Saturday, October 24, 2020

​Chelsea, Barcelona & Real Madrid Oo Ku Biiray Baacsiga Loogu Jiro Xiddig Baxsad Ka Ah Bayern Munich.

Daafaca Bayern Munich David Alaba ayaa qarka u saaran inuu si xor ah kaga tago kooxda xagaaga soo socda.

Xiddiga reer Austria ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Bayern Munich waxana uu isaga tagi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa la macno ah in uu xiddigu wadahadalo la gali karo koox kasta oo uu doonayo suuqa January.

Wargayska Sport1 ayaa sheegaya in ay kooxaha Chelsea, Barcelona iyo Bayern Munich yihiin 3-da kooxood ee uu midkood ku biiri doono.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa doonaya heshiis ku kacaya lacag badan waxana uu doonayaa in uu kooxdaas kaga fadhiisto ciyaaraha kubada cagta.

Laacib.net

Related Articles

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Trump oo Dawladda Masar ku Booriyay inuu Burburiso Biya Xidheenka Ethiopia

October 24, 2020 | Published by: yaska Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadho xooggan u muujiyey Ethiopia, Jimcihii, sababo la xidhiidha biyo-xidheenka ay ka sameyneyso Webiga Nile, wuxuuna soo jeediyey in Masar ay burburin doonto. Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xidhiidh ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xidheenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga. “Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto,” ayuu Trump Weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad, ayada oo taleefonkana ay ku jiraan hogaamiyayaasha Israel iyo Sudan. “Way burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa Masar way burburin doontaa biyo xidheenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yiri Trump. “Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xidheenka],” ayuu yidhi Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xireenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak. Trump oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada hadallada uu Hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xidhiidha in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo xidheenka. “Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib darro Ethiopia ayaa jebisay Heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yidhi Trump. “Marnaba ma arki doonaan lacagtaas kaalmada Mareykanka illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yidhi. Ethiopia weli kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Trump. [embedded content]