Tuesday, November 24, 2020

6 qodob oo lagu duray sharci ahaanta xeer nidaamiyaha ajuurooyinka maxkamadaha

Sii hayaha Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa September 2, 2020 waxa uu soo saaray Xeer Nidaamiye ku saabsan ajuurooyinka maxkamadaha kaas oo sumaddiisu tahay (Xeer Lr.0217092020), laguna nidaaminaya Ajuurooyinka iyo Cashuurta laga qaadi doono adeegyada ay Maxkamaduhu qabtaan. Arrintan ayaa waxaa ay dhilisay iney dhaliilo keenaan qareenno iyo mihnadleyaasha arrintan ka shaqeeya.

Marka laga soo tago in maxkamadda sare qofka uu gal dacwadeed madani ah ku furanayo $200, dib u eegista $300, rukhsad qareen marka 1-aad $500, gal furis dawcad doorasho $1,000, gal furis dacwad dastuur $1,000 ama waxaa kale oo la sheegayaa tusaale ahaan in canshuurta laga qaadayo 5% ay tahay furashada gal dacwadeed madani ah, tusaale haddii dhul la isku heysto, waxaa canshuur u bixineysaa 5% qiimaha hantida, si gal dacwadeed loo furo, oo ay sii dheer tahay wakaalad qareen iyo arrimo kale.

Qaar ka mid ah qodobbada ay ku doodayaan qareennada iyo mihnadleyaasha.

Masoo Marin Baarlamaanka: Qodobbada ay qareennada ku doodayaan waa  in Xeer Nidaamiye Wasiir uu soo saaray aysan Muwaadinka ku waajibin karin bixin canshuur aanu jideynin sharci ay soo ansixiyeen labadii aqal ee Baarlamaanku, sidoo kalena dhamaysanin dhamaan habraaci sharci ku dhaqan geli jiray, iyadoo ay jirto in xeer nidaamiyaha wasiirku uu soo rogay cashuuro aan lahayn saldhig sharci, sidoo kalena aysan sheeginin xeerarkii ka horeeyay.

Soo-saarista Xeerka: Qodobka kale ee doodad waa in cidda keliya ee xeer nidaamiye ajuuro maxkamadeed soo saari kartaa ay tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda kadib marka uu dhegaysto ra’yiga iyo soo jeedinta Xoghayaha Wasaaradda Garsoorka iyo Diinta. Mana jirto qodob sharci oo awood u siinaya Wasiir Maaliyadeed in uu soo saaro xeer nidaamiye ajuuro maxkamadeed.

Duridda Sharciyadda Wasiirka Maaliyadda: wasiirka hadda jooga waa sii haye wasiir, xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, shaqadiisuna waa xil gaadhsiin, Dastuurka ku meel gaadhka ahna waxa uu ku leeyahay qodobkiisa 103aad: “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”, sidaa awgeed wasiir xil gaadhsiin ah waxa uu socodsiiya shaqadii hore u socotay oo keliya ee awood umalahan in uu unko xeer nidaamiyayaal iyo shaqooyin hor leh.

Qabashada lacagta: Qodobka 2aad ee Xeer Lr.109 waxa uu awood u siinaya qabashada iyo aruurinta Ajuurada maxkamadaha Kaaliyaha Maxkamadda, halka Xeer Nidaamiyahani uu awooddaas ka xayuubiyay oo qodobkiisa 2aad uu ku sheegay in Ajuuradaha Maxkamadaha ay aruurinayaan Shaqaalaha/Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Maxkamadaha.

Meesha Lagu shubayo: Xeer Nidaamiyahani waxa uu ku xusan qodobkiisa 3aad in qoondada dakhliga aan canshuuraha ahayn lagu shubayo Ajuurada Maxkamadaha, waxaana is maandhaaf ah in isla xeer nidaamiyahani laftigiisu lacagaha uu waajibinayo qeyb ka mida uu ku magacaabayo in ay yihiin canshuuro, qeybta kalena ay tahay khidmad

Dhaqangalka: Qodobka 5aad ee Xeer Nidaamiyahani waxa uu xusayaa in uu dhaqangalayo marka uu wasiirku saxiixo, taas oo ah mid baal marsan Qodobka 6aad ee Sharciga Maamulka Dakhliga Xeer Lr.13 ee soo baxay 27/10/2019, oo isla Xeer Nidaamiyahani gundhig ka dhigtay arartiisa hore, iyadoo faqradda 3aad ee qodobka 6aad ay leedahay: “ Xeer Nidaamiyayaasha waa in lagu soo saara Faafinta Rasmiga ah, waxa ayna dhaqan gelayaan taariikhda la faafiyo”.

