Thursday, October 29, 2020

“Adduunku waa in uu ka hortagaa dagaal qabaw oo cusub”, ayaa uu ka digay Guterres

8 Daqiiqadood ka hor

Antonio Guterres

Adduunku waa inuu sameeyaa intii karaankiis ah si looga hortago Dagaal Qabow oo cusub, sida uu ka digay madaxa Qaramada Midoobay, xilli uu furayey shir guud oo ay dejinayaan xiisadaha Mareykanka iyo Shiinaha iyo saamaynta aafada Covid-19.

Xoghayaha guud António Guterres ayaa sheegay in adduunku uu ku socdo “jiho halis ah”, isaga oo ka hadlaya jabka ay abuureen “labada awood dhaqaale ee ugu waaweyn” adduunka.

Golaha sanadkan waxaa inta badan lagu qabtay hab muuqaal toos ah.

Caadiyan, xarunta UN-ka waxaa buuxin lahaa hoggaamiyaasha adduunka iyo wakiilladooda, kuwaas oo munaasabaddan u adeegsada inay kaga hadlaan guulaha ay gaadheen iyo inay la hadlaan kuwa la tartamaya.

Taa beddalkeeda, shakhsiyaad kooban oo ay ka mid yihiin sida madaxweynaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bixiyay khudbado horay loo sii duubay. Waxaana durba laga dareemeyey sida ay xaaladda labada dal u kacsan tahay

Dhanka kale khudbad uu ka jeediyay dhismaha UN-ka ee New York, Mr Guterres wuxuu yiri: “Waxaan u dhaqaaqeynaa jiho aad u khatar badan.

Adduunkeennu ma awoodi karo mustaqbal ay labada dhaqaale ee ugu waawayn adduunka ku kala jabeen si aad u weyn – mid kastaana wuxuu leeyahay xeerarkiisa ganacsi iyo kan maaliyadeed iyo internetka iyo awoodaha sirdoonka macmalka ah.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isku khilaafsan arrimo dhowr ah, laga soo bilaabo ganacsiga illaa laga soo gaadhay cudurka faafa ee coronavirus.

Mr Guterres oo ka hadlayey safmarka Karoone ayaa sida oo kale yidhi: “Aafadani waa dhibaato ka duwan wixii aan waligeen arkaynay. Laakiin sidoo kale waa nooca dhibaatada aan ku arki doono qaabab kala duwan marar badan iyo mar kale. Covid-19 keliya aha dhawaaq ina toosinaya, waa se tababar adduunyada u sii diyaarinaya caqabadaha soo socda. “

isku eedaynta Karoonaha

.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha ayAA isku maandhaafay arrinta coronavirus-ka shirkan golaha guud ee Qaramada Midoobay ee New York. Madaxweyne Trump ayaa ka sheegay in Beijing ay adduunka ku soo deysay belaayo, ayna waajib tahay in lagula xisaabtamo dhimashada uu keenay waxa uu ugu yeeray “feyraska Shiinaha”.

Safiirka Shiinaha ayaa diiday eedeymahaas oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn. Khudbadiisa fiidiyowga, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu cambaareeyay isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo fayraska. Wuxuu sheegay in Shiinuhu uusan damacsanayn inuu “dagaal qabow ama mid kulul” la galo dal kale.

Mike Pompeo ayaa kal isna hore sheegay in ay hayaan caddaymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaadh ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday ahayd xanuunkan saf-marka ahi, dabayaaqadii sannadkii tagay. Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xayawaanada duurjoogta ah ee lagu kala iibsado seyladaha dalkaasi Shiinaha.

Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo badhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha.

Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”.

Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay ku dhawaad 3.6 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 249,000 oo qofna ay u dhinteen.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54251578original article

Related Articles

Qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jeddah oo la weeraray

Jeddah (Caasimada Online) – Ayada oo maanta weerar lagu dilay saddex qof, oo mid ka mid ah la gowracay, laga fuliyey magaalada Nice ee dalka Faransiiska, ayaa weerar kale lala beegsaday qunsuliyadda France ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha. AFP waxay sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters. Booliska Gobolka Makah oo Jeddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay “si wayn u feejignaadaan”, AFP ayaa sidaa ku warrantay. Dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa car xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH.

