxaa la i yiri, Habargidir intaad shar ku ogeyd kheyr-bey ku badashay adaana arki doona,” ayuu yiri.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Markii shirkaan la igu casuumay waxaan iri – war ra’iisul wasaare ayaa la magacaabay, qolo aan xilkaas qaadan jirinna waa la siiyee amey yiraahdaan xoogaa jag hala siiyo, balse waa la isla fahmay sida saaxiibadey sheegeen.”

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu bogaadiyay maamuuskii loogu sameeyay caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in wax weyn uu u arko in beelaha Hawiye ay hadda yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee raadinaya dowladnimada Soomaaliya iyo in dib loo midoobo.

Hadalka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaanahaan xildhibaano uu ku jiro Cabdi Qeybdiid oo ay aad isugu dhawyihiin ra’iisul wasaaraha cusub ay Muqdisho ka wadeen olole ay mudo kordhin ugu raadinayaan xukuumadda cusub.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/axmed-madobe-oo-sheegay-arrin-uu-ka-cabsi-qabo-inay-beesha-habargidir-la-timaado/original article

Related Articles

Kooxda Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Doono Oo La Xaqiijiyay.

Kylian Mbappe ayaa haatanba go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu xaqiijiyay daaficii hore ee France Adil Rami. Heshiiska Mbappe ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2022 lamana hubo in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda. PSG ayay ka go’antahay in ay sii haysato xiddigeeda iyaga oo mustaqbalkiisa ka dhigtay muhiimada 1-aad. Wararka ka imanaya France ayaa sheegaya in uu Mbappe u furanyahay in uu sii joogo kooxda laakiin aanay kooxdu wali ku qancin. Laakiin xiddigii hore ee xulka qaranka France Rami ayaa sheegay in uu Mbappe haatanba go’aansaday in uu isaga tago PSG kuna biiro kooxda Real Madrid. “Waxan u malaynayaa in uu haatanba go’aansaday”ayuu Rami u sheegay RMC Sport. “Waxana sabab u ah in ay bur-burayaan wadahadaladu, arintaas ayaa ka xanaajinaysa isaga”. “Haatan kooxda lama hadlayo xitaa kuma dhiirana”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Pirlo oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Ronaldo kulanka Barcelona, muxuuse ka yiri Messi??

©(GEESGUUD.COM) SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD (Turin) 27 Okt 2020. Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan naadiga Barcelona, kaasoo ka tirsan kulamada labaad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League. Andrea Pirlo ayaa ka hadlay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, iyo sidoo kale go’aankiisa kaga aadan suurtogalnimada […]   READ THE FULL ARTICLE FROM GEESGUUD.COM This article is copyright © GEESGUUD.COM The post Pirlo oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Ronaldo kulanka Barcelona, muxuuse ka yiri Messi?? appeared first on SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD

Website Cajiib Ah Oo Hawada Soo Galay , CNNSomali.com , Ka Hel Wararka Somaliya Maalin Waliba

Ma Xiiseysaa in aad la socoto wararka Somaliya iyo falaanqeyntooda , hadaba CNNSomali.com waxaad ka haleysaa daqiiqad waliba wax waliba oo ka cusub dalkaada hooyo. CNNsomali.com waxaa wax ku qora wariyaal Somaliyeed oo caanka ah dalka kuwaas si aan dhan u janjeerin kugu soo gudbinaya wararka Somaliya iyo falaanqeyntooda. Hadaba ka mid noqo asxaabta cusub ee CNNsomali.com 

Stay Connected

20,926FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Lix ka mid ah Xubnaha cusub ee Golaha wasiirada DF oo xilka la wareegay

- Advertisement - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska Mudane Maxamed Aadan Macallin, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cumar Cali Rooble,  Cadaaladda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/Kariin Ashkir. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Dhankooda, Wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo Alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas Qaran. Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen Wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan. Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Sadiiq Warfaa, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Wasiiradii ugu badnaa Oo Maanta Qalabkoodii Gaarka ahaa Rartay

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Haweenka, Howlaha Guud, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasiiru dowlaha XRW. Waxa lagula dar daarmay Wasiirada shaqada la wareegay inay la yimaadaan dar dar xoog leh. Inta badan xubnihii aadka ugu dhawaa Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xilkoodii waayey.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/axmed-madobe-oo-sheegay-arrin-uu-ka-cabsi-qabo-inay-beesha-habargidir-la-timaado/original article