Sooyaalka Sharci ee Ajuurooyinka Maxkamadaha:

Dalku waxa uu yeeshay dhawr xeer oo nidaaminayay Ajuurooyinka Maxkamaduhu ka qaadi doonan dadweynaha ay u adeegayaan waxaana ka mida xeerarkaas:

  1. Xeerka Cashuuraha Tigidhada “Sharci Lr.6 ee soo baxay 07/12/1966”, kaas oo qeyb kamida ay ku saabsanayd bixinta iyo aruurinta Ajuurooyinka Maxkamadaha (Xeerkan waxaa baabi’iyay xeerka hoos ku xusan).
  2. Xeerka Ajuurada Maxkamadaha “Xeer Lr.109 ee soo baxay 14/11/1975, kaas oo ka kooban 6 Qodob iyo laba warqadood oo lifaaq ah (Xeerkan wax ka bedel ayaa lagu sameeyay, laakinse weli waa dhaqan gal).
  3. Xeerka Wax Ka Bedelka Ujuuradaha Maxkamadaha Madaniga “Xeer Madaxweyne Lr.37 soona baxay 16/05/1981” kaas oo ka kooban 3 qodob oo keliya (Xeerkani waxa uu wax ka bedelay lifaaqa xeerka sare ku xusay, welina waa dhaqangal).

Xigasho: Goobjoog News

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/6-qodob-oo-lagu-duray-sharci-ahaanta-xeer-nidaamiyaha-ajuurooyinka-maxkamadaha/original article

Related Articles

Xubnaha Beesha Caalamka Oo iska diiday inay tegaan Hoteelka Jasiira (Sababta)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Shirka Midowga Wadatashiga waxaa hadda Aaladda Zoom-ka ah ama Foggaan arag kaga qayb galaya xubno matalaya Beesha Caalamka, iyadoo Musharraxiinta halkaas ku shirsan ay dhammaantood u wada dhan yihiin si looga wada hadlo arrimaha cakiran ee ku aaddan Doorashooyinka dalka. Warar ayaa sheegaya in Xubnaha qaar ee matalaya Beesha Caalamka ay si caadi ah ugu soo qayb geli lahaayeen shirka balse aysan u arkin in Villa Soomaaliya dhabar jebin ay sameeyeen. Lama oga waxyaabaha kasoo bixi doona shirka oo hadda socda islamarkaana Beesha caalamka ay talooyin gudbinayaan. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Maxaa ka jira in Madaxweyne Guudlaawe loo diiday inuu tago Magaalada Belad-weyne?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay ineysan jirin cid ka soo horjeeda booqasho la sheegay in Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe uu ku tagayo Magaalada Baledweyne. “Ma jiro hal qof oo diidan in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne wixii ka dambeeya maalinta Khamiista” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Beladweyne. Dabageed ayaa sheegay inuu dhameeyay tabashooyinkii jiray uuna diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo tabasho qabta. Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu ka baaqday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar uu ku tagi lahaa magalada Baledweyne kadib markii ay soo baxeen hanjabaado kasoo yeeray ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baledweyne, kuwaasoo sheegay inuusan imaan karin Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu yimaadana ay weerari doonaan. Kulamo dhexmaray saraakiisha hogaamineysa ciidamada diidan Cali Guudlaawe iyo maamulka gobolka Hiiraan oo la doonayey in arintaas xal looga gaaro ayaa fashil ku soo dhamaaday sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada Beladweyne. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articlePolitical consensus in Somalia must be “preserved and indeed deepened,” says UN envoy Xinhua

Dhageyso : – Cabdi Farax Juxa oo ka waramaaya Taariikh nololeedkii General Khaliif Ciise Mudan

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dawlada Fedearaalka Somaaliyeed Halgame Cabdi Farax Juxa ayaa warbaahinta uga waramay maanta Taariikh nololeedkii Allaah ha u naxariistee Generaal Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeriyooday Dalka Turkey.Halkan ka dhageyso Juxa iyo Taariikh nololeedka marxuumka :

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xog: Qoor Qoor oo aqbalay dalabkii musharaxiinta balse ku xiray hal shardi

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa kulan uu habeen hore la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ku ballan qaaday fulinta qodob ay cabasho ka qabeen oo ku aadan guddiyada doorashada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor Qoor ayaa musharaxiinta ka aqbalay inuu badalo guddiga doorashada xubnaha ku jira qaarkood, balse waxa uu sharuud kaga dhigay in marka hore ay beddalaan maamullada kale ee dalka. “Waa naga aqbalay inuu beddalo dadka qaar ee guddiga ku jira balse waxa uu diiday inuu bilaabo isagoo naga codsaday in marka aan ka keeno maamulada kale,” ayuu yiri mid kamid ah musharaxiintii la kulmay Madaxweyne Qoor Qoor, oo la hadlay Caasimada Online. Kulankaan ayaa daba socday kulan kale oo laba habeen ka hor ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana la aaminsan yahay in Qoor Qoor dhab ka aheyn balanqaadkii uu xalay sameeyay. Shuruuddan ayaa xubnaha qaar ay ku macneeyeen mid adag, oo Qoor Qoor uga gol leeyahay inuu isaga aamuso, oo aysan daacad ka ahayn. Qoor Qoor ayaa markii la doortay, inkasta la xajinayey Villa Somalia, la rumeysnaa inuu mararka qaar yeelan doono dhiiranaan uu kaligiis go’aan ku qaato, hase yeeshee taas waxay noqotay mid lagu hungoobay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Miyuu Mohamed Salah Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Atalanta? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay diyaar ahaanshaha xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona. Xiddiga Mohamed Salah ayaa...

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/6-qodob-oo-lagu-duray-sharci-ahaanta-xeer-nidaamiyaha-ajuurooyinka-maxkamadaha/original article