Saturday, October 24, 2020

Amniga Muqdisho oo si adag looga shiray & Go’aano laga soo saaray

Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Maamulka  iyo Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa kormeer amni ku tagay qeybo ka mid ah degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid iyo Deegaanka Daarusalaam.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska ayaa waxa ay shir la qaateen Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada 17 Degmo, iyadoona kulankaas uu socday saacado dhowr ah.

Shirka ayaa inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Caasimadda dalka, sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha sugida amniga Magaalada Muqdisho  iyo la shaqeynta shacabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta la hdlay ayaa waxaa uu sheegay in shirarka looga hadlayo amniga Caasimadda ay sii socon doonaan iyo howlaha kormeerka ee lagu sameeynayo degmooyinka Gobolka.

The post Amniga Muqdisho oo si adag looga shiray & Go’aano laga soo saaray appeared first on Somali News Leader.

Related Articles

Muuse Biixi oo xilka ka qaaday Xubno katirsan Xukuumadiisa kuwa cusubna Magacaabay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday masuuliyiin katirsanaa Xukuumada Soomaaliya, waxa uu sidoo kale magacaabay masuuliyiin kale. Masuuliyiinta uu xilalka ka qaaday Madaxweyne Biixi waxaa kamid ah Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Sahal Maxamed Jaamac, waxaana lagu bedelay Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar. Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista iyo Magacaabista. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo u mahah cel;iyay Baarlamaanka Fariina u diray shacabka (Sawirro)

Marco Asensio Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Barcelona.

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu u saxiixo Barcelona ka hor kulanka El Clasico ee ugu horeeya xilli ciyaareedkaan. Xiddiga reer Spain ayaa Madrid ugu soo biiray isagoo 18-sano jir ah oo wacdarro dhiga 2014 kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Mallorca. Laakiin xiddiga ayaa haatan qirtay inuu si fudud ugu biiri karay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Madrid ee Barcelona waliba maanta ka hor iman lahaa Madrid. Wareysiga uu siiyay AS, waxaa la weydiyay hadii ay run tahay inuu u saxiixi karay Barca, Asensio ayaa yiri: ‘Haa, waan kari lahaa, sidoo kale kooxo kale. “Waxa mar walba jiray kooxo waaweyn oo xaaladaada wax kaa waydiinaya, markii aan ku biiray Real Madrid wax walba waxa ay u dheceen si deg-deg ah”. “Marka ay fursadaasi is muujiso waa wax aan macquul aheyn in la yiraahdo maya”. Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xukuumadii Uu Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Xukuumada Rooble

Kulan ay maanta xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ay ku yeesheen mudanayaasha golaha shacabka, uuna shir gudoominayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa raysal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu golaha horkeenay xukuumadiisa, isagoo waydiistay in ay kalsoonida siiyaan.Raysal Wasaare Rooble ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga. Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. RW Rooble Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda. Ugu dambayn Raysalwasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Horseed Media

Guddoomiye Maxamed Mursal “Xukuumadaan Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa Qabsoomidda Doorasho Waqtigeeda Ku Dhacda”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ka hadlay ansixitan xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in kukuumadaan cusub looga fadhiyaa qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda. Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Goobjoog News