Frank Lampard Oo Go’aan Ka Gaadhaya Masuuliyada Rikoodhada Kooxdiisa Kadib Markii Jorginho Laga Qabtay Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Tababaraha Kooxda cheslea ee Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu xiddiga Jorgino ka qaado masuuliyada rikoodhada kooxdiisa kadib markii xiddiga rikoodhe laga qabtay kulankii Champions League. Xiddiga reer Italy ayaa rikoodhadii 2-aad laga qabtay xilli ciyaareedkan kulankii champions league ee Arbacadii kadib markii uu iska khasaariyay rikoodhe kulankii Liverpool ee Premier League. Wargayska Metro ayaa sheegaya in uu Lampard doonayo in uu ka wareejiyo xiddiga masuuliyada rikoodhada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Xiddigaha Timo Werner, Kai Havertz iyo xiddigo kale oo kooxdiisa ah ayaa la sheegayaa in ay u tartamayaan in ay qaataan masuuliyada rikoodhada kooxda chelsea.

FRANCE: Weerarkii Nice iyo Jawaabtii Macron

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo maanta booqday kaniisadii uu ka dhacay weerarka lagu dilay 3 qof ee magaalada Nice ayaa ka codsaday shacabka Faransiiska inay u midoobaan ka hortaga kooxaha Xagjirka ah.Weerarkii saaka ka dhacay  magaalada Nice ee koonfurta dalka France ayaa waxaa lagu dilay sadex qof oo ay midi tahay haweenay waayeel ah oo la sheegay inuu qoorta ka jaray ninka weerarka fuliyey. Macron oo sheegay in weerarkan uu geystay Islaami Xagjir ah, waa siduu hadalka u dhigayee ayaa sheegay inay dhankooda marnaba isu dhiibi doonin kooxaha weerarka ku ah dalkooda. Gacan-kudhiiglaha ayey ciidamada Booliiska qabteen 12 daqiiqo kadib markii uu weerarka fuliyey, waxaana soo gaaray ninkaasi dhaawac kadib markii ay toogteen askarta. Weli wax faah faahin ah lagama bixin aqoonsiga ninkaasi oo hada lagu hayo isbitaal lagu daaweenayo. Isla maanta ayey booliiska Faransiiska toogasho ku dileen ninkale oo ku sugnaa magaalada Avignon, kaasi oo la sheegay inuu watay mindi isagoo u hanjabayey dadka wadada marayey iyo ciidamada booliiska. Dowlada France ayaa heegankii ugu sareeyey gelisay guud ahaan dalkaasi oo lagu waday caawa inuu u bilowdo bandowga ka hortaga cudurka Covid19 oo dalkaasi faro-ba’an ku haya xiligan. Askarta Militariga oo gaaraya 7 kun ayaa la sheegay in lagu kabi doono ciidamada Booliiska si ay u illaaliyaan goobaha lagu cibaadeysto. Hogaamiyayaasha Caalamka iyo waliba ururada Islaamka ee dalkaasi France ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday kaniisada Katooliga ee Nice. Dhinaca kale dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo nin ku hubeysnaa mindi oo isaguna maanta weerar ku qaaday Qunsuliyada Faransiiska ku leeyahay magaalada Jidah, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay askari waardiye ka ahaa Qunsuliyadaasi. Xiisada France iyo Dunnida Islaamka Weerarada ayaa la xariira xiisada sawirada ay daabaceen jaraa’idka Faransiiska ee lagu aflagaadeenayey Nebi Maxamed SCW, waxaana 2 asbuuc kahor dalkaasi lagu dilay macalim caruurtuu wax u dhigayey masawiradaasi tusay, dilkaasi ayuu geystay wiil muslim ah oo 18 sano jir ah oo asal ahaan kasoo jeeday Chechnia, kaasi oo ay toogasho ku dileen booliiska. Madaxweynaha Faransiiska Macron oo sheegay inuu difaacayo xoriyatul Qawlka dalkaasi iyo sawiradaasi ayaa sidoo kale xiisadan dab kusii shiday kadib markii uu sheegay inay tilaabo ka qaadi doonana ururada Islaamka iyo Masaajidada uu ku tilmaamay xagjirka, xukuumada Emmanuel Macron ayaa sidoo kale diyaarisay sharci ay ku tilmaamtay la dagaalanka Islaamiga Gooni-u-goosadka ah arrimahan oo ay si weyn u cambaareeyeen qaar kamid hogaamiyayaasha dalalka Islaamka. Maalmahan ayey banaanbaxyo ka dhan ah Faransiiska ay ka socdaan dunnida Islaamka, waxayna muslmiinta bilaabeen inay joojyaan inay iibsadaan alaabaha ay sameeyaan shirkadaha laga leeyahay dalka France. Hanad AskarHorseed Media

