Thursday, October 29, 2020

Africa: Niger, Somalia and Kenya Election Re-run – Voice of America

Related Articles

Ma xog muhiim ah ayaa laga jabsaday ololaha doorashada Trump?

25 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersBogga rasmiga ah ee madaxweyanaha Mareykanka, Donald Trump, ku leeyahay internet-ka ayaa la jabsaday, waxaana lagu soo daabacay farriin u muuqatay mid aflagaaddo ku ah Mr Trump.Kooxda u qaabilsan ololaha lagu doonayo dib usoo doorashadiisa ayaa sheegay inay hadda baarayaan sababta keentay in lala wareego website-ka muhiimka ah."Adduunku wuu ka daalay wararka been-abuurka ah ee uu maalin kasta soo gudbiyo madaxweynaha Mareykanka", ayaa lagu soo qoray website-ka oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxo burcadda internet-ka ah.Wax yar kaddib ayaa qoraalkaas laga saaray meesha.Mas'uuliyiinta maamuleysa ololaha Trump ayaa sheegay "inaysan jirin xog xasaasi ah oo halkaas lagala baxay, maadaama aan waxba lagu keydinin boggaas".Sawirro laga soo qaaday fadeexadda ku dhacday ololaha Trump ayaa lagu faafiyay baraha bulshada. Hay;adda Dambi Baarista Federaalka Mareykanka ee loo yaqaanno FBI-da iyo Waaxda Caddaaladda ayaa sheegay in farriinta lagu soo bandhigay boggaas ay tahay war been abuur ah, boggana ay la wareegeen qolyo burcad ah."Waxaa la joogaa waqtigii dunida loo fasixi lahaa inay runta ogaato," ayaa lagu yiri farriinta ay daabaceen qolyaha la wareegay bogga Trump. Waxay sidoo kale sheegeen inay caddeymo u hayaan in maamulka Trump "uu wax ka ogaa abuurista fayraska corona" uuna faragalin ku hayo doorashada madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo 3-da bisha November.Farriintaas ayaa markaas kaddib lagu sheegay in xogtaas si loo bixiyo ay doonayaan lacag looga baddasho.Ma jiraan wax caddeymo ah oo taageeraya hadallada lagu sheegay farriintaas, maamulka madaxweyne Trump-na waxay beeniyeen in xog muhiim ah halkaas laga qaatay."Website-ka ololaha Trump waa la jabsaday, laamaha amniga ayaana kala shaqeyneynaa sidii baaritaan loogu sameyn lahaa arrintaas ku saabsan weerarka. Ma jirto xog muhiim ah oo laga jabsatay bogga sababtoo ah wax macluumaad ah laguma keydiyo website-kan," ayuu yiri agaasimaha waaxda warbaahinta ee Trump, oo lagu magacaabo Tim Murtaugh, oo la hadlay telefishinka CNN.

Paul Scholes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Champions League.

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya inay Man United awood u leeyihiin inay ku guuleystaan ​​Champions League xilli ciyaareedkan. Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Scholes ayaa faallaynayay kadib kulankii ay Man United 5-0 ku garaaceen kooxda RB Leipzig. Scholes ayaa ka sheegay BT Sport: “Marwalba waxaan dhihi doonaa haa dabcan. “Uma maleynayo inay jiraan kooxo badan oo fiican oo ka jira haatan Yurub oo dhan”. “Waxan u malaynayaa in ay kaliya Jirto koox fiican kuwaas oo ah Bayern Munich laakiin kooxaha kale ma arko wax United ka hor istaagaya Ku Guulaysiga”.

Ogaysiis ku socda Dadka u tartamaya kamid noqoshada Gudiga Doorashooyinka Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn

Gudiga Doorashooyinka Puntland waxay ku wargalinayaan Dadka doonaya inay ka mid noqdaan Gudiyada Doorashooyinka Heer Degmo in Imtaxaankii la xulayay Xubnaha la qaadi doono Bisha Novembar ee sanadkaan.Degmada Ugeyn waxaa imtaxaanka la qaadayaa 8 Novembar saacada 8:00 Subaxnimo, goobtuna waa Xafiiska Gudiga Degmada Eyl waxaa imtaxaanka la qaadayaa 3 Novembar Saacada 8 Subaxnimo, goobtuna waa Xarunta Gudiga ee Degmada Eyl Degmada Qardho waa 5 Novembar saacada 8:00 Subaxnimo goobtuna waa Xarunta Gobolka ee Gudiga Doorashooyinka FIIRO GAARA Qofwalbaa waa inuu soo qaataa 1- Shahaadada Heer Jaamacadeed oo orjinaal ah 2- Warqada Dambi la’aanta Criminal rekord Liiska Dadka loo yeeraya sadexdaan Degmo hoos ka Akhriso Ugeyn Eyl Qardho

Stay Connected

20,939FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Maamuuska Qaran Ee Hoboladdii Qaranka Marxuumad Saynab Cali Baxsan

Share on Facebook Tweet on Twitter – Fanka waxay ku bilawday Askarinimo waxayna ka mid ahayd kooxdii ciidanka xoogga dalka 1964. – Labo mar ayaa Dowladdu bari-samaadkii ku abaal marisay doorkeeda wadaniyadeed iyo sida ay dalkeeda u jeceshahay. -Seynab waxa ay tusaale u tahay daljaceylka, geesinimada iyo dhabar adeyga haweenka Soomaaliyeed oo udub dhexaad u ah dowlad dhiska, horumarka dalka iyo wacyigelinta bulshada. Maamuuskan Qaran ee loo sameeyey iyo macnaha uu leeyahy. – Si jiilba jiilka ka danbeeya u dhaxalsiiyo wadaniyadda iyo daacadnimada ay Qaranka ugu soo shaqeysay Marxuumad Seynab Xaaji Cali Baxsan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ugu magac daray Guriga Hooyooyinka Qaranka oo manta laga bilbaabo noqonaya GURIGA HAWEENKA EE HOOYO SAYNAB XAAJI CALI (BAXSAN) -Maamuuskani waxa uu muujinayaa qiimaha ay noo leedahay waddaniyadda iyo mudnaanta aan siineyno halyeeyada naftooda iyo noloshooda u huray midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka. SHARE Facebook Twitter Previous articleDistinguishe between free speech and transgressions against Muslim sanctity

Yuusuf Dabageed oo si kale u dhigay xiisadda HirShabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay khilaaf xoogan ka jiray Dhismaha maamulka HirShabeelle, kaasi oo ka dhashay isbedel deg-deg ah oo la rabo in lagu sameeyo hogaanka sarre ee maamulkaasi, taasi oo saameyn weyn ku yeelaneysa xilalkii ay beeluhu ku lahaayeen maamulka. Guuxa khilaafkaasi oo ka taagna Jowhar ayaa Siyaasiyiinta qaar soo warinayaan in la damiyay, halka kuwa kale ay ku doodayaan midaasi badalkeeda, taasi oo jahwareer cusub u horseedaysa dhismaha HirShabeelle. Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa hadda isku dayaya inuu daboolo xiisadda dhismaha maamulkaas ka taagan, isaga oo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah Waxa uu yiri inuusan jirin khilaaf hor istaagaya dhismaha maamulka, xili dhawaan lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi. Daba-geed ayaa warbaahinta u sheegay in xiligan uusan jirin khilaaf, isla markaana dhawaan si toos ah loo gudo geli doono doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba. Wuxuu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada cusub la dhaarinayo, xili uu jiro guux iyo cabasho ay qabaan beelaha qaar, halka ay soo xulistooda ay dibad joog ka aheyd dowladda federaalku. Si kastaba, Daba-geed iyo siyaasiyiin ku aragti ah ayaa qaba in dhismaha maamulka HirShabeelle uu u socdo si habsami leh, halka siyaasiyiin kale ay qabaan in si aan habooneyn wax loo maamulay, iyada oo ay soo baxeyso cabashada beelaha qaar oo xaalad cakiran galineysa dhismaha maamulkaasi. Hoos ka dhageyso codka Dabageed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/Cod-Daba-geed.mp3