Stay Connected

20,939FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Turkiga oo War ka soo saaray weerarkii maanta ka dhacay dalka Faransiiska

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Turkiga ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska xili xiriirka labada dal uusan fiicneyn dhowaanahan. Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah. Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasoo ka dhan ahaa diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH. Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan. Weerarkan ayaa daba socda mid kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla waqooyi galbeed magaalada Paris. Samuel Paty, oo macallin ka ahaa iskuulka Conflans-Sainte-Honorine, ayaa la gowracay maalin kaddib markii uu qaar ka mid ah ardaydiisa tusay sawir-gacmeedyo la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad NNKH. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleDEG DEG: Weerar lagu qaaday qunsuliyada Faransiiska ee Magaalada Jeddah (Sawirro)

Ma xog muhiim ah ayaa laga jabsaday ololaha doorashada Trump?

25 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersBogga rasmiga ah ee madaxweyanaha Mareykanka, Donald Trump, ku leeyahay internet-ka ayaa la jabsaday, waxaana lagu soo daabacay farriin u muuqatay mid aflagaaddo ku ah Mr Trump.Kooxda u qaabilsan ololaha lagu doonayo dib usoo doorashadiisa ayaa sheegay inay hadda baarayaan sababta keentay in lala wareego website-ka muhiimka ah."Adduunku wuu ka daalay wararka been-abuurka ah ee uu maalin kasta soo gudbiyo madaxweynaha Mareykanka", ayaa lagu soo qoray website-ka oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxo burcadda internet-ka ah.Wax yar kaddib ayaa qoraalkaas laga saaray meesha.Mas'uuliyiinta maamuleysa ololaha Trump ayaa sheegay "inaysan jirin xog xasaasi ah oo halkaas lagala baxay, maadaama aan waxba lagu keydinin boggaas".Sawirro laga soo qaaday fadeexadda ku dhacday ololaha Trump ayaa lagu faafiyay baraha bulshada. Hay;adda Dambi Baarista Federaalka Mareykanka ee loo yaqaanno FBI-da iyo Waaxda Caddaaladda ayaa sheegay in farriinta lagu soo bandhigay boggaas ay tahay war been abuur ah, boggana ay la wareegeen qolyo burcad ah."Waxaa la joogaa waqtigii dunida loo fasixi lahaa inay runta ogaato," ayaa lagu yiri farriinta ay daabaceen qolyaha la wareegay bogga Trump. Waxay sidoo kale sheegeen inay caddeymo u hayaan in maamulka Trump "uu wax ka ogaa abuurista fayraska corona" uuna faragalin ku hayo doorashada madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo 3-da bisha November.Farriintaas ayaa markaas kaddib lagu sheegay in xogtaas si loo bixiyo ay doonayaan lacag looga baddasho.Ma jiraan wax caddeymo ah oo taageeraya hadallada lagu sheegay farriintaas, maamulka madaxweyne Trump-na waxay beeniyeen in xog muhiim ah halkaas laga qaatay."Website-ka ololaha Trump waa la jabsaday, laamaha amniga ayaana kala shaqeyneynaa sidii baaritaan loogu sameyn lahaa arrintaas ku saabsan weerarka. Ma jirto xog muhiim ah oo laga jabsatay bogga sababtoo ah wax macluumaad ah laguma keydiyo website-kan," ayuu yiri agaasimaha waaxda warbaahinta ee Trump, oo lagu magacaabo Tim Murtaugh, oo la hadlay telefishinka CNN.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54251